Friday 20 November 2015

Xamaasadi Xal ma ahan!.

Xamaasadu waa laab lakaca uu qof arin si gaar ah ula juboodo,ulana durbaan tunto.waxay muujinaysaa dareen gudaha kasoo burqanaya oo sheegaya sida qofkaasi ugu qanacsanyahay arinkaasi amaba dhacdadaasi.

inta badana xamaasadu masii raagto oo waa un sida farxada oo kale, oo adoo qoslayo baa laga yaabaa inaad  qadaad-qadaad udhacdid ood mar qudhaata ah oohin lasoo boodid ,halkaana ku soo gunaanadid farxadaadii iyo reynreyntii.
Innagu soomaalideena aad bay inoogu badantahay xamaasada,oo malihin kaadsiimo iyo ukuurgalid,judha aan wax maqalno amaba aragnaba mashxarad baan la dhacnaa,inagoon isweydiin waxani ma dhayal baa mise waa dhab.

Thursday 19 November 2015

Kaarka ha iska gubin!

Sumcada ama karaamada iyo kalsoonida aad bulshada ku dhex leedahay waa kayd hantiyadeed oo raandhiis iyo raasimaalba leh.hadba heerka ay sumcadaadu gaahsiisantahay ayayna noloshaada iyo dhexgalka bulshadaada ku sargo'naataa.
Aduunweynaha waxaa kajiro aadna loo adeegsadaa wax loogu yeedho liiska madoow(Black list)oo lagu aruuriyo dadka ay sumcadoodu waxyeeloowdo.
Shirkadaha,hay'adaha  dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahaynba waxay qofka ay maal ama mansab siinayaan marka hore eegaan saafinimada sumcada shakhsigaasi.
Haddii qofku diiwaankiisu fiicanyahayna way dalbadaan oo durbaba daf la dhahaan,haddii kalena ka didaan dadkana uga digaan.
Annagu soomaali ahaan liistadaasi waan leenahay,mase ahan mid qoran oo waa un qeyb kamid ah hadal haynta bulshada waxa loogu yeedho.qof walbana waxa dadku badankood kasheegaan ayuun baa lagu qiimeeyaa
Waxyaabaha kaarka Sumcada gubaahi ma ahan Xatooyada iyo xumaanfalka oo kali ah ee waxaa kamid ah:

Sunday 1 November 2015

Gadhka Xiidh ama Xaqiisa sii(Sheeko).

Hadda ka hor jeer aan joogay degmo kamid ah gayiga soomaalidu taal, baan sheeko reebtani kala kulmay.Waxaana jeclaystay inaan idinla wadaago.

Sidan ayayna sheekadu udhacday:-

Amin galab casar liiq ah oo cad-ceedu godka cidhifka lagashay ,dadkuna salaadii maqrib u hogbadeen, baa waxaa faras magaalaha tub haye ahaan usoo maray nin oday ah,ugaas ah oo waliba hargaanti ah.waxuu sii taxaashaba waxuu sheeda isha kalahelay meel maqaaxi ah,oo rag dhalinyaro ubadan gabranyihiin ,shaah casiriya ahna loo holanyahay ,waxaana isla buqcada isu bariiqa daadsanaa horin rag ah oo iska soo horjeeda laguna hareereeysanyahay.

Tuesday 27 October 2015

Aragti Cidhiidhyoon!.

 





Dhaqammada Fooqal caqliga ah ee dadkeena Soomaaliyeed ku caanbaxeen waxaa ka mid;Qof soomaaliyeed oo ku biiray baarlamaanka Canada oo loo mashxarado,ama mid ciyaartooy ah oo calanka Ingiriiska ku ciyaara oo loo beyraqo.Marka sidaasi layeelayo waa la ogyahay oo kaa Canada xildhibaanka kanoqday waa ku daayay,rajada laga qabo in asaga ama ubadkiisa ay dib usoomaaliyoobaana waa ay yartahay,kan ingiriiska uciyaarayana waa lamid oo marnaba lama filayo inuu magaca soomaaliya kutartami doono.

Sunday 25 October 2015

Waa Maxay Gabay?

