Thursday 8 October 2015

Xorriyadu Xad ma leedahay?

Hordhac:Waxaa igu maqaalo ah in;nin oday ah  oo xanuun sanayay ay wiilashiisii dhakhtar ugeeyeen,kadibna uu dhakhtarkii sharoobo daawo ahaan ugusoo qoray,isagoo wiilasha usharxay qaabka uu odaygu sharoobada ucabayo.
Odaygii baa markuu guriga yimid ,sharoobadii inta soo qabsaday mar qur ah qur-quriyay oo baabah ka dhigay,deetana wiilashii oo aan ka ag fogayn baa kusoo booday oo weydiiyay"Aabbe maxaad saas uyeeshay sharoobada?".Odaygii isma dhibine waxuu ugu jawaabay"Aabboow sow aniga un malahayn?".
Odaygu waxuu fahmay oo kali ah in sharoobadu tahay daawo uu dakhtarku usoo qoray ,laakiin kama daadegin in sharoobadu leedahay Xadi ama "Dosage" loogu tallo galay in laga isticmaalo.Waxaan taasi usoo qaatay ,xaqiiqada ah in dad badani ay ogyihiin waxa ay iyagu xaq ahaan leeyihiin,laakiin ayna fahamsanayn sida loo adeegsado.Waxaana tusaale usoo qaadani karnaa erayga ah :Xorriyad oo dad badani lahaanshaheeda mooyee adeegsigeeda aanay aqoon ulahayn.

Haddaba ,Waa maxay xorriyad?

Guud ahaan Erayga Xorriyad malahan qeexitaan rasmi ah oo la isku raacsanyahay,waxaana hadba uu micno kuyeeshaa weedha uu kujiro.Tusaale ahaan ;Xoriyada siyaasada waa inuu qofku si aan gabasho lahayn u dooran karo ama ugu biiri karo cidda iyo nidaamka uu ku qanacsanahay inay dantiisa iyo tan guudba fulinayaan.
Si kale haddaan udhigo xorriyadu waa in qofku sameeyo waxii uudoono ee aan ka hor imaanayn sharciga iyo danaha dadyowga kale.waana qodob ka mid ah Sharciga,oo waxaad dastuurada iyo xeerarka aadnaha ku dhex arkaysaa;Xorriyada Hadalka,Xorriyada dhaq-dhaqaaqa IWM.dhamaantoodna waxay leeyihiin xad iyo bar dhamaad aanan la dhaafi karin.taasoo muujinaysa in Qof kastaahi xor uyahay kaliya waxa sharcigu ufasaxayo.
Tusaale dhig: Darawalku waxuu xor uyahay inuu wadada isticmaalo,laakiin xor umahan inuu sidu doono iyo dhinac kasta oo uu damco u adeegsao.Ganacsaduhu waxuu xor uyahay inuu ganacsado ,balse xor umahan inuu waxuu doono ka ganacsado ee waxii sharcigu ogolyahay unbuu ka ganacsani karaa.
Warbaahintu  waxay xor utahay ,xaqna uleedahay inay soo tabiso:1.Warar sax ah,2)Faallo Xaq ah,3)Barnaamijyo aan :-Caruurta,Waayeelka iyo Naafada wax udhimaynin.-Colaad iyo isku dhac beerayn.- U ol-oleeyneeyn  midab takoor kusalaysan Diin,dadyoow ama jinsi .-Cid gaar ah ceebeeyneyn ama cirdigooda wax yeeleeyneyn.-Anshaxa bulshada ka hor imaaneyn.-Qas iyo nacayb abuureyn.-Danaha guud ee dadka iyo dalka khatar galinayn.
Sidoo kale ,Xuquuqda ama xorriyada hadalka waxay leedahay xuduud ,oo waa inayna cid kale xaqooda ku xad gudbaynin.lamana ogola in waxkastoo afkaada kusoo dhaca aad ku hadasho ee waa inaad anshaxa iyo akhlaaqda ilaalisaa.Ugu dambayn,waxaa muhiim ah inaan ogaano ,in qof kastaahi leeyahay xuquuq iyo waajibaad,si qofku xuquuqdiisa uhela waa inuu waajibaadkiisa gudataa.Haddiise uu ku guul daraysto inuu waajibkiisa kasoo dhalaalo waxuu halis uyahay inuu xaqiisa waayo.

==Tix Raac;- ==

http://www.presscouncil.org.za/ContentPage?code=PRESSCODE
                 http://onlinephilosophyclub.com/definition-of-freedom.php
                 http://www.bccsa.co.za/images/pdf/BCCSA_Broadcasting_Code_NEW.pdf

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.