Sunday 27 September 2015

Reerkii Antatarka ka ducaystay!.

       Sheeko xariireedka soomaalida waxaa kusoo aroortay in reer Soomaaliyeed oo meel wada deganaa uu asiibay Antatar wax looyaqaano oo ah in qofku hadalka qar dhigo ama isdabo mariyo.
      Maalinkii dambe ayay ku heshiiyeen inay cudurkan kaducaystaan oo xoolo qalaan Diinna isasaaraan.
     
Markii lagaadhay maalintii la ducaysanayay ee Culimada Diinka akhriyeen oo lagukala faataxaystay la iskuna afgartay in Antatarkii la aasay baa odaygii reerka uweynaa damcay inuu wiil yar oo meesha taagnaay ku yidhaah "War buulkaas gal oo lafta xagxago"taa bedelkeedse waxuu yidhi"war lafta gal oo buulka xag xago".
    Waxaana halkaas kusoo idlaatay sheekadii ahayd Antatarka hala joojiyo oo halaga ducaysto.
    Waxaan sheekadan soo xasuustay markaan arkay rag akhyaar ah oo kudoodayo inay kutartamayaan ladagaalanka Qabyaalada laakiin waxay leeyihiin "‪#‎Qabyaalad‬ Challenge"oo macno ahaan noqonaysa ku baratanka/tartanka Qabyaalada.
    Waxaan filayaa inay ula jeedeen
‪#‎Anti‬-#Qabyaalad ‪#‎Challenge‬.
‪#‎Tartanka‬ #Qabyaalad ka ‪#‎Hortagga‬.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.