Gabaygu waa tixo meerisyo ah oo maansada Soomaaliyeed qayb weyn ku leh.Isla gaadhka qoraalkan gaaban waxaan isku dayayaa inaan idiin sawiro siyaabaha gabaygu u dhismo.
Annigoo garabka saaraya laba hab oo kala ah:
 1) Habka Qaafiyadda iyo 2) Habka Miisaanka Maansada:
1) Habka Qaafiyadda: Habkan waa hab qof waliba oo gabyi kara niyadiisa ku dhex xafidan. Maanso kasta ood magacawdo (ha ahaato: geeraar, jiifto, guurow, gabay, iwm) habkan ayey ku aroortaa.Habkan waxaa fure u ah “Xaraf-Raaca,” kaas oo hal xaraf maanasada lagu dhiso, qaafiyadna looga dhigo
.Qaafiyada gabayga badanaa labo goor iyo in kabadanba waa lagu arki karaa. Tusaale kooban oon tixo kala soo baxnay abwaano kala duwan tiriyeen:

Saturday 24 October 2015

Mire, Hurre iyo Gabadh Godban!.

Waxaan jeclaysanay inaan Akhristayaasha sharafta leh ee kutaxan boggani,lawadaagno mid ka mid ah sheekooyinka murtida iyo suugaanta miidhan ah ee uu qoray Qoraaga weyn ee Cawaale Xuseen.Sheekadan oo markii hore kusoo baxday bogga suugaanta iyo taariikhda soomaalida  ku xeel dheeraaday ee doollo.com.Haddaba,waatan sheekadii eeHalkan kaga bogo :

Wednesday 21 October 2015

Soomaalidu shisheeyaha gurmad ka doonan ogaa; oo haddana ka guban ogaa!

      Ugu yaraan maalinkii mar ama labba ayaad maqli beel,siyaasiyiin ama hay’ado Soomaaliyeed oo leh”Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa”,taasoo ka dhigan inay ka dalbanayaan faro galin ku qotanta Gar-gaar :Aadami ,siyaasadeed amaba amni.Haddana islamaalinkaasi si la mid ah amaba kabadan ayay dhegahaada ugu soo dhacayaan dhawaaqyo ka imaanaya;Isla iyagii ama kuwo lamid ah  oo ka cabanaya beesha caalamka.

Sunday 11 October 2015

Taariikhda Dr Axmed Maxamuud Ibraahim oo kooban.

Dr Axmed Maxamuud Ibraahim ,waxuu ku dhashay Degmada Feer - feer ee gudaha deegaanka Soomaalida Ethiopia, Hillaadii 60dameedyadi.i waxuuna kusoo barbaaray Agagaarkeeda , waxaa Qur'aanka soo baray Macalim cabdulaahi xaaji saalax.Kadib markii uu Qur'aanka dhameeyay ayuu uwareegay dhanka degmada Qallaafe ee isla dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.isagoo in muddo ah lanoolaa Adeerkiis Cabdulaahi Ibraahim(Uraag) oo kamid ahaay Ganacsatada magaalada Qallaafe.kadibna waxuu usafray xa[1]ggaa iyo Soomaaliya gaar ahaana Magaallada Muqdisho oo uu waxbarashadiisii ilaa heerka Jaamacadeed kuqaatay. waxuuna ka baxay Jaamacadii ummada Soomaaliyeed qeybteeda culuumta beeraha oo uu markii dambena bare ka noqday.

Tacsi Tiiraanyo leh!

Ma dhinte waa Ilaahay.

Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa dhammaanba qoyskii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday ,Rabbi naxariistii janno ha ku arzaaqee Sheekh Axmed Dhaqane Cali Mataan ,oo maanta ku geeriyooday tuulada Abaaleey.

Friday 9 October 2015

Dantiis mooge maro duug ah horteed buu dhamaadaa!

Waa maah-maah soomaaliyeed oo gundhigeedu yahay in qofka aan wanaagiisa waxa uu kujiro aqoonin uusan sii ajal dheerayn.
dhab oo aduunka intaad dul joogtid ,waxaa kusoo marayo marxalado iyo mowjado nololeed oo maankaada wareeriya,maskaxduna kuu muujiso inay muhiim tahay ka falcelintooda.Laakiin,marka aad miyir qab,ukuur gal iyo aragti dheeri ku fiirisid ,waxaa lagayaabaa inay kuusoo baxdo inay haboontahay inaad ka aamustid ama ka gaabsatid.

