Saturday 26 September 2015

War tallo beele sow tallo kuuma dhalato(Sheeko)

Waxaa la sheegay in; hadda ka hor uu nin oday ah la dardaarmay wiilkiisii oo uu markaa udirayay reerkii oo meel abaar ah deganaa.odaygu waxuu wiilka usheegay inuu reerkii aado oo soo raro ,wan aad ushilis ahaay oo adhiga ku jirayna usoo loogo si ay waxna ugusoo geedi galaan inta kalena loxoska uga baxaan.

Wiilkii markuu reerkii utagay waxuu lakulmay ayagoo roob dal maseeya ah uda'ay oo naqsaday,wan aan kal iidanin kii layidhi reerka uqalna uu gudhiga yaallo isagoo lug ka jaban.
wiilkii wacyiga iyo waayaha is bedelay kuma waano qaadanina waxay kaga dhegtay un dardaarankii aabihii,deetana reerkii buu soo raray ,wankii qoosha ahaayna uqalay kii jabnaana guraduu soo saaray.
odaygii markii loo yimid bay reerkii usheegeen in lagasoo raray carro barwaaqo ah lana keenay meel abaar ,wan ay aad oogu hanweynaayeena laga qalay loona sheegay in arinku yahay amar xagga odayga ka yimid.
Deetana odaygii oo ashqaraarsan baa wiilkii ku yidhi"war tallo beele sow tallo kuuma dhalato"oo reerka maad barwaaqadooda udaaysid ,wankan jaban ee lakabi waayayna uqashid kanasoo laabatid.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.