Tuesday 27 October 2015

Aragti Cidhiidhyoon!.

 





Dhaqammada Fooqal caqliga ah ee dadkeena Soomaaliyeed ku caanbaxeen waxaa ka mid;Qof soomaaliyeed oo ku biiray baarlamaanka Canada oo loo mashxarado,ama mid ciyaartooy ah oo calanka Ingiriiska ku ciyaara oo loo beyraqo.Marka sidaasi layeelayo waa la ogyahay oo kaa Canada xildhibaanka kanoqday waa ku daayay,rajada laga qabo in asaga ama ubadkiisa ay dib usoomaaliyoobaana waa ay yartahay,kan ingiriiska uciyaarayana waa lamid oo marnaba lama filayo inuu magaca soomaaliya kutartami doono.
Waagii baryaba boqolaal Soomaali ah baa qaadata dhalashada dalal shisheeye,oo loogu duceeyaa,xaflado iyo damaashaadna loo dhigaa .qaar kalena safbay ugusii jiraan oo waa loo rajaynayaa inay mar un hijroodaan.Xasuusnoow,oo waa kala labo, dalka oo laga tago iyo dhalashada oo laga tanaazulo.
Waa dhab oo sharciyada dalalkaasi waxaa ku cad dhaarna lagu kabaa, in qofka dhalashooda qaataahi; aanu dal kale waxba ugu fadhiyin,gaar ahaan inuusan difaaci karin,taasoo ka dhigan in kumaankun soomaaliyeed ay saxiixeen,wacadna ku mareen in;haddii soomaaliya iyo dalka ay dhalashadiisa qaaten ay fooda is daraan ay kasoo jeedsanayaan safka dalka dhalashada siiyay.arinkaasi oo soomaaliya qiimo weyn ugu kici doona mustaqbalka dhow ama midka dheerba.Maadaama dad badan oo ay ku xisaabtamayso ay dalal kale utirsanyihiin.
Caqliga fayoobi waxuu ina tusayaahi,qofka wadinga ah ee dadkiisa iyo dalkiisa jecel inuu diido qaadashada dhalashada iyo udhaarashada difaaca dal aan kiisii hooyo ahayn. laakiin Waxaa hubaal ah inay yaryihiin shakhsiyaadka soomaaliyeed ee diiday inay dhalashadooda bedelaan,walina lama arag,lamana maqal shir ama banaan bax loogagasoo hor jeedo soomaalida dhalashada shisheeye qaadanaysa,in ladiido iska daaye ,waaba lagu ducaystaa,la iskuguna faanaa.Waxaadna moodaa in la iskuwada waafaqsanyahay,laguna kalsoonyahay in ay faa'iido ku jirto jinsi wareegaasi soomaalida ku dhacaya. laba calina isma weydiiso waxa ay taasi keeni karto.wax dhaliilayana lama hayo,dhiiro galin mooyaane oo magacyo qur-qurxoon ayaaba loo bixiyay!.
Ayadoo arinkaasi sidaa yahay,baa haddana,waxaan maalin walba maqlaynaa in badan oo innaga mid ah leh"Soomaalidu ha midowdo,Yaan lakala tagin".Gaar ahaana marka ay timaado ka hadalka Deegaanada iyo dadka soomaalida ah ee iskood isu taaga amaba wadamada deriska ah ku tiirsada.
Su'aashuse waxay tahay ;haddii aan u ogolnahay kan Maraykanka ama Yurub ama shiinaha uboqoolay inuu dhalashadiisa bedelo ,udhaarto,dhasha dhigto,waxna ka noqdo dalalkaasi ,asagoo wali soomalinimo aan u aqoonsanahay, maxaan ku diidaynaa kan jig-jiga,Gaarisa,Djabouti ama hargaisa joogaahi ,horena ujoogi jiray ,hadduu maslaxo u arkay inuu dal gooni ah noqdo amaba dalkii uu hore uga tirsanaa kusii tiirsanaado,xilna kaqabto ,Soomaalina sii ahaado?ogoow asagaaba Dhul soomaali degantahay oo haddii aan tagno ay adagtahay in la inaga soo dhex qabto joogo,una dhaw inuu Soomaalida kale wax taro'e.
Waxaa laga yaabaa in qaar ,garaad iyo garasho yari lataahayaahi yidhaahdaan"dalalka deriska ah colaad baa naga dhaxaysa oo dhul baan isku haaysanaa,qofkii raacana waa mid ay duufsadeen oo dabo dhilif ah,se kuwa wadamada reer galbeedka ku biiray mar un bay soo noqoni".
Haddiise aan aragtida ceynkaasi ahi raacno, waxaa inoo soo baxaysa;Su'aal kale oo ah:
Waa iska xaal aduune;miyaanay dhici karin in maraykanka ,ingiriiska,canada ama Norway amaba kuwa lamidka ah iyo soomaaliya ay colaadi dhex marto oo dhul,dhaqaale amaba siyaasad isku qabtaan,deetana warmaha isu qaataan?Marka ay taasi dhacdo ,ee kuwa hadda fariidka ah een ku taageersanahay inay wadamadaasi dhalashadooda qaataan,ay fuliyaan dhaartii ay mareen ee ahayd inay wadamadaasi difaacayaan. ma daba dhilif baan ku tilmaami doonaa?miyaanay hadda haboonayn inaan dhahno"war ka joogo, sey wax noqoni doonaan lama ogee",Mise indho ku garaadle waqtiga la jooga un ku caqli ah baan noqonaa oo waxaan qiil ka dhiganaa ;markay taasi dhacdo aan aragno.
ugu dambayn,qofkastoo garaadkiisu wacanyahay waxuu garwaaqsanyahay in; soomaali kala firxatay,qof walbana meeshii uu maslaxo mooday miciin biday,Haddii ay is eedeeyn noqotana Soomaali kastoo dhalasho shisheeye qaatay ama dal aan soomaaliya ahayn inu kunoolaado naawilay waa dambiile iyo daba dhilif,haddii kale ,xaalku waxuu noqon un;lajiifiyaana Banaan, la joojiyaana banaan!.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.