Thursday 8 October 2015

Xorriyadu Xad ma leedahay?

Hordhac:Waxaa igu maqaalo ah in;nin oday ah  oo xanuun sanayay ay wiilashiisii dhakhtar ugeeyeen,kadibna uu dhakhtarkii sharoobo daawo ahaan ugusoo qoray,isagoo wiilasha usharxay qaabka uu odaygu sharoobada ucabayo.

Tuesday 6 October 2015

Micnaha Erayada Guryo-noqosho iyo Diirsasho.

In badan waxaan aragnaa dadka qaarkii lagana yaababa in ay yihiin kuwa kashaqeeya War-baahinta iyo Hay'adaha dowliga ah oo aadeegsanaya Erayga Guryo-noqosho,Iyagoo doonaya inay cabbiraan macno ah"Soo laabasho".

Saturday 3 October 2015

Macalim Magaal iyo Arday miyi.(Sheeko Murtiyeed).

Waxaa hadda ka hor jirtay in bare/macalim magaallo joog ah,waxoogaay saboolnimo dhanka xirfadiisa ahna haysatay ,uu maadada Xisaabta udhigi jiray arday kala jaad-jaad ah.

Laxdaanba moogahay!(sheeko gibin ah)


Laxdaanba moogahay!(sheeko gibin ah)

Waxaa la sheegay in ;eegga ka hor koox rag ah oo baadigoob ugu jiray neef ido' ah oo ka ambaday ,ay kasoo dul dhaceen nin meel cidlo ah joogo.

Qoristii Far-soomaaliga mise Af-soomaaliga?


Qoristii Farsoomaaliga mise Afsoomaaliga?

Waxaad moodaa in dad badan oo naga mid ahi ay isku khaldayaan labaddan eray , waxaadna in badan maqlaysaa Qoristii Afsoomaaliga!

Ha qaboobee Qaboweyn ku rida! (Sheeko gibin ah)

Ha qaboobee Qaboweyn ku rida! (Sheeko gibin ah)

Waqti ka mid ah Waagii ay soomaalidu miyi jooga ahayd baa ‪#‎3rag‬ ahi hammi guur ka kala galay ‪#‎3gabdhood‬ oo geel horweyn ah la joogay.
Markii lakala calaamadaystay ee ninwalba cadaystay mida uu calmaday in muddo ahna la haasaawayay lana heshiiyay bay habeenkii dambe raggii go'aan ku gaadheen bal inay hablahani garaadkooda iyo waxgalnimadooda kala gartaan una kuurgalaan.

Thursday 1 October 2015

Kolbo waa la heshiiniye wax ha la isula haro!.

     Xili haatan mudo dheer laga joogo ayaa waxay xurgufi dhex martay labo beelood oo wada deganaay deegaan ka mid ah dhulka ay Soomaalidu degto.Maalin maal maha kamid ah ayaa dagaal qadhaadhi waxa uu dhex maray labbadii beelood,waxaana dhacday in mid kamid meeshii looga awood roonaaday(la jebshay).

Antatar iyo Aabihiiba meesha ayay ooleen!

Waxaa igu maqaalo ah in;hadda ka hor uu dagaal ba'an dhex maray labo beelood oo soomaaliyeed.Dagaalkaasoo uu dhiig badan ku daatay ayaa ugu dambayntii midkood loogu awood sheegtay ,raggii u dagaalamayayna baqo dhabarka jeediyeen.

Soodaanta ma innagaa keenay(Sheeko Gaaban)

      Waxaa la sheegay in ;beri samaadkii markii uu shaqaynayay golihii murtida iyo madadaalda ee soomaaliya ay jiri jireen wax loogu yeedhay'Bandhig faneedyo"oo kolba gobol lagu qaban jiray,ayna kasoo qeyb gali jireen Hal-abuuro iyo heesaayaal dal iyo dibadba kala kalayimid.

 Magaalada hargaysa waxay ka mid ahayd meelaha sida aadka ahi loogu qaban jiray bandhigyada ceeynkaasi ah.waxaanu xeerku ahaa in ;fanaaniinta marka ay masraxa soo istaagaan ee bulshada mashxarad lawadaagaan in dumarku tarabuunka soo koraan oo waxii sil-silado dahab ah ee ay qabaan ay qoorta usudhaan heesaayada,kadibna markay xafladu dhamato fanaaniintu waxii hadiyad ahaa ee lasiiyay ay dib usoo celiyaan oo haweenkii lahaay loo kala qeybiyo.

