Sunday 11 October 2015

Taariikhda Dr Axmed Maxamuud Ibraahim oo kooban.

Dr Axmed Maxamuud Ibraahim ,waxuu ku dhashay Degmada Feer - feer ee gudaha deegaanka Soomaalida Ethiopia, Hillaadii 60dameedyadi.i waxuuna kusoo barbaaray Agagaarkeeda , waxaa Qur'aanka soo baray Macalim cabdulaahi xaaji saalax.Kadib markii uu Qur'aanka dhameeyay ayuu uwareegay dhanka degmada Qallaafe ee isla dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.isagoo in muddo ah lanoolaa Adeerkiis Cabdulaahi Ibraahim(Uraag) oo kamid ahaay Ganacsatada magaalada Qallaafe.kadibna waxuu usafray xa[1]ggaa iyo Soomaaliya gaar ahaana Magaallada Muqdisho oo uu waxbarashadiisii ilaa heerka Jaamacadeed kuqaatay. waxuuna ka baxay Jaamacadii ummada Soomaaliyeed qeybteeda culuumta beeraha oo uu markii dambena bare ka noqday.


Intaa kadib waxaa waxbarasho loogu diray dalka talyaaniga oo uu shahaadada PhD da ku qaatay isla cilmiga Beeraha halkaasoo uu muddo dheer wax ka dhigayay jaamacado dhowr ah oo dalka Talyaaniga ku yaallo. muddo kadib ayuu uwareegay dhanka dalka Canada oo uu howlihiisii macalimnimada kasii waday isagoo wax ka dhigi jiray jaamacada Toronto University.Waxaa kale oo uu si joogto ah maqaalo ugusoo daabici jiray dadkii aas-aasayna ka mid ahaay qaar kamid ah wargeysyadii ugu waawayn ee kasoo bixi jiray magaalada Toronto,

Dhamaadkii sagaashameedyadii ayuu dib ugu soo laabtay deegaanka Soomaalida Ethiopia. waxuuna kamidnoqday qurbo joogtii ugu horeysay ee Deegaanka kusoo laabta si ay dadkooda wax ugu faa'iideeyaan, ugana qeyb qaataan horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Markii uu deegaanka kusoo laabtay, Drku waxuu aas - aasay Dugsiyada Barkhadle Academy ;oo Deegaanka oo dhan ku faafay tacliin tayo lehna ummada gaadhsiiyay.caasimada jigjiga oo kaliya waxuu ka hirgaliyay afar laamood oo ay wehliyaan qeybta waxbarashada iyo tababarada dadka waaweyn. Sidoo kale Qabridahe, Godey, Dhagaxbuur, Shiniile iyo qeybo badan oo Deegaanka ka mid ayuu ka hirgaliyay Dugsiyada Barkhadle Academy.Digtoorku waxa uu Tan iyo markii la aasa- aasay si mutadawacnimi ah wax uga dhigi jiray jaamacada jigjiga University.


Waxa dictoorku sidoo kale uu aas-aasay hay'ada Barkhadle Foundation oo qeyb weyn ka geysatay horumarinta waxbarashada dadka waaweyn iyo sidoo kale ta'kulaynta dumarka iyo dadka dan yarta ah oo loogu deeqi jiray tababaro iyo tacliin dhanka farsamada gacanta iyo cilmiga Computer ka ah,si ay ugu helaan fursado shaqo oo ay noloshooda ku horumariyaan.Hay'ada ayaa sidoo kale fulin jirtay ol-oleyaal isugu jira wacyigalin iyo sare uqaadida bilicda iyo nadaafada deegaanka.

Dr Axmed waxqabadkiisu intaas oo kali ah kuma koobnayn ee waxuu kaalin mug leh kaqaatay Horumarinta cilmiga Beeraha ee deegaankeena isagoo marar badan cilmibaadhis la xidhiidha dalaga beeraha kasameeyay qeeybo badan oo ka mid ah gobollada iyo degmooyinka Deegaanka.Waxuu Sidoo kale iskaashatooyin beeralay oo waawayn kasameeyay degmooyin ay feer feer kamid tahay.


Dr Axmed Maxamuud Ibraahim waxuu ahaay aqoonyahan wadani ah oo qiimo weyn ugu fadhiyay shacabka DDSI.waxaana siweyn loogu xasuusan doonaa waxqabadkiisii ballaadhnaa iyo howlihii hufnaay ee uu ummada uhaayay gaar ahaana dhinaca waxbarashada.Digtoorku waxa uu ahaay nin cibbaado badan oo jecel shanta wakhti inuu masjidka kusoo tukado.sannadkii 2006dii ayuu baydka alle(xaramka) booqday halkaas oo asaga iyo xaaskiisa koowaad Hodan Axmed jaamac ay kusoo guteen waajibaadka xajka.waxa uu ahaa nin hammi iyo himmilooyin sar-sare leh kuwaas oo qaar badan oo kamid ahi ay urumoobeen halka kuwa kalena laga af qabtay isaga oo aan idkaynin.Waxa uu ahaa nin af gaaban oo qadarin badan ,ulshaawi ah oo si aan isla weyni ku jirin dadka u dhex gala ugana war haaya duruufahooda nololeed.


Alle ha u Naxariistee Dr Axmed Maxamuud Ibraahim waxuu 2dii bishii July 2015 ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Caasimada DDSI halkaas ayaana loogu sameeyay aas heerkiisu sareeyo oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad ufara badan oo isugu jiray madax sar-sare,Culumaa udiin,aqoonyahano iyo dhammaanba qeybaha kala duduwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jig-jiga . waxuuna ifka kaga tagay labba Xaas iyo 9 caruur ah oo isugu jir afar wiil iyo shan gabdhood.Taariikhda Dr ka oo Faah-faahsan dib ayaan kasoo gudbini doonaa Inshaa allaahu. 


FG:Qoraalkani kooban waxaa iskusoo duba riday Cabdirisaaq Macalim Cilmi oo kamid ah dadkii mudada dheer lasoo shaqeeyay.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.