Hor dhac:- Kawaran haddii aad aragtid wado dheer oo laami ah ;dhexmarta magaalo caasimad ah;kuna xidha degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada,wadadaas oo ay adeegsanayaan gaadiid aad utiro iyo noocyo badan ,hasse ahaatee, aan lahayn wax astaan ah oo kala hagta gaadiidkaasi wadada isticmaalya sida astaanta Joogsiga(Stop Sign),leexashada,Xadidka Xawaaraha(Speed Limit)Goobaha dadweynaha iyo duunyadu ka gooyaan(Pedestrian and Zebra Crossing), filashada Buundooyinka iyo buuraha iwm?Waxaa hubaal ah in markiiba ay maskaxdaada kusoo dhacayso suurto galnimo darida in wadadani si nabdoon loo adeegso .sidoo kale waxaa maankaada qalow kusoo dhahaya aqoon iyo garaad yarida injineerkii sameeyay ama dhisay wadadani.Haddaba ,waxaa taasi la mid ah ;qofka diyaariya Qoraal dheer oon haba yaraatee aan lagu arkeynin wax astaamo qoraal ah (punctuation marks)oo hadalka kala dabra ama kala haga.Sidaasi daraadeed ,baa Qoraalku marba hadaanu astaamayn lahayna uu noqonayaa mid aan la akhrin karin ,lana fahmi karin,islamarkaana aan lahayn madax iyo minjo toona wuuna isku dhexyaacayaa oo lagu wareerayaa halkii wax lagafahmi lahaa.Waa maxay Astaamaha qoraalka?Astaamaha qoraalka waa Calaamado loo adeegsado kala hagida iyo hormo-gelinta qoraalka,waxayna ka ilaaliyaan in macnuhu ceeyn wareego ama qoraalku isku dhexyaaco. Astaan walbana waxay leedahay howl ugaar ah iyo boos ay buuxiso.haddii ayaga laftirkooda si qaldan loo adeegsadana waaba ka dar oo dibi dhal.Dhamaan afafka qoran oo dhami way ka simanyihiin cilmiga astaameynta ,waloow ay kukala gedisanyihiin xagga tirada iyo adeegsigaba.Afsoomaalkuna waxuu kamidyahay afafka qoran ee loo adeegsado astaamaynta.
Astaamaha qoraalka ee la isla ogolyahay waxaa kamid ah;
1)Hakadka(,):Qofka marka uu hadlayaahi iskama daruuryamo ee wuuu neeftirtaa,Neefsigaasina waxuu la micno yahay Hakadka oo ah astaan la isticmaalo marka hadalku isku xidhanyahay macno ahaan balse kalago' soo galo.Sidoo kale waxaa loo adeegsadaa kala hormaynta erayo ama magacyo isku taxan.Tusaale:Dhammaan ardayda,Bareyaasha iyo Waalidiinta waxaa la ogaysiinayaa in.......
2.Joogsiga(.):Wax kasta oo dhaqaaq sameeyaahi ugu dambaynta way istaagaan si ay umuujiyaan inay gaadheen bartilmaameedkoodii ,Istaagistaani waxay ka dhigantahay astaanta Joogsiga oo kale ;waxaana loo adeegsadaa :Muujinta in hadalkii idlaaday micno buuxana sameeyay.Joogsiga dabadiis waxaa bilaabma sadar cusub ama tuduc hor leh,waxaana degsan in qoraalkaasi ama sadarkaasi cusub xarafweyn lagu bilaabo.
3)Hakad-joogsiga(;)waxuu ka agdhowyahay hakadka balse waa ka xeel dheeryahay,waxaana loo adeegsadaa sharaxaada iyo sababaynta,waxaa kaloo loo isticmaalaa kala saarida laba weedhood oo kala madax banaan laakiin isku sidkan hakadna horey loogu adeegsaday.
