Monday 28 September 2015

QARANKA IYO QEYBIHIISA


Qaran(State)waxuu ka koobmaa afar rukun ama tiir oo aas-aasi ah,kuwaasoo la’aantood wadar iyo kali ahaanba ay adagtahay inuu jiraahi.
Afartaasi rukun(Elements)waxay kala yihiin:-
1.Dadweyne(Population):-shacab loo taliyo ,asagana tashankara.
2.Deegaan(Territory):-dhul leh xudduudo sugan oo la aqoonsanyahay.

3.Dowlad(Government):Nidaam iyo hay’ado haga howlaha maalinlaha ah.
4.Madaxbanaani(Sovereignty):-gooni utaagnaasho go’aan qaadasho gaar uyahay. 
Afartaasi waxii la xidhiidha waxaa lahaanshiyahooda iska leh qaranka magacoodana lagu ladhaa sida:Hantida Qaranka,Madaxda Qaranka IWM.
Dowlada:- oo ah nidaamka iyo hay’adaha kala hagaha howlaha maalinlaha ah ee qaranku waxay iyaduna ka koobantaa 3laamood(Branches)oo ka dhashay geed gun weyn(Dastuurka)oo xididadiisu ku arooraan shacabka oo ah kii uu ku yimid rabitaankiisa ee aftida ku taageeray.waana halkan meesha ay ka timid aragtida ka kooban labada eray ee giriiga ah eek ala ah ;Demos=People iyo karatos=power/rule ,taasoo marka la isku rakibo noqonaysa Democracy ama awooda shacabka.
Saddexda laamood ee dowlada ka koobantahay waa ku wo is fangashan oon kala maarmin laakiin midba qaab gaar u ah uhowl gala asagoo gundhigiisu yahay saraeynta sharciga (Rule of law),waxayna kala yihiin:
1.Xeer dejin(Legislation):-Ansixinta xeerarka iyo shuruucda dalka lagu hagayo iyo dadka hagayaba.
2.Xeer Fulin(Executive) :Soo dhiraandhirinta siyaasadaha iyo xeerarka dalka lagu dhaqayo iyo dhaqan galinta marka ay ogolaanshaha golloyaasha shacabka helaan.
3.Xeer xukmin(Judiciary):fasiraada iyo dhaqangalinta sharciga iyo Ukala garqaadida iyo xalinta is qabqabsiyada shacab iyo dowlad midkuu doonaba haka dhex dhacee.
Laanta koowaad waxay ku timaadaa inta badan xulashada shacabka waana sababtaasi midda loogu magacaabay Gollaha shacabka ama wakiilada shacabka,halka Labbada dambe ay ku imaadaan ansixinta iyo ogolaanshaha golaha shacabka.
Si gaar ah haddii aan usoo xusho laanta garsoorka waxaa aas-aaskeeda iska leh madaxa dowlada(head of state)oo kaashanaya wazaarada ku shaqada leh ,kadibna gollaha shacabka usoo jeediya qaabdhismeedkeeda iyo cidda xilal ka qabanaysaba,waxayna howlgashaa marka ay hesho ogolaanshaha labbada aqal(aqalka sare iyo kan wakiilada shacabka) oo fadhi wadajir ah kalsooni iyo igmasho ku siiya.waxii intaasi ka dambeeyana waxay noqonayaan laan madaxbanaan oo leh qaab-dhismeed iyo gudiyo ugooni ah.
Laantan oo inta badan lagu magacaabo maxkamadaha waxaasidoo kale Dadka ka howlgala oo iyaguna loogu yeedho garsoorayaal ay ku howlgalaan waxna ku xukmiyaan labbo xeer oo kala ah Madani(Civil Code )iyo Ciqaab(penal Code).Waxayna inta badan ka koobnaadaan afar heer oo kala ah;
1.maxkamadaha darajada koowaad(Magistrate courts)
2.Maxkadaha Sare(High courts).
3.maxkadaha sare ee Racfaanka(Supreme courts of Appeal)
4.Maxkamada sare ee Dastuurka(Constitutional court):- oo qaabilsan fasiraada iyo sharxida qoddoba dastuurka iyo wax qabadkooda.
Waxay maxkamaduhu la howl galaan xeer ilaalinta iyo Garyaqaanada oo ka dhigaysa sida dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyayaashooda oo kale .
Xeer ilaalinta oo kaashanaysa booliska iyo laamaha sharci xoojinta(Law enforcement Agencies),waxay shaybaadhka ku eegaysa dambiyada iyo eedaha loosoo dhigay eedaysanayaasha ka hor inta aan garsooraha/dakhtarka la hor dhigin si uu ugu qoro daawada/xukunka ku haboon,kadibna waxay lasii socotaa xaaladihiisa.halka garyaqaankuna af-hayeenka eedaysaneyaasha.
Waxaa isaguna jira Gardoonka(ombudsman)madaxbanaan oohowshiisu tahay hubinta in sharciyada iyo sharciyaqaanaduba ushaqeeynayaan sidii shacabku rabay,gaar ahaan dabagalka iyo xal kagaadhida arimaha la xidhiidha ashtakooyinka musuqa iyo maamulxumida ee xafiisyada dowlada lagasoo gudbiyo.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.