Friday 3 November 2017

MAXAA KU OGAYSIIYAY ALSHABAABKA IL MA ARAGTIDA AH?—MAQAAL.

AFEEF:-Dhammaan Maqaalada Ku soo baxa Boggan waxa ay ka tarjumayaan oo kali ah aragtida gaar ahaaneed ee Qoraaga ku saxiixan,mana jiro haba yaraatee wax xidhiidh ah oo kala dhaxeeyn karo siyaasadda guud ee Shabakadda  Warbaahinta Feer-feer Media Network(FMN).


MAXAA KU OGAYSIIYAY ALSHABAABKA IL MA ARAGTIDA AH?—MAQAAL.W/Q:-Cabdirisaaq Macalin Cilmi.
 
Marka ugu horeysa ee aad maqashid erayga "Alshabaab" waxaa laga yaabaa in judhiiba maankaada uu qalow kusoo dhaho hal Muuqaal oo muujinaya Nimman hubaysan oo howdka ku jira,hammigoodana yahay in ay adduunka oo idil xukunkiisa la wareegaan,islamarkaana heegan u ah  halaagidda cid walba oo ay u arkaan in ay ka hor immaanayso Mabaadii'da aas-aasiga ah ee ay iyagu aaminsan yihiin amaba aan ku aragti ahayn.

Sawirkaas midka ah ee ku hor immaanaya waxaad ka dhex arki kartaa Dhalinyaro xammaasadeysan, qaarkoodna aan fahan fiican oo ku filan ka haysan Shareecadda Islaamka oo u arka xalka kali ah ee Islaamku ku faafi karo inuu yahay midka ay iyagu hayaan.Waxii kasoo hadhayna ay yihiin gaalo iyo gaalo raacyo mudan in lagu jihaado amaba Mucaarad hubaysan oo kasoo horjeeda gebi ahaanba Nidaamka dawladnimo ee dunidan ka jira.

Waxaa kale oo maqalka magaca Alshabaab ku xasuusinayaa Qarax ama dagaal qasaaro badan geystay oo ay qaaday koox aad uqalabaysan si weyna loo soo qorsheeyay,oo ay dad badani ku qudh baxeen,kuwii weerarka qaadayna  aan lasoo qaban iyo mid kale oo laga cabsi qabo in ay soo agaasimmaan.

Laakiin intaas un ma ahan Alshabaabku oo waa ay ka guda weyn yihiin,ka gedisan yihiin oo ka galaan-gal badanyihiin.Si guud marka loo eegana;Alshabaabnimadu waa feker ay siyaalo kala duduwan u aaminsanyihin Dad aad ufara badan oo dunidan dacaladeeda ku kala baahsan,islamarkaana aan ku ekeyn inta duurka ku jirta,ee Afka duuban dabkana sidata.Alshabaabku ;Kuwaa la wada garanayo ee la aqoonsanyahay un ma ahee ;Waxaa jira nooc ka tiro iyo tayaba badan,halistoodu aan hadal lagusoo koobi karin.Waana qolada aan maqaalkan kooban ku iftiiminayo ee aan ugu magac daray",Alshabaabka il ma aragtida ah".
 

Haddaba,Maxay yihiin Alshabaabka aan la aqoon amaba il-ma aragtida ah?Adigase Maxaa ku ogaysiiyay?

 
 
Alshabaabka aan la aqoon ama ilma aragtida ah ee ay adagtahay in ay dadka caadiga ahi ogaadaan ma ahan kuwa meel dheer aan uraadinnaynno amaba astaamo gooni u ah oo dadka kale lagaga baadici karo leh.Se waa qeyb inaga mid ah,nagu milan,noo dhaw oo aan naga dheereyn ,na dhawranaya oo dhaq-dhaqaaqeena oo dhan la socda.Dal iyo Dibad ba waa ay joogaan.Waa ay wajiyo badanyihiin oo waqtiga iyo waayaha isla bed-bedelaan.Waxa ay ka mid yihiin;Ciidamada Dawladda, Shaqaalaha Rayidka ah,Culimmada,War-fidiyeenada,Bareyaasha, Ardayda, Ganacsatada,Gaadiidleyda ,Xirfadlayaasha Caafimaadka, Xoogsatada iyo Xammaaliga.
 
 
Waa cududda ugu weyn ee ay Alshabaab ku howlgasho kuna tashato oo ku taagantahay.Waxa ay uqaabilsan yihiin soo aruurinta dhaqaalaha ,Soo xuuraaminta Xogta,Soo xero gelinta taageerayaasha iyo soo wiideynta dadka iyo deegaanada lagu duulayo amaba iyaga looga soo duuli karo.Waxa ay ufududeeyaan howl-galadooda,Waxa ay wax ka dejiyaan oo talo iyo tusaalena ku biiriyaan qorshayaasha lagu shaqaynayo iyo qarashaadka ku baxayo.
 
 
Qaarkood waa qaadiyayaal dadka wax ukala xukumma,haa waa garsoorayaal loo gar dhigto oo lagu go'o.Dadka ayay wax ukala qaadaan iyaga oo adeegsanaya Isgaadhsiin ayna ciddi la ogayn oo iyaga ugaar ah,Maadaama ay shirkadaha isgaadhsiinta unugyo ku dhex leeyihiin.Badhkood baa dulaaliin ah oo bulashada wax ukala iibiya.In baa kaariyayaal ah oo la socda Magaalada waxa ka baxaya iyo waxa soo galayaba.Kuwa kale waa kalluumaysato halka tiro aan xadidnayna ay dhuxusha iyo dadka dhoofiyaan oo ay mukhalasiin amaba magafe yaal yihiin.
 
 
Kuwa maanta duurka ku jira;berri bay magaalada immaani oo ilma aragto noqon ileen ciddina ma aqoonsan karto oo afka ayaa uduubnaa intii ay dibadda ka dagaalamayeen.Dadkoodaa unbay dhinac ka raaci, dan kasta oo ay doonaana waa ay fushaynayaan iyagoon wax wal wal ah qabin ileen lamaba yaqaano oo wax xog ah horey loogama hayne.
 
 
Mar haddii ay arini sidaas tahay,sow la odhan karo aad iyo aad ayay u adagtahay in Al shabaab laga guulaysto iyadoo aan ugu horeyn la ogaanin,kadibna aan lasoo afjarin unugyada aas-aasiga ah iyo iniinyaha aan la arkaynin ee ay bulshada ku dhex leeyihiin.Si kasta oo cudud iyo ciidan badan oo la darbo oo loo durbaan tuntana iyaga unbaa cidhibta danbe leh,waayo dadbkii shidan ba iyaga dad baa oogu darsan.

Lawadaag Axsaabtaada kale.