    Haddaba,ayadoo uu dhaqanku sidaas yahay baa waxaa dhacday in fanaaaniin reed soodaan ah ay Hargaysa yimaadeen,kadibna bandhig-faneed ka dhigeen.
sidii caadadu ahayd bay haweenkii wax alla waxii dahab iyo lacag ah ee ay haaban kareen fanaaniintii huwiyeen,Hayeeshee soodaantu lama socon dhaqanka caynkaas ah oo waxay arki jiraan hadiyad aan la iskala noqonin,sidaasi daraadeed bay la tageen waxii hadiyad ahaa ee lasiiyay oo dhan.

    Markuu dadkii soo miyirsaday ee taabacadii iyo bur-burkii damaashadka ka baxay,bay haweenkii isasoo tubeen afaafka hore ee xafiiskii howsha qaban qaabiyay iygoo weydiistay in dahabkoodii dib loogusoo celiyo.
    Hayeeshee,waxay lakulmeen howl ka bedelan sidii hore,waxaana loo sheegay in fanaaniintii reer soodaan dalkoodii ku laabteen ,waxii hadiyad ah ee lasiiyayna hore usii qaateen,balse haweenkii taasi waa ka daadagi weysay,waxayna dalbadeen in waxoodii loosoo celiyo.

   Markii ay qir iyo qir taagantahay baa nin oday ah oo gudigii qaban qaabada ka mid ah haweeenkii la hadlay waxuuna ku yidhi"Dee Soodaanta ma innagaa keenay",odhaahdaas oo sheeko reeb noqotay.

    

Ogaysiin Dhammaan akhristayaasha sharafta leh ee boggan soo booqda waxaan ogaysiinaynaa inay howl dib uhabayn ahi kusoco ,sidasi daraadeed ay noo dul qaataan inta howshu socoto. mahadsanidiin.

Tuesday 29 September 2015

Jig-jiga iyo Waxii aan usoo joogay


                                     
                 Jig-jiga  iyo Waxii aan usoo joogay.
    Runaan la sheegin maahinee,
Rati Dameer ka raad qurxoon.”


        Deegaanka soomaalida Itoobiya waxuu si lamid ah 8da dowlad  deegaameed ee kale hantiyay ismaamul buuxa oo ugaar ah,kadib markii ay meesha ka baxday xukumdii Dergiga  ,hayeeshee   fursadaasi waxay in badan ahayd un af ka sheeg,mana jirin wax horumar iyo dowladnimo taam ah oo kataabo galay guud ahaan deegaanka,taasoo keentay inuu dib uga dhaco deegaanadii ay mar wada askunmeen.Dadka deegaankuna waxay soo mareen dabin-daabyo iyo duruufo ad-adag oon qoraal lagusoo koobi Karin.Duruufahaasi nololeed waxaa aad udareemi kara qofkii deegaanka xiliyadaasi joogay,waxuuna sidoo kale dareemi karaa faraqa udhaxeeya sabannadaasi tagay iyo waqtigan saaka lajoogo.

Monday 28 September 2015

Raggii tukanayay nin reerka ah kuma jirin yaan la odhan unbay iga ahayd!(Sheeko Gaaban).

Salaada ayay isku dhacsanaayeen,mana ahayn mid safkeeda soo gallo.Maalin maalmaha kamid ,ayuu soo ag maray rag fara badan oo salaadii maqrib uhogbaday,judhiiba jalleeco ayuu ku qabtay,waxaana usoo baxday in aanu meesha ka muuqan qof ay isku reer yihiin(wax beeshiisa ah).
Dahaaro iyo weyso qaadba kama wal-waline;safkiibuu dhinac ka galay,salaadiina ku xidhay(ألله أكبر).

QARANKA IYO QEYBIHIISA


Qaran(State)waxuu ka koobmaa afar rukun ama tiir oo aas-aasi ah,kuwaasoo la’aantood wadar iyo kali ahaanba ay adagtahay inuu jiraahi.
Afartaasi rukun(Elements)waxay kala yihiin:-
1.Dadweyne(Population):-shacab loo taliyo ,asagana tashankara.
2.Deegaan(Territory):-dhul leh xudduudo sugan oo la aqoonsanyahay.

