Saturday 3 October 2015

Macalim Magaal iyo Arday miyi.(Sheeko Murtiyeed).

Waxaa hadda ka hor jirtay in bare/macalim magaallo joog ah,waxoogaay saboolnimo dhanka xirfadiisa ahna haysatay ,uu maadada Xisaabta udhigi jiray arday kala jaad-jaad ah.

Haddaba,Maalin maalmaha ka mid ah baa isagoo bixinaya/ dhigaya cashar ku saabsan Kala goynta(Subtraction) oo ahaa;10-1=9,ayuu tusaalehaan soo qaatay,si ardayda ay usii fahmaan,waxuuna weydiiyay su'aashan"Haddii 10 baraar/naylo(Idaha maqashooda)ah , oo hal edeg/qab ama xero kuwada jiro ay midi boodo/cararto maxaa soo haddhaya?".

Ardaydii baa ku jawaabtay 9,balse waxaa farta taagtay hal arday oo cod sare ku yidhi"Macalin waxba masoo hadhayaan".Mar qudha ayaa lawada eegay dhanka ardaygii diidmada muujiyay,waxaana xigay in macalimkii uu ardaygii soo sare kiciyo ,keenayna ardayda horteeda ,asagoo mar kale dib uweydiiyay isla su'aashii.


Hayeeshee,ardaygii ayaa si kalsooni ku dheehantahay isla jawaabtii ugu soo celiyay.
Dood dheer , is af garan waa iyo is jiid-jiid ka dib, ayuu macalimkii ardaygii usoo kaxeeyay dhanka xafiiska maamulka dugsiga ,isagoo aaminsan in ardaygu qaldanyahay mudanyahayna in laga qaado tallaabada ku haboon ee sharcigu ogolaanayo.


Markii xafiiska la isla yimid ayuu Barihii durbaba maamulihii dugsiga uga warbixiyay mushkilada jirta iyo madax adeeyga ardaygani islasoo mutaxay.
Maamulihii baa ArdaygIi weydiiyay"waxa uu ucuskaday diidmadiisa?".


Ardaygii baa deetana ku jawaabay"Maamule ;doodaydu waxay la xidhiidhaa Tusaalaha macalinku keenay oo ah mid aan maangal(logical) ahayn ,waayo;Nayluhu/baraarku waxay leeyihiin dabeecad ugaar ah ,oo haddii iyagoo wada joogo midkood boodo/cararo makala hadhaan ee way iswada raacaan".


Sidaas ayayna guushu ku raacday ardaygii reer miyiga ahaay ,Macalin magaalkiinii ku fashilmay.

1 comment:

Mohamed Hassan said...

Sheeko cajiib ah waaye xaqiiqdii

Lawadaag Axsaabtaada kale.