Sunday 1 November 2015

Gadhka Xiidh ama Xaqiisa sii(Sheeko).

Hadda ka hor jeer aan joogay degmo kamid ah gayiga soomaalidu taal, baan sheeko reebtani kala kulmay.Waxaana jeclaystay inaan idinla wadaago.

Sidan ayayna sheekadu udhacday:-

Amin galab casar liiq ah oo cad-ceedu godka cidhifka lagashay ,dadkuna salaadii maqrib u hogbadeen, baa waxaa faras magaalaha tub haye ahaan usoo maray nin oday ah,ugaas ah oo waliba hargaanti ah.waxuu sii taxaashaba waxuu sheeda isha kalahelay meel maqaaxi ah,oo rag dhalinyaro ubadan gabranyihiin ,shaah casiriya ahna loo holanyahay ,waxaana isla buqcada isu bariiqa daadsanaa horin rag ah oo iska soo horjeeda laguna hareereeysanyahay.

Odaygii oo madasha jaleeco ku jiiday baa judhiiba isha balaq kusiiyay nin da’ dhexaad ah oo gadhku aad uwareemay,heybad iyo sunno diimeedna ku hagoogantahay.KAL!Mindhaa sheekhu wacdi iyo waanuu bar-baarta uhayaahee bal adna waxoogaa shaarubaha kusii qaado ayuu is yidhi odaygii hargaantiga ahaay.Hadduuse madashii isasoo mutaxayba waaba dumnad laciyaarahayo! Waxuu yara dhugtay oodhegta uraariciyay dhawaqii yeedhayay oo ahaa erayo ugub ku ah,cimri abadankiina uusan maqlin oo uu  la dhafakaaray.Erayadaasi iyo odhaahyadaasi ay golejoogtu ku hal qabsanayeen waxaa ka mid ahaay:

(jalle’e haygu dhihin yaan wadnuhu jaw isoo odhane,
iska waaweeyneey,
lakabiir ciyaar,habar heblo,aakhiru biish,saa’imada yeyna ka bixin Iwm)ayaa ka mid ahaay susunaddii afkooda kasoo baxaayay.waxaa intaasi sii dheereeyd in dhalintu ay garwaynaha ugu yeedhayeen"Macalinka".
Dabcan ninku ma ahayn macalimkii ay ummaddu taqaanay ee saxda ahaay,ee waa mid kaa kaduwan ,waxaana loogu bixiyay beenta oo uu aad oogu dheereeyay(Macalinka Beenta).
Odaygii durbaba irdhoowyay, ogaayna inuu soo xero dhaafay,goobtuna ayna ahayn mid ucunanta.
Hayeeshee,kasokoow dhalinta dhunsan waxaa ugaaska filan waa ku noqotay ninka cimriga biliseed kujira ,dheeha culima leh ,ee hadana maxalu sheeydaanka fadhiya,falka noocan ah falkinaya,hadalada foosha xuna fooxa ushitay una haaneedsaday,waxuuna cindigiisa ka calmaday inuusan sidaan uga dhaqaaqin ee howraar maldahan oo hogotusaaleeyn ah uhibeeyo ,deetana inta ilqoorka ka daymooday ninkii umadaxweynaa raggii dumnada ubaraxneeyd buu yidhi”ADEEROOW GADHKAN XIIDH AMA XAQIISA SII”.
Waxaan kawataa ujeedada ,waxaa marba marka kadambaysa dadkeena soomaaliyeed kusoo badanaya ,shakhsiyaadka ku takrifalaya xirfadaha iyo maamuusyada qiimaha iyo qaayaha weyn ugu fadhiya bulshada.
Waxaad arkaysaa mid sheeganaya saxafi oo daa'in abidkii ka sheekaynaya un qabiil iyo qabyaalad,oo ummadda un isku dirkeeda iyo kala dilkeeda ka shaqeeynaya.Qaar siyaasiin inay yihiin ku nadacoonaya,oo haddana u tiraabaya sida ciyaalka xaafada oo kale,oo marka aad sii dhugato hadaladooda aad ku hungoobi hammigaadii ahaay;bal siyaasigan wax ka siyaadso.Intaas kaliya mahan ,kumana koobna kuwa xirfadaha xasuuqay ee waxaad kaloo lakumaysaa ,Xariif gadhweyne ah ood moodid caalimul bilaad,marka aad lakulantdse waxaad ka helaysaa wax kaa yaabiya oo meesha kasaara hummaagii ku horboodayay ee ahaay ;inaad sheekh la jaar tahay.
Si kastaba ha ahaatee,waxaa haboon in qofku kusifoobo tilmaaha  iyo shuruudaha uyaallo darajada iyo garaadaha uu sheeganayo,amaba uu kuqaraabto wax udhigma howsha uu ka shaqeeynayo si aanay dadku ugu kadsoomin ,ugana didin magaca iyo maamuuska xirfadaha shaqada ay uhayaan.

1 comment:

giaonhan247 said...

Thanks for sharing, nice post! Post really provice useful information!

An Thái Sơn chia sẻ trẻ sơ sinh nằm nôi điện có tốt không hay võng điện có tốt không và giải đáp cục điện đưa võng giá bao nhiêu cũng như mua máy đưa võng ở tphcm địa chỉ ở đâu uy tín.

Lawadaag Axsaabtaada kale.