Wednesday 21 October 2015

Soomaalidu shisheeyaha gurmad ka doonan ogaa; oo haddana ka guban ogaa!

      Ugu yaraan maalinkii mar ama labba ayaad maqli beel,siyaasiyiin ama hay’ado Soomaaliyeed oo leh”Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa”,taasoo ka dhigan inay ka dalbanayaan faro galin ku qotanta Gar-gaar :Aadami ,siyaasadeed amaba amni.Haddana islamaalinkaasi si la mid ah amaba kabadan ayay dhegahaada ugu soo dhacayaan dhawaaqyo ka imaanaya;Isla iyagii ama kuwo lamid ah  oo ka cabanaya beesha caalamka.

     Waxaa halkaasi laga fahmi karaa in dadkeenu aanu shisheeyaha ka maarmin una maarmin,kama maaranoo kii qaxooti ah,kii siyaasi sheegtaa ,kan ganacsadaha ah ,wariyaha ,wadaadka iyo wax garadkaba markay howshu ku adkaato waxay maciin bidayaan kaalmo shisheeye.waxay aaminsanyihiin kuna kalsoonyihiin in shisheeyuhu ka waxtar iyo wanaag badanyahay kuwa la ehelka ah ee soomaaliyeed.umana maaranoo waa innagaa isla iyagii aan kaalmaysanaynay ka calaacaleeyno.
Abaarta,daadadka iyo amni darada intuba shisheeshayaha ayaan la aadnaa oon gar-gaar iyo garab uga raadsanaa,waayo?innagu inaan wax qabsan karno maba aaminsanin,shisheeyihii aan uyeedhanay markay nasoo fara galiyaana waan ka ganuunacaynaa.Waa halka ay soomaalidu ha tidhaahdo”Cunaa Caaye ;Cantable”.
   Qof soomaaliyeed garaaduhuu doono ha lahaadee hadaad maanta ku tidhaahdid”Generaal Gebre dal kale iskadaaye xitaa wadankiisa(Ethiopia) baanu jirin wax uu kayahay iyo xil uu uhayaahi toona,oon ka ahayn muwaadin iyo sarkaal milatari ooh ore; waxa ugu yare e uu shakhsigaasi soomaaliyeed kuugu jawaabaahe waa “War naga aamus! waxaad kala ogtahay ma lehee”.waxuu sidaasi kuu leeyahay Gebre ayaa la weyn oo garaado la leh!.
laakiinse,Isla shakhsigaasi waxuu kaa ogolaani kuuguna mashxaradi ,hadaad usheegtid inuu barkuma taal iyo waxba yahay  Xassan sheikh oo ah ;ninka la isku raacsanyahay,Gabre laftirkiisana u ogolyahay  inuu kurisgii madaxweynenimada soomaaliya ku fadhiyo,dunidana ku matalo.Soomaalideenuse badankeed xilkaas iyo maamuuskaasi uma ogola ninkaasi Soomaaliyeed!.oo Qaar baa ku dooda in madaxweynaha Rasmiga ah ee Soomaaliya uu yahay qof shisheeya ah.Balse , inay beentood tahay waxaa udaliil ah iyagaanba isku raacsaneen oo in baa aaminsan Gabre ,in kalena Nicolas Kay iyo qaar kaloo badan bay kaga dhegtay.
Ilmaha yare e falasdhiiniga ahi marnaba kaa aamini mayo ,Yuhuudi baa inoo taliya umana quudhaba darejadaasi,Laakiin waxaa la arkay xildhibaano leh”shisheeyaa na xukuma”oo haddaa may shacabkooda dhinac karaacaan ,maxay tahay garaadaha xildhibaanimo ee ay sheeganayaan marba haddii wadanku aanu dowlad lahayn?.
Xilligii ,maxkamadaha iyo dowladii c/laahi yuusuf ,baa dad badan oo kuwii kooxaha mucaaradka uqaabilsanaa wadahadalada ku doodeen in ayna cabdullaahi iyo cid kaosocto toona wadahadal lagalaynin,se ay ogolyihiin inay inay hor fariistaan oo masiirka ummada soomaaliyeed ka lahadlaan wax ay ugu yeedheen "Ciddii cabdullaahi soo dirsatay",oo kadhigan shisheeye.
Mar kale waxaa la qaban qaabiyay wadahadalo udhaxeeya Ethiopia iyo Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia,mas'uuliyiintii Jabhada matalaysay waxay qaateen mowqif ah inaan madasha lasoo fadhiisin karin qof soomaali ah oo kasocda Maamulka Jig-jiga!.
Waa dhab oo haddaan nahay dadkeena soomaaliyeed  innagaa is quudhsana shisheeyahana qiimeeyna.Tusaale yar aan soo qaatee ;wiil soomaalida Ethiopia ah kana tirsanaa Federal Policeka Ethiopia ,oo ka howl gali jiray xaafada ay soomaalidu ku badantahay ee Bole-Michael baa igu yidhi”,waxaan layaabay Dadkeena(Soomaalida) marka aad iyagoo is haaysta ama is dagaalaya aad utimaadid adigoo labisan ee si walaaltinimo ah ugu sheegtid inay ka la tagaan ,oo dagaalka joojiyaan ,xoodh kugu qoysan maayaan ,se marka aad askarigii aan soomaaliga ahayn ee kula socday uyeedhatid  asagoon goobta soo gaadhin bay kala yaacayaan”.
Taasi waxay sabab utahay in dhalinyarada soomaalida ah ee ka tirsan ciidamada policeka ama militariga ah ee dalalka deriska ah(Ethiopia iyo Kenya) ay dadkoodii soomaaliyeed kula hadlaan af Xabashi amaba Kiswahili,waayo haddii uu Af-Soomaali wax ku weydiiyo ulama dhaqmayaan sida ay ula tacaamulayaan marka uu inkiro sinjigiisa ee ajnebi isaga dhigo.
Waxaad arkaysaa mid dal shisheeye uu kayaallo fayl ay kuqoranyihiin been iyo waxaan afkaba lasoo marin karin oo uu sharci qaxootinimo ku dalbanayo,oo haddana sheeganayo inuu shisheeyaha necebyahay.cidda qaska iyo labka wadana ay iyagu yihiin.
Aan soo gunaanadee,Soomaalidu iyaga unbaa wax iska dhigi kara ,oo haddii ay walaaloobaan ,midoobaan ,is maquuninta iyo is xaqiraadana iska dhaafaan ma jirto cid shisheeye ah oo soo dhex gali kartaa.laakiin inta qof soomaaliyeed xaqiisa la duudsiinayo ee laleeyahay xaq uma lihid inaad xil hebel qabatid ,waayo gobol hebel iyo beel heblaad kasoo jeedaa,amaba loo dilaya haybtiisa awgeed,marnaba suuro gal maha in mushkilada soomaaliya xal loo helo ,hees iyo hadal magac iyo mansab ku doon ahna waxba qabani maayaan.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.