Sunday 27 September 2015

NIMANYAHOOW SACANAGU SUU UDHALAY DHEREG MA ISKU ARAGTEEN?͠ .

Waxaa lasheegaa in had aka hor uu jiri jiray nin garaadkiisu aad uliito,waxaana dhacday in la galay xilli abaar ah ,nolashuna aad u adagtahay ,nasiib wanaagse reerkii uu kadhashay ninkaasi Doqonka ah ayaa neef lo’ ah u dhalay(irmaanaaday),kaasoo qoyska dhan caano ku deeqay ayna ka dhergeen.

Habka qorista Curisyada iyo Sheekooyinka.

    Wax qoristu waa xirfad ka mid ah xirfadaha aas-aasiga ah,waana hibbo ilaahay bixiyo oo lagu kala horeeyo.

   
Hayeeshee,waxaa jiro habab iyo xeelado kala jaad-jaad ah oo loo adeegsado diyaarinta iyo isku dubaridka qoraalada sida curisyada(maqaalada)iyo sheekooyinka.
Waxayna leeyihiin qaab-dhismeed iyo qodobo la raaco ,oo qeybiba wax qaabilsantahay,kuwaasoo ay ugu muhiimsanyihiin afartan waaxood ee socda:-




B.Cinwaanka.
T.Ararta/Hor-udhaca ama Gogol-dhigga.
J.Dulucda/Weedh murtiyeedka.
X.Gunaanadka/Hooriska.

Marti Soorkii Reer Miyigeenu Miiganaayaa!.

          
     Soomaalidu  waxay leedahay dhaqan Intiisa badan suuban oo ay kaga soocantahay dadyowga iyo Bulshooyinka kale ee dunida dusheeda ku Naalooda.Dhaqankaas oo ah mid aad ufacweyn oo soo jireen iyo isir kasoo gadh ah.
      Inkastoo dhaqamadaasi wanaagsan ee shareecada islaamkana wax badan ka waafaqsan aynu hoy unahay ,haddana ,marnaba  si dhab ah looma  diiwaan galinin, dunida daafaheedana looma gaadhsiin .Arintaasi waxay keentay in  la arko un inteena xun(Nidaamdari,magangalyo doonimo,Bur-cad badeednimo iyo argagaxisanimo)na nalagu asteeyo.
      Dhaqamadaasi wanaagsan een leenahay una baahan in lasoo bandhigo waxaa ka mid ah "Hanaankii marti soorka "ee reer miyigeenu ku agaasimi jireen Tub hayaha soo tiigsado .
      Haddaba, Waxaan Curiskani haddii Alle(SWT) qadaro ,kaga hadli doonaa inyar oo ka mid ah dhaqankaasi suuban ,walloow aanan ahayn qofkii ku haboonaa inuu mowduucaasi lafa guro,danteeyduna waa inaan is xasuusino muhimada uu leeyahay ka warqabka dhaqamadeena wanaagsan si looga fogaado inay aasmaan ama la iskaba iloobo ,islamarkaana asaw bedel inagu dhaco.

Reerkii Antatarka ka ducaystay!.

       Sheeko xariireedka soomaalida waxaa kusoo aroortay in reer Soomaaliyeed oo meel wada deganaa uu asiibay Antatar wax looyaqaano oo ah in qofku hadalka qar dhigo ama isdabo mariyo.
      Maalinkii dambe ayay ku heshiiyeen inay cudurkan kaducaystaan oo xoolo qalaan Diinna isasaaraan.
     

Saturday 26 September 2015

Suldaan Olol Diinle iyo Odayaashii Reer Shabeelle!.

                                                                             Waxaa la sheegay in ;

Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye(Olol Diinle) oo ahaan jiray hogaamiyihii Boqortooyadii Gareenka(gareen Dynasty) oo waa hore katalin jiray agagaarka Qallaafe iyo Diisha wabbi Shabeelle ,uu maalin maalmaha kamid ah ganaax dul dhigay beel kamid beelihii boqortooyadiisa hoos joogay.
ganaaxaasi oo gaadhayay boqol sacaad oo lo'ah ,waxuuna uqabtay waqti cayiman oo ay ku keenaan xoolahaasi.