4)Astaanta war-dhowrka(:)waxaa lagu muujiyaa hadal soo socdo ama qeexida walxaha.Tusaale;Astaamaha Qoraalka waxaa Kamid ah:Hakadka,Joogsiga IWM.Sidoo kale waxaa loo isticmaalaa kala saarida waqtiga.Tusaale;Saacadu waa 04:25 .Waxaa kaloo iyana loo adeegsadaa Muujinta Saamiyada :Tusaale;isku aadka Buugaagta iyo ardeyda waa 1:5(Hal ku shan).
5)Astaanta Xigashada(");waxaa loo adeegsada muujinta hadal qof kale leeyahay ama werinta.Tusaale;Wasiirku waxuu Yidhi"Dalku wuu horumaray".Waxa ay kamid tahay farsamooyinka lagu ilaaliyo xuquuqda qoraalka(Copy Rights).
6)Weydiinta(?)waxaa loo isticmaalaa wax weydiinta.Tusaale :Yaa qoray qoraalkan?
7)Layaabka(!);waxaa loo adeegsadaa layaabka,Argagaxa iyo ladhacsanaanta.Alla!waa libaax.Agah!Buug khatar ah baad soo gadatee.
8)Jiitin(-)waxaa lagu astaameeyaa erayada isku xidhan ama kuwa iskusoo laablaabma sida ;War-murtiyeed,Bal-bal,wel-wel,sar-sar Iwm.
9)Jiitin Dheer(_)kala saarida qeybaha weedha iyo meel banaanaynta .Tusaale: Taariikh____Summad____
10)Gudub(/)waxaa loo adeegsadaa muujinta erayo isku macno ah sida Baabuur/Gaadhi.sidoo kale kala saarida taariikha ee sanadka ,bilaha iyo ayaamaha sida;28/09/2015.
11)Hamzada(')waxa iyana loo isticmaalaa kal goynta eray kala jarma sida ;Go'aan,La'aan.
12)Bilaha( )waxaa loo adeegsadaa sharrxida iyo muujinta wax isu dhigma.Tusaale;Aqal-gal(Aroos)waa.....
13)Saddex dhibcood(…)Waxa loo adeegsadaa muujinta in qeyb qoraalka kamid ah si ula kac ah looga tagay iyada oo la diidayo in qoraalku dheeraado aanu dhamaystirmi karin. Tusaale:-Tirooyinka marka la xusayo 1,2,3,4…100.
Astaamahaasi iyo kuwa kaloo badanba waxay micno uyeelaan oo naash-naashaan ama bilaan qoraalka, la'aantoodna hadalku waxuu noqon un raashiin qalalan oo iidaan(Suugo)la'aan ah waana lagu mergan/sirxan oo qofka kama daadegayo.Sidaasi daraadeed waxaa inala gudboon inaan ku baraarugsanaano oo ayna marnaba ilaawin ahmiyada ay leeyihiin Astaamahaasi iyo kuwa kale ee lagayaabo in ayna qormadani xusin.Waa hubbaal haddii aynu qoraaladeena si sax ah ugu adeegsano astaamaha Qoraalka in aynu noqonayno ummadd kuwanaagsan wax qorista afkeena waxuu ahaanayaa mid horumarsan oo la jaanqaada afafka kale ee adduunka ka jira.
8 comments:
asc walaal aad baa u mahadsantahay sida aad qoraalka u diyaarisay oo quruxda badan
walal waxaan ku xasuusinayaa in aad ereyada qaarkood labajibaarkoodii(labadhacoodii) aad ka tagtay in kasta oo aadan mowduucaas ka hadlayn lkn qoraa ayaa tahay waa in aad iska ilaalidaa waxa ka mid ereyga qeexida (qeexidda) saacadu (saacaddu)
kala saarida (kala saaridda)iyo kuwo kale oo badan cafwan
Qoraa waad ku mahdsantahay sida quruxda badan ee aad u soo diyaarisay qormada.
M.a waxaan kaa faa'iidnay waxbadannalle hakubarakeeyo
Aad iyo aad ayaad umahadsantahay.
Masha Allah ,waad dadaalaysa Allaha kula garab galo,adna si kordhi
Mahadsanid sida wanaagsan ee aad wax noogu sharaxday.
M.a
Mahadsanid ustaad
Post a Comment