Saturday 7 November 2020

Latalinta Taageerayaasha Tacadigii TPLF

Kudhawaad 30 sano oo ay Jabhadda TPLF majaraha uhaysay talada dalka Ittoobbiya waxaa deegaanka Soomaalida ka dhacay tacadiyadii ugu badnaa iyo ku tumaahadii sharciga ee abid soo marta dadka deegaanka Soomaalida.Waxyaabaha aan marnaba maanka kabixi karin Waxaa kamid ah;-Meyd magaalada badhtankeeda inta lasoo wadho oo gaadhigii uu kudaba xidhnaa laga furo dadka lagu khasbo in ay udaawasho tagaan waliba udiirnixid iyo damqasho iska daaye laga dalbanayay in ay ku dul dhaanteeyaan afka laad kala dhacaan.Hadda ogoow qofka sidaasi layeelayaahi waa mid lawada garanayo oo waliba ehelkiisii iyo asxaabtiisii ay kamid yihiin kuwa lagu addoonsanayo in ay inkiraan oo aflagaadeeyaan asturnaan iyo iilkana udiidaan.


Siguud dadku waa ay xabisnaayeen oo xitaa qofka safar gaaban galayaahi waxaa qasab ahayd inuu waraaq fasax ah qaato kolka uu soonoqdana Qabaleega iyo Saldhiga booliska iska diiwaan geliyo.Dad baa loo diiday in ay kusoo sabraan ehelkoodii oo mayd ah oo ay aastaan.kuwa ayaa laga xarrimmay in ay xadka katallaabaan oo ay dunida kale kasoo danaystaan.Qaar badan oo kuwii ugu aqoonta iyo waaya aragnimada fiicnaa ee ummadda anfici lahaa ay kamid yihiina waxa lagu qasbay in ay qaxaan oo qaxootunimo qurbaha ku joogaan,waliba waa looga daba tagay oo dibnahooda  waxa laga dhowray in ay ku sheegaan dabuub kasta oo dayaca,dulmiga iyo diihaalada dadkooda lagu hayaahi ka doodaan maxaa wacay haddii ay sidaa sameeyaan waxaa uqoolan oo qoorta loo sudhi qoyskoodii iyo qaraabadoodii ay dalkii uga soo tageen.

Kuwii xabsiyada galay iyagu xaalkoodu maba ahan mid laga xogwarammi karo oo qoraal iyo qalin toona looga sheekayni karo.Si guud haddii looga hadlana waxkasta iyo noocwalba oo ciqaab iyo cinaad ah ayaa loo geystay, kuwa badani waa ay ugod galeen,Qaar baa lixaadkoodii kulumiyay,Inbaa iyaga oo waalan oo aan waxba kala ogayn lagasoo saaray in yar oo kamid ahi ayaa ugu yaraan iyaga oo garbaha lahayo ama gaadiid saaran kasoo baxay oo wali daaweyn iyo dabiibid lagu daba wadaa waase ay nasiib badan baa la odhan karaa marka loo eego intii kale ee iyagu aakhiro uhoyday ama aan la arag oo ilaa iyo imminka aan la ogayn meel lala aaday.

Iyada oo ay arini sidaa tahay waxaa ayaan daro kale ah in inbadan oo inaga mid ahi ay maanta u ooyayaan oo aaro-aaro u yihiin kuwii sidaa inoo galay oo haatan gurub sanaya waxii ay galabsadeen iyo godobtii ay galeen.Kuwa sidaa yeelayaahi laftoodu waa ay ogyihiin TPLF iyo waxa ay tahay ee waxa ay isugu jiraan qaar uu hunguri qaaday oo qandaraas ama qaabilaad ay ka waayeen qolada haat an xukunka haysa ay kuqaaday in ay uqiil dayaan oo u doodaan dadkii shalay dulminayay oo ee sidaa uduleeyay.

Waxaa kale oo iyana jira kuwa aanay garashadu ukala go’in oo aan awoodin in iyaga oo Abiy Axmed iyo Amxaaraba neceb naruurana aan ka filaynin haddana in ay ugu yaraan ku wiirsadaan oo ku bagabagaystaan qoladii shalay sidaa u qaribtay ee uqatashay waxaana ayna u arkaan in haddii ay taageeraan tallaabada Milatari ee TPLF laga qaadayo ay tahay in ay Amxaaro iyo Abiy Axmed oo ay usacaba tumeen balse waxa ayna ogayn in qofka aad necebtahay qudhiisa lagu danaysan karo oo waxii adiga anfac kuu ahi loo adeegsan karo.

Sikasta oo ay ahaataba TPLF maanta talo waa ku ciirsan tahay,tabar sidaas ah mahayaan tol iyo cid ay canceeno ugaleen oo maanta usoo gurmanina majirto oo qof walba oo garashadiisu fayoowdahay waxii ay ugeysteen baa umuuqda kuwa aan sidaa wax u arkina iyaga unbaa taariikhda iska xummeeynayee waxba una tari karaan, waxaana ay kudanbayni doonaan qoomamo iyo qiil dayasho marka ay xaqiiqsadaan in qoomkaasi TPLF tagtay oo xukunka qummaati looga tuuro.Waxaana haatan aan kula talin lahaa in ayna garab iyo gaashaan unoqonin kuwii shalay gummaaday maantana haddii ay awood helaan halkoodii un kasii bilaabi ee barakicintii,boobkii iyo bahdilaad oodii un ubilaabaya islamarkaana ay ugu yaraan qolo walba waxii ay ugeysatay kaga go’aan qaataan oo haddii ay isqabtaana kaga faa’iideystaan oo kolba kii dhib ugeystay ee ay arkaan isaga oo la dhibayo ay si cad ugu wiirsadaan oo ugu qoslaan.

