Sunday 14 August 2022

Sidee fiicnayd in looga falceliyo fariinta Ergayga gaarka ee QM uqaabilsan Soomaaliya?


Ugu horeyn inta aanan taa uguda gelin aan is xasuusino in fariinta ergaygu ahayd mid uu kaga falcelinayay faah-faahina kaga dalbanayay gabood-falo  uu sheegay in ay ka dhaceen magaalada baydhabo oo ay ku lug yeesheen ciidamo ka kala tirsan dawladaha Soomaaliya iyo Ittoobbiya isaga oo soo xiganayay xidhiidho ay lasoo sameeyeen wadamada taageera howlgalada ay QM ka wado Soomaaliya oo walaac ka muujiyay qaabka ay dawladu arinkaa iyo uwajahday sidoo kalena xusay suurtagalnimada in ay joojiyaan dhaqaalihii ay ku bixinayaan guud ahaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo gaar ahaan kuwooda baydhaba jooga. 

Sida ku qeexan qorshe-howleedka xafiiska gaarka ah ee QM Soomaaliya ka furatay oo ogolaansho kahaysta  golaha ammaanka ee QM, waxa uu xafiiskaasi awood uleeyahay inuu katalo bixiyo arimaha nabad ilaalinta, dawlad dhisida iyo dhowridda xaquuqda aadanaha ee dalka Soomaaliya waxa uuna si toos warbixin usiiyaa golaha ammaanka ee QM oo ah halka uu isaguba hoos tago.Dabcan qaramada midoobay arimaha caalamka oo idil bay ka faallootaa faah-faahina ka dalbataa hadba ciddii ay fartu ku godantahay.

Haddaba;Haddii ay noqoto in Ergaygaygu baalmaray waxii loo igmaday Inuu Soomaaliya ka qabto (Mandate),oo uu faragelin kusameeyay arimaha gudaha ee dalka kolkaa falcelinta laga sameeynayana waa in ay noqotaa mid ku qotanta hab-maamuuska iyo hannaanka dublimaasiyada caalamiga ah,taas oo mari kari lahayd dhowrkan  marxaladood ee aan hoos ku xusi doono:

1.Dawladu waxa ay ka jawaabaysaa oo ay iska difaacaysaa eedeymaha loosoo jeediyay sidaa oo kale waxa ay walaac ka muujinaysaa habdhaqanka wakiilka xoghaya guud ee QM dalkeeda usoo magacaawday iyada oo dalbanaysa in isaga iyo cidda uu hoostagaba ay kasoo garbaxaan waxii gef ah ee ay Soomaaliya  ugeysteen iyada oo aanan la iloobayn abaalka ay dalka kuleeyihiin iyo waxii axsaan ah ee ay sameeyeen.

2.Dawladu waxa ay beesha caalamka iyo wadamada deeqda bixiya ee taageerada lagarab joogaahi ku qancinaysaa in ay diyaar utahay la xisaabtan iyo in ayna marnaba baalmarayn xeerarka caalamiga ee xaquuqda aadanaha, dadkeedana ay danahooda utaagan tahay haddiiba uu khalad jirana ay iyadu xaq uleedahay in xalkiisa looga danbeeyo oo lagu xurmeeyo.

3.Marka ay dawladu wax jawaab ah oo waafi ah kuna aadan habdhaqanka ay dhaliilsantahay ee wakiilka QM ka weyso wakiilka iyo cidda ay khuseyso ee soo dirsatay waxa ay uyeeraysaa isla wakiilka qudhiisa si ay wax uga weydiiso aragtidiisa kusaabsan arinta uu ismaandhaafku ka taaganyahay iyo in mowqifkiisu yahay midka rasmiga ah ee QM ay qabto,jawaabta uu bixiyo ayayna ku arafo qalanaysaa.

4.Haddii ay cadaato in waxuba yahay mid ku gaar ah wakiilka oo aanay madaxda sare la qabin marka waxa ay si nidaamsan xafiiska uu ergaygu hoostago uga codsanaynaa in la bedelo lagulana xisaabtamo waxii uu sameeyay  islamar ahaantaa la keeno qof sii wadi kara wada shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac.

5.Haddiise ay dhacdo in Ergayga iyo madaxda sare ee QM ay isku raacsanyihiin waxa uu isagu samaynayo markaa dawladu laba arimood baa ufuran oo kala ah:

B.In iyadu qudheeda dib isugu laabato oo isweydiiso suurtagalnimada in ay iyadu khalad leedahay oo ay tahay  in ay baadhitaan iyo sixitaan samayso iyo

T.In ay ucadaato in laga gardaranyahay kadibna ay qaadato  go'aan maangal ah oo aanan wax udhimaynin wada shaqaynta guud ee wadamada caalamka ay laleedahay(gaar ahaan kuwooda deeqda siiya) ilaalinayana danaha shacabkeeda iyo madaxbannaanida dalka.kaas oo ah hakinta wada shaqaynta kala dhaxaysa wakiilka inta ay wax iska bedelayaan mowqifkiisa iyo falalka uu kukacayo iyada oo aan degdegin iyo caadifad toona wax lagu salaynin.

Tallaabooyinkaas oo idil waa kuwa maangal ah oo xal keeni kara dawladnimadana waafaqsan,laakiin in mar qudha warqad aanay hay'aha dawladu sida sharcidejinta iyo garsoorku wada ogayn laanta fulinta iska soo saarto oo xafiis saameyntiisu sidaa uweyntahay la weeraro waxa ay kaalmo iyo caddayn unoqonaysaa un waxii wakiilka ka cabanayay ee ahaa kutagri fal awoodeed iyo wax udhimmid wadashaqayn ta beesha caalamka iyo dawlada Soomaaliya waxaana ay keenaysaa in wakiilkuna dhankiisa ka dagaalamo oo warbixino hor leh iyo eedeymo kale ugudbiyo golaha ammaanka iyo Xafiiska xoghaya guud ee uu hoostago,waqti ayayna qaadanaysaa in dib loosoo celiyo kalsoonidii iyo wada shaqayntii labada dhinac....

Lawadaag Axsaabtaada kale.