War tallo beele sow tallo kuuma dhalato(Sheeko)

Waxaa la sheegay in; hadda ka hor uu nin oday ah la dardaarmay wiilkiisii oo uu markaa udirayay reerkii oo meel abaar ah deganaa.odaygu waxuu wiilka usheegay inuu reerkii aado oo soo raro ,wan aad ushilis ahaay oo adhiga ku jirayna usoo loogo si ay waxna ugusoo geedi galaan inta kalena loxoska uga baxaan.

Astaamaha Qoraalka ha ilaawin.

                             
Hor dhac:- Kawaran haddii aad aragtid wado dheer oo laami ah ;dhexmarta magaalo caasimad ah;kuna xidha degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada,wadadaas oo ay adeegsanayaan gaadiid aad utiro  iyo noocyo badan ,hasse ahaatee, aan lahayn wax astaan ah oo kala hagta gaadiidkaasi wadada isticmaalya sida astaanta Joogsiga(Stop Sign),leexashada,Xadidka Xawaaraha(Speed Limit)Goobaha dadweynaha iyo duunyadu ka gooyaan(Pedestrian and Zebra Crossing), filashada Buundooyinka iyo buuraha iwm?Waxaa hubaal ah in markiiba ay maskaxdaada kusoo dhacayso suurto galnimo darida in wadadani si nabdoon loo adeegso .sidoo kale waxaa maankaada qalow kusoo dhahaya aqoon iyo garaad yarida injineerkii sameeyay ama dhisay wadadani.

Haddaba ,waxaa taasi la mid ah ;qofka diyaariya Qoraal dheer oon haba yaraatee aan lagu arkeynin wax astaamo qoraal ah (punctuation marks)oo hadalka kala dabra ama kala haga.Sidaasi daraadeed ,baa Qoraalku marba hadaanu astaamayn lahayna uu noqonayaa mid aan la akhrin karin ,lana fahmi karin,islamarkaana aan lahayn madax iyo minjo toona  wuuna isku dhexyaacayaa oo lagu wareerayaa halkii wax lagafahmi lahaa.

Waa maxay Astaamaha qoraalka?
Astaamaha qoraalka waa Calaamado loo adeegsado kala hagida iyo hormo-gelinta qoraalka,waxayna ka ilaaliyaan in macnuhu  ceeyn wareego ama qoraalku isku  dhexyaaco. Astaan walbana waxay leedahay howl ugaar ah iyo boos ay buuxiso.haddii ayaga laftirkooda si qaldan loo adeegsadana waaba ka dar oo dibi dhal.Dhamaan afafka qoran oo dhami way ka simanyihiin  cilmiga astaameynta ,waloow ay kukala gedisanyihiin xagga tirada iyo adeegsigaba.Afsoomaalkuna waxuu kamidyahay afafka qoran ee loo adeegsado astaamaynta.

Astaamaha qoraalka ee la isla ogolyahay waxaa kamid ah;

1)Hakadka(,):Qofka marka uu hadlayaahi iskama daruuryamo ee wuuu neeftirtaa,Neefsigaasina waxuu la micno yahay Hakadka oo ah astaan  la isticmaalo marka hadalku isku xidhanyahay macno ahaan balse kalago' soo galo.
Sidoo kale waxaa loo adeegsadaa kala hormaynta erayo ama magacyo isku taxan.Tusaale:Dhammaan ardayda,Bareyaasha iyo Waalidiinta waxaa la ogaysiinayaa in.......

2.Joogsiga(.):Wax kasta oo dhaqaaq sameeyaahi ugu dambaynta way istaagaan si ay umuujiyaan inay gaadheen bartilmaameedkoodii ,Istaagistaani waxay ka dhigantahay astaanta Joogsiga oo kale ;waxaana loo adeegsadaa :Muujinta in hadalkii idlaaday micno buuxana sameeyay.Joogsiga dabadiis waxaa bilaabma sadar cusub ama tuduc hor leh,waxaana degsan in qoraalkaasi ama sadarkaasi cusub xarafweyn lagu bilaabo.

