Thursday 1 October 2015

Kolbo waa la heshiiniye wax ha la isula haro!.

     Xili haatan mudo dheer laga joogo ayaa waxay xurgufi dhex martay labo beelood oo wada deganaay deegaan ka mid ah dhulka ay Soomaalidu degto.Maalin maal maha kamid ah ayaa dagaal qadhaadhi waxa uu dhex maray labbadii beelood,waxaana dhacday in mid kamid meeshii looga awood roonaaday(la jebshay).

   Markii ay raggii dhabarka jeediyeen ayey qoladii kalena baacsadeen iyagoo kutalo galkoodu yahay iney soo wada laayaan.Deedna Midkamid ah ragii cararaayay ayaa arkay iyadoo colkii uusoo gaadhay xabaduna kufoorarto ;waxuuna indhaha lahelay ninkii oogusoo horeeyay oo uu gartay maadaama ay wada deganaayeen isagoo gacmaha taagayo ayuu ku yidhi;AR HEBALOOW KOLBO LABADEENA REER WEY HESHIINI DOONAANE HA IDILIN!.
   Colkii ninka ceydhsanayay ayaa mar qudha wada qoslay ,waxayna go’aamiyeen in ninka saas uhadlay la bad-baadiyo sidaas ayeyna ninkii ku nabadgalyeeyeen.Maalmo kadib, ayey labadii beelood heshiiyeen labadii nin ee is dili rabtayna magaaladii kawada shaaheeyeen ayagoo walaalo ah.
 Waxaan taasi oola jeedaa ;qof  walboow kolbo waa laheshiini doonaahe ,yuusan hadal xun kaa tagin .Ummaddana cadaawad ha ka galabsanin. Waxaana haboon,in aynu mar walba maanka ku haayno xaqiiqada ah in siyaasadaha iyo xasaradaha ama dhacdooyinka markaasi taagan ayna waligood baaqi ahaanaynin.Laakiin taariikhdu waa ma hadho oo waxii diiwaanka kuu galo way kaa dambeeynayaan.


No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.