Monday 28 September 2015

Raggii tukanayay nin reerka ah kuma jirin yaan la odhan unbay iga ahayd!(Sheeko Gaaban).

Salaada ayay isku dhacsanaayeen,mana ahayn mid safkeeda soo gallo.Maalin maalmaha kamid ,ayuu soo ag maray rag fara badan oo salaadii maqrib uhogbaday,judhiiba jalleeco ayuu ku qabtay,waxaana usoo baxday in aanu meesha ka muuqan qof ay isku reer yihiin(wax beeshiisa ah).
Dahaaro iyo weyso qaadba kama wal-waline;safkiibuu dhinac ka galay,salaadiina ku xidhay(ألله أكبر).

Markii salaadii lagasoo baxay baa ,dadkii is eeg-eegay waxaana la arkay odaygan qaadicu salaadka ahaa ee meeshii ku soo tukaday.Durbaba ,mid kamid ah salaad oogeyaashii baa afka udhaweeyay oo weydiiyay”war (hebel)yaaba kaa roon adoo maanta soo tukaday).Deetana inta qosol aan meel dheer jirin iska keenay buu yidhi”Sallaad tukasho igama ahayn oomaba weyso qabine ,markaan meesha ka waayay wax reerkayaga ah baan jubooday oon is idhi un yaan hadhoow la odhan raggii tukanayay hal nin oo reer hebel ah kuma jirin oon tolkaa ceebi ka raacin”.


Waxaan uga danleeyahay ,in badan oo dadkeena ka mid ah shirarka,showrka ,shux-shuxda,banaan baxa , bulxanka ,sacabka iyo heelada ay goor iyo ayaanba wadaan ;wadaniyad iyo sama doon kama ahee ,magacooda iyo midka beesha unbay isleeyihiin madasha haka muuqdo.
inta sidaasi xaalku yahay ee daacadnimadu yartahayna guushu way naga fogtahay.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.