Wednesday 7 October 2020

Wax ka ogoow Abaaleey iyo Asraarteeda.

Abaaley waa tuulo caan ah oo dhacda amaba kutaalla Xuduudka ay wadaagaan DalalkaSoomaaliya iyo itoobiya waxeyna  magaaladabaladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ah ujirtaa fogaan dhan 34 km.Waa dhul hodan ah oo Allekumannaystay kheyraad badan oo dabiici ah kuna habboon qodashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha waxaana mara wabiga shabeelle oo kamid ah wabiyada ugu waawayn geeska Afrika waxaana ay deris la tahay oo haatan ay maamul ahaana hoos timaada Degmada Feer-feer oo qudheeda kubeegan xadka kala qeybiya Wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.Tuulooyinka Deefoow iyo Degmada Far-libaax ee Isla gobolka Hiiraan ayay sidoo kale xad la wadaagtaa oo Koonfur iyo Galbeed kakala Xiga.

Abaaley
Tuulo
Muuqaalka Abaaley.jpg
Muuqaalka Sare ee Abaaley.
Dalka Itoobiya
GobolkaShabeele
Dowlada
 • NuucaFederal
Bedka
 • Dhammaan20 km2 (8 sq mi)
 • Land5 km2 (2 sq mi)
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Furaha251/252

Waa goob muhiim ah oo taariikhi ah maadaama ay dhacdo xadka labo dal kala qeybiya.Waxaa in yar un ujirta oo umuuqata buurta caanka ah ee Bur-dhiinle oo ah saldhig militari oo baaxad leh iyo goob taariikhi ah waxaana ay kamid ahayd meelihii ay Saameynta ballaadhan kuyeesheen dagaaladii udhaxeeyay Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977-dii.Buur-Cukur ayaa iyaduna deris la ah oo ka xigta dhanka Waqooyi ee Degmada Mustaxiil.

Gal-cusbo oo ah xarun qadiimi ah laguna yaqaano Barashada Cilmiga Diinta ah ahaydna xaruntii ay kasoo aas-aasantay Xerta-ulamadoow ayaa iyaduna kutaala meel aan sidaa uga fogayn tuuladani Abaaleey.Sida lawada ogsoonyahayna Dadkeedu waa Xoolo-dhaqato-beeraley ay udheertahay dhigista iyo Barista Cilmiga Diiniga ah oo meelo dhaadheer ay dadku ugaasoo xereeyaan si ay uga faa’iideystaan Mashaa’ishtawaaweyn ee halkaa kusugan waxaana degta ama ay gaar utahay oo iska leh Reer Aw Xassan oo ah dad ku caan baxay Barashada iyo Faafinta DiintaIslaamka magac iyo maamuus ballaadhana ku dhex leh guud ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay Dunida ka joogaanba aadna looga haybaysto.

Abaaleey waxa ay leedahay Dugsi Hoose-dhexe, Xarun Caafimaad ,Masjid weyn,Madaraso iyo Inbadan oo kamid ah Adeegyada Aas-aasiga ah ee bulshada sida;Jidadka Caadiga ah iyo Isgaadhsiinta waxaana ka shaqeeya Khadka labada Dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya waana Xarun ganacsi oo isku xidha inta badan goboladaBariga iyo badhtamaha Soomaaliya iyo sidoo kale Gobolada Shabeelle iyo Qorraxey ee Dawlad Deegaanka Soomaalida iyada oo dalaga iyo waxsoosaarka Beeraha ee halkaasi kasoo go'a ay kutiirsan yihiin qaar badan oo kamid Bulshada ku dhaqan goboladaasi.Dadka reer Abaaleey ayaa ah kuwa Hormuud u ah nabadda iyo Xassiloonida deegaanadaasi waxaana ay kaalin muhiim ahi kaga jiraan sugidda amniga Xuduudaasi dheer ee labada dal udhaxeysa oo tan iyo waxii ka danbeeyay bur-burkii Dawladnimada Soomaaliyaay iyagu iskood uga shaqeeynayaan una xilsaarnaayeen.

Dhulka baaxadda leh ee ay Abaaleey ku fadhiso iyo qeybaha ay ka koobantahay amaba meelaha hoos yimaada ee ku xeeran waxaa kamid ah:-

•Burdhiinle.

•Taagga.

•Bardaalle.

•Xaaji Diini.

.Dareerto.

•Jiic.

•Asharaaf.

•Dhuumoodle.

•Jiiqda Abkay Cumar.

•Baarka Sooguday.

•Ceel Xaar.

•Libaaxyaale•

•Lo’-Daaq.

•Jabcadd.

•Dhagran•

•Dheenle.

•Janno-Adduun.

•Jilba-dheer.

•Afyaraado.

•Ceeblo-Kuuseey.

•Xanloow.

•Mandharuug.

•Allan.

•Kulanta.

•Af-dameer.

•Dhir iyo Daaq.

•Xero-Amxaaro.

•Iskaashatada.

•Garbaale iyo Qaar kale oo badan.


 ...Sii Arag...

Lawadaag Axsaabtaada kale.