Thursday 16 June 2016

Kabo-Calaf iyo walaalkiis Faarax.


Beri ayaa waxa jiray laba nin oo walaalo ah, labadaa nin mid waxa la odhan jiray Kabo-Calaf, ninka kalena waxa la odhan jiray Faarax, Kabo-Calaf ayaa weynaa Faaraxna wuu yaraa, Kabo-Calaf weli muu guursan, Dadku Kabo-Calaf waxay ku xamman jireen in uu yahay nin nacas ah, Faaraxna uu yahay nin fariid ah oo reerkoo dhan wax laga waydiiyo,
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa dhacday, in degmadii ay degenaayeen Faarax iyo Walaalkiis Kabo-Calaf ay abaari saamaysay
Oo xaaluf iyo biyo la'aani ka dhacday, kadibna roob uu ka da'ay meel aan degmadoodii ahayn, sidii reer miyiga caadada u ahayd ayey soo sahamiyeen meel ay dejiyaan reerkooda oo doog leh, ka dib meel ayey u soo heleen wayna u guureeen, markii ay xoolihii degeen oo nimcadii meesha taalay ay afka dareen, ayey dhalinyaradii billaabeen ciyaaro habeenkii la tumo, sida Wiglada, Heelada, Walasaqada, Jaandheerta, heesahaa oo ay caado u ahayd in la tumo marka roobku da'o ee xooluhu u nimcaystaan, markaas oo dadka reer miyiga ahina ay raaxo dareemaan oo ay ka nastaan biyo la'aan, xoolahoodii dhibayey oo u nasta,
Had iyo jeer reer miyigu waxay is guursadaan marka roobku u da'o,
Xitaa haddii ay gabadh iyo wiil sheekaystaan oo ay heshiiyaan waxay odhan jireen, "marka roobku da'o ayeynu is guursanaynaa".

Waa maxay gabay?Q2aad

Gabay waa hadalmurtiyeed taxan oo ka kooban beydad mid waliba isugu xidhan yahay laba qaar oo leh qaafiyad iyo miisaan ka dhexeeya. Gabaygu qaran ahaan waa Hadal, qabiil ahaan waa Suugaan, qoys ahaan waa Maanso, qof ahaanna waa Gabay. Hadal wuxuu kaga tegey waxii aan murti ahayn ee hadal uun iska ah. Suugaan wuxuu kaga tegey sheeko, maahmaah, khudbad, maqaal iyo majaajillo. Maansana wuxuu kaga tegey geeraar, jiifto, buraanbur iyo dhammaan noocyada heesaha (guuroowgu waa gabay luuq duwan, shiribkuna waa hees). Haddii uu hadalku yahay dhawaaq la isku afgarto oo ka sarreeya dhawaaqa xayawaanku isku afgarto, gabaygu waa heerka dhawaaqaas oo kor loo sii qaaday laguna qurxiyey falsafad, khayaali iyo naaxiyad.

Lawadaag Axsaabtaada kale.