Thursday 19 November 2015

Kaarka ha iska gubin!

Sumcada ama karaamada iyo kalsoonida aad bulshada ku dhex leedahay waa kayd hantiyadeed oo raandhiis iyo raasimaalba leh.hadba heerka ay sumcadaadu gaahsiisantahay ayayna noloshaada iyo dhexgalka bulshadaada ku sargo'naataa.
Aduunweynaha waxaa kajiro aadna loo adeegsadaa wax loogu yeedho liiska madoow(Black list)oo lagu aruuriyo dadka ay sumcadoodu waxyeeloowdo.
Shirkadaha,hay'adaha  dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahaynba waxay qofka ay maal ama mansab siinayaan marka hore eegaan saafinimada sumcada shakhsigaasi.
Haddii qofku diiwaankiisu fiicanyahayna way dalbadaan oo durbaba daf la dhahaan,haddii kalena ka didaan dadkana uga digaan.
Annagu soomaali ahaan liistadaasi waan leenahay,mase ahan mid qoran oo waa un qeyb kamid ah hadal haynta bulshada waxa loogu yeedho.qof walbana waxa dadku badankood kasheegaan ayuun baa lagu qiimeeyaa
Waxyaabaha kaarka Sumcada gubaahi ma ahan Xatooyada iyo xumaanfalka oo kali ah ee waxaa kamid ah:

1.Beenta;beentu waa shay Xaaraan ah,Ceeb ah,islamar ahaantaana aad uliita una fool xun,dadyoowga oodhana way isku raacsanyihiin waxashnimada beentu leedahay.Qofka beenaalaha ahi markastaa dadka waa kabaadi soocanyahay ,kana bahdilanyahay waxaana aad uhooseeya kalsoonida ay bulshadu ku qabi karto .


Sheekh Cumar Faaruuq(Raxmatulaahi Calayhi)oo ka hadlayay farqiga udhaxeeya beenta iyo Runta ayaa laga hayaa  howraar macnaheedu ahaay"Beentu marka hore ee lasheegayo way sahlantahay,Macaantahay oo sino dhuubantahay ,balse gadaal bay ka qadhaadhaataa oo kasal balaadhataa,Halka runtu ay marka hore xanaf iyo xajiin leedahay,laakiin ay gadaal ka macaantahay oo caloolyoow iyo shalaayto toona ayna lahayn".

Beenaaluhu xitaa haddii uu run sheegayo waxaa loo maleeyaa inuu beensheegaayo ,waana halka ay soomaalidu ka tidhaahdo"Beentaada hore Runtaad dambe ayay udarantahay".
Ruuxa runloowga ahi waa lawada jecelyahay loona jeelanyahay,marwalbana waa guul ujoog oo is jiid-jiid iyo jaa'ifayn lama kulmo.Runta waa lagu bad-baadaa ,oolagu badhaadhaa ,halka beentana lagu balaayoobo oo lagu bahdilmo.

2.Faanka;faanku waa qofka oo naftiisa hafra,kuna tilmaama wax ayna ahayn amaba huwiya wax ay haaynin hurina karin.haa oo dadku waa wada jecelyihiin inay wanaag oo idil kulmistaan,mana jiro qof doonaya inuu xumaan ama nusqaan la deris noqdo.laakiin in laguu dhahaa wanaagsan,calaashaan in dadku ku amaanaan ama wanaag kugu sifeeyaan ,haddiise aad adigu is naashnaashto waxaad ku sifoobi murtidii soomaaliyeed ee ahayd"Qof is faaniyay waa ri' isnuugtay".waxaa jirta xigmad ingiriisi ah oo tidhaahda"Neither Blame or Praise your self/Waqaa nafsadaada ha amaanin amaba eedeeynin"

Haddii aad wanaagsantahay ,waxba ha degdegin dadka ayaaba ku ogaani iyagoon cidna udirsan ,balse inaad adigu is faaleeyso waxay sababi kartaa inaad fashilanto ugu dambaynta.
3.Dulsaarnimada:Waa qofka oo aan naftiisa aaminsanayn, kuna kalsoonayn,islamarkaana dadka kale had iyo jeer hoos jooga.waxayna taasi qofkaasi kadhigtaa mid aan waxba qabsan karin oo kutiirsane ah,karti iyoo fir-fircoonina aan lahayn.waxaana hoos udhaca sharfkiisa oo waxay dadku ku tilmaamaan wax matare.
Liistada iyo qodobadu intaa way ka badanyahiin,muhimaduse waxay tahay inuu qofku ilaashado haybada iyo sharafka uu bulshada uu lanoolyahay ku dhex leeyahay,si uu unoqdo mid wax ku ool ah oo loo heelanyahay.qiimo iyo qaayana ku fadhiyo,qadarina loo haayo.
Ogobeeyse,haddii uu kaarku kaa gubto ,way adagtahay si aad kusoo kabatid ood ku kasbatid kalsoonida dadku kugu qabaan,mar kastoo lagu arkana waxaa la sawiranayaa sumcad xumidaada iyo sida aad usirgaxantahay.


No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.