3)Hakad-joogsiga(;)waxuu ka agdhowyahay hakadka balse waa ka xeel dheeryahay,waxaana loo adeegsadaa sharaxaada iyo sababaynta,waxaa kaloo loo isticmaalaa kala saarida laba weedhood oo kala madax banaan laakiin isku sidkan hakadna horey loogu adeegsaday.

4)Astaanta war-dhowrka(:)waxaa lagu muujiyaa hadal soo socdo ama qeexida walxaha.
Tusaale;Astaamaha Qoraalka waxaa Kamid ah:Hakadka,Joogsiga IWM.Sidoo kale waxaa loo isticmaalaa kala saarida waqtiga.Tusaale;Saacadu waa  04:25 .Waxaa kaloo iyana loo adeegsadaa Muujinta Saamiyada :Tusaale;isku aadka Buugaagta iyo ardeyda waa 1:5(Hal ku shan).

5)Astaanta Xigashada(");waxaa loo adeegsada muujinta hadal qof kale leeyahay ama werinta.
Tusaale;Wasiirku waxuu Yidhi"Dalku wuu horumaray".Waxa ay kamid tahay farsamooyinka lagu ilaaliyo xuquuqda qoraalka(Copy Rights).


6)Weydiinta(?)waxaa loo isticmaalaa wax weydiinta.
Tusaale :Yaa qoray qoraalkan?

7)Layaabka(!);waxaa loo adeegsadaa layaabka,Argagaxa iyo ladhacsanaanta.
Alla!waa libaax.Agah!Buug khatar ah baad soo gadatee.

8)Jiitin(-)waxaa lagu astaameeyaa erayada isku xidhan ama kuwa iskusoo laablaabma sida ;War-murtiyeed,Bal-bal,wel-wel,sar-sar Iwm.

9)Jiitin Dheer(_)kala saarida qeybaha weedha iyo meel banaanaynta .
Tusaale: Taariikh____
              Summad____

10)Gudub(/)waxaa loo adeegsadaa muujinta erayo isku macno ah sida Baabuur/Gaadhi.
sidoo kale kala saarida taariikha ee sanadka ,bilaha iyo ayaamaha sida;28/09/2015.

11)Hamzada(')waxa iyana loo isticmaalaa kal goynta eray kala jarma sida ;Go'aan,La'aan.

12)Bilaha( )waxaa loo adeegsadaa sharrxida iyo muujinta wax isu dhigma.
Tusaale;Aqal-gal(Aroos)waa.....

      13)Saddex dhibcood(…)Waxa loo adeegsadaa muujinta in   qeyb qoraalka kamid ah si ula kac ah looga tagay iyada oo la diidayo in qoraalku dheeraado aanu dhamaystirmi karin. Tusaale:-Tirooyinka marka la xusayo 1,2,3,4…100. 


Astaamahaasi iyo kuwa kaloo badanba waxay micno uyeelaan oo naash-naashaan ama bilaan qoraalka, la'aantoodna hadalku  waxuu noqon un raashiin qalalan oo iidaan(Suugo)la'aan ah waana lagu mergan/sirxan oo qofka kama daadegayo.
Sidaasi daraadeed waxaa inala gudboon inaan ku baraarugsanaano oo ayna marnaba ilaawin ahmiyada ay leeyihiin Astaamahaasi iyo kuwa kale ee lagayaabo in ayna qormadani xusin.Waa hubbaal haddii aynu qoraaladeena si sax ah ugu adeegsano astaamaha Qoraalka in aynu noqonayno ummadd kuwanaagsan wax qorista afkeena waxuu ahaanayaa mid horumarsan oo la jaanqaada afafka kale ee adduunka ka jira.

Soo dhawaada!

Dhamaan asxaabta iyo ehelkaba waxaan kusoo dhawaynayaa boggayga rasmiga ee aan ku leeyahay barta internetka oon kusoo bandhigi doono faallooyin iyo falanqayn la xidhiidha arimaha dhaqan-dhaqaale,bulsho,siyaasadeed iyo nabadgalyo ee ummadda soomaaliyeed meel Waliba oo ay daafaha caalamka ka joogaan. boggani waa mid loo wada simanyahay oo cid kasta oo same doon ahi wax kusoo bandhigi karto.

Lawadaag Axsaabtaada kale.