Sunday 11 October 2015

Tacsi Tiiraanyo leh!

Ma dhinte waa Ilaahay.

Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa dhammaanba qoyskii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday ,Rabbi naxariistii janno ha ku arzaaqee Sheekh Axmed Dhaqane Cali Mataan ,oo maanta ku geeriyooday tuulada Abaaleey.
Sheekh Axmed waxuu ahaay Sheekh Caalim ah ,oo caan ah, oo cilmiga qeybahiisa kala duduwan aad oogu xeel dheeraa,waxaana si weyn looga yaqaanay inta badan gobollada iyo degmooyinka dhulka ismaamulka soomaalida ethiopia.Gaar ahaana Qorraxay iyo Shabeelle,sidoo kale gobolka Hiiraan iyo gobollada dhexe ee dalka soomaaliya oo ay ku kala firidhsanyihiin ardaydiisii iyo xertiisii.
sheekhu waxuu ifka kaga tagay awlaad aad ubadan oo isugu jiro kuwuu dhalay  iyo ubadkii ay sii dhaleen.Taariikhdiisa oo dhamaystirana dib ayaan ka soo galini doonaa inshaa allaahu.

                                         "Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun".
                                                    Alloow kuu raxmo.Aaamiin.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.