Thursday 1 October 2015

Antatar iyo Aabihiiba meesha ayay ooleen!

Waxaa igu maqaalo ah in;hadda ka hor uu dagaal ba'an dhex maray labo beelood oo soomaaliyeed.Dagaalkaasoo uu dhiig badan ku daatay ayaa ugu dambayntii midkood loogu awood sheegtay ,raggii u dagaalamayayna baqo dhabarka jeediyeen.

     Nin kamid ah raggii  asagoo aan haadka hubin soo cararay ee soo bad-baaday baa yimid meel tuulo ah oo ay joogeen horin rag ah; oo dhegta kor uhaayay ,wararka dagaalkana dhego-dhegaynayay.
Markii uu ninkii kusoo baxay ,bay raggii judhiiba ku bilaabeen xog waraysi ,kolbana mid kood baa weydiiyay "hebel kawaran"?asna waxuu ugu jawaabaa "wuu dhintay".nin raggii kamid ah baa markii dambe yidhi "war naga daaya ,kani wuu antatarayaahe".Deetana ninkii baa inta soo booday asagoo mooday in wax la su'aalay kujawaabay'Antatar iyo Aabihiiba meesha ayay ooleen(way dhinteen).
      Waxaan uga gol-leeyahay sheekadan,waayadan waxaa dadkeena kusoo baday shaqsiyaadka wax jira mooga ah ee haddana, doonaya inay dhacdo walba oo dunida daafaheeda ka dhacda.
     Waxaad arkaysaa mid siyaasi baan ahay leh ,oo kahadlaya masaa'il diini ah oo qaarkood muranka ka seereeyay awgiis ay mashaa'ikh waaweyn uga aamuseen.Qaar baa iyagoo hadda un miyiga kasoo galay doonaya dhaqan magaalo iyo cilmigeeda ka hadlaan.
     Waxaad la kulmaysaa kuwo ay far soomaaliga qorideeda iyo akhrinteeda dhibayso ,afaf kalena iskaba daa ;misana ku andacoonaya inay yihiin Wariyayaal,Qoraayaal iyo xeel dheerayaal xagga  falanqeynta iyo odoroska siyaasada ah oo shanqadhii yeedhaba ka jawaab celinaya.
Si kastaba ha ahaatee ,qofka oo faraha la galo waxuusan fahamsanayn amaba aqoon iyo waayo aragnimo ulahayn waxuu lamid yahay un ruux qaaday/raacay wado uusan waligii arag,waxa kaliya ee laga filan karana waa un banjar iyo habaaw.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.