Saturday 3 October 2015

Laxdaanba moogahay!(sheeko gibin ah)


Laxdaanba moogahay!(sheeko gibin ah)

Waxaa la sheegay in ;eegga ka hor koox rag ah oo baadigoob ugu jiray neef ido' ah oo ka ambaday ,ay kasoo dul dhaceen nin meel cidlo ah joogo.judhiiba ,waxaa raggii galay irdho ah in ninkanu yahay kii laxda laharay,haddii si toos ah loo weydiiyana ay dhici karto inuu inkir islasoo taago.
Sidaasi daraadeed waxay talo kaga ibabeeshay inay marka hore ninkan garaacaan ka dib markuu xanuunsadana wax kaweydiiyaan baadida ka maqan.Sidii bayna ninkii sarbi kagala daaleen ,markuu macaaday bay deetana weydiiyeen "war meey laxdanadii?".
Ninkii oo yaab alle ukeenay ,wax jira moogna ah ,naftuna haayso baa isagoo il-qoodhka ka eegaya ku jawaabay"Laxdaanba moogahay!".
waxaan ka wataa ujeedada ,in dad badan oo dhaleecayn iyo eedayn aan loo aaba yeelin lala dabo taaganyahay ay dhici karto inay waxbaba ka ogeen waxa lagu eedeeynayo.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.