Tuesday 29 September 2015

Jig-jiga iyo Waxii aan usoo joogay


                                     
                 Jig-jiga  iyo Waxii aan usoo joogay.
    Runaan la sheegin maahinee,
Rati Dameer ka raad qurxoon.”


        Deegaanka soomaalida Itoobiya waxuu si lamid ah 8da dowlad  deegaameed ee kale hantiyay ismaamul buuxa oo ugaar ah,kadib markii ay meesha ka baxday xukumdii Dergiga  ,hayeeshee   fursadaasi waxay in badan ahayd un af ka sheeg,mana jirin wax horumar iyo dowladnimo taam ah oo kataabo galay guud ahaan deegaanka,taasoo keentay inuu dib uga dhaco deegaanadii ay mar wada askunmeen.Dadka deegaankuna waxay soo mareen dabin-daabyo iyo duruufo ad-adag oon qoraal lagusoo koobi Karin.Duruufahaasi nololeed waxaa aad udareemi kara qofkii deegaanka xiliyadaasi joogay,waxuuna sidoo kale dareemi karaa faraqa udhaxeeya sabannadaasi tagay iyo waqtigan saaka lajoogo.
      Haddaba,anigoo taas ka duulaya ayaan  isku dayayaa bal inaan wax yar ka bidhaamiyo duruufihii qalafsanaa ee deegaankenu soo maray iyo is badalka maanta jira.waxaana qoraalkayga gun-dhig uga dhigayaa waxii aan goob joog u ahaay,maadaama aan nasiib uyeeshay inaan gudaha deegaanka muddo dheer joogay kana shaqeeyay ,inta badana cagta dhigay gobollada iyo degmooyinka uu  ka koobanyahay.
       Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa ‘madax meel kasareeysa oo la salaaxaahi ma jirtee” ,waxaan door biday inaan xidhmadan kaga hadlo xaalkii ay jeer hore ku sugnaan jirtay magaalada caasimada ah ee jig-jiga,marka laga eego dhinacyada dhaqan-dhaqaale ,siyaasadeed ,amni iyo bulshaba.waxaan jig-jiga udoortay mar haddii ay tahay muraayadii deegaanka oo waxii horumar ah ee aan jig-jiga ka jirin ay adagtahay in gobollada iyo degmooyinka kale laga hello.
     Marka aan muuqaalkeedii hore  sawiro ,ayay akhristaha u sahlanaani doontaa  inuu miizaanka saaro ,heerka uu gaadhsiisanyahay horumarka ay maanta ku tallaabsaday, islamarkaana bar-bar dhigo booskii ay joogi jirtay beri hore .
      Bal aan xasuustayda dib ugu celiyo 10sanno ka hor mar aan tagay magaalada jig-jiga .
18/5/1995TI /2003dii ,maalinimo axad ah ,amin ay goorsheegta gudaha ku gudba dhignayd 12kii ama 6dii duhurnimo ayay diyaaradii na siday  caga dhigatay garoonkii hore ee magaalada jig-jiga ee kuyaalay xaafadii loo yaqaanay laanta hawada .
                       Maxaa ku ogaysiiyay garoonkii hore?
      Ugu horeynba aan ku billaabee ,Garoonku Muuqaal ahaan waxuu ahaay jid cade caadi ah oo waxoogaay jaay ama xaani ah lagu daadshay,kaasoo marka uu roobku da’o ayna suuro gal ahayn in diyaaradi soo hawaysato iska daay inay soo caga dhigatee, arintaasoo ay  ku dhib qabeen  dadka safarka ahi,waxaana had iyo gooraale dhici jirtay qof ku tallo galay inuu jig-jiga ka duulo in saqda dhexe lagu wargaliyo inuu dire-dawa iska xaadiriyo ama safarkiisa dib udhigto ,maadaama uu garoonkii jig-jiga roob ku da’ay.
     Sidoo kale ,helitaanka tigidka ayaa ahaay mid lagu hungoobo ,ayadoo 2maalmood oo qudhaata ay magaaladu heli jirtay adeega duulimaadka ee Shirkada Ethiopian Airline ,waxaana caadi ahayd in lahelo sakhsi 3bilood ama in kabadan sugayay inuu diyaarad ka raaco magaalada jig-jig-jiga ,ooy taasi udheertahay inuu maalinkasta oo diyaarada soo deganayso uu garoonka tagayay isagoo quud-dareeynaya bal inuu fursad un helo.
    Dad badan ayaa ka caga jiidi jiray  inay ka duulaan magaalada Dire-dawa oo ahayd halka ugu dhow ee laga duuli ama degi karo marka jig-jiga loosoo socdo ama laga tagayo ,ayagoo naftooda ugala baqaya  Jidka udhaxeeya Jig-jiga iyo Herer oo isaguna qar-baboosh iyo boholo ahaay ,ayna adkayd in lagu safro.
                         Maamulka magaalada :
      Aan dib ugusoo noqdo magaalada gudaheedee,guud ahaan waxay ka koobkeeyd lix xaafadood,balse qeybintaasi magac uyaal unbay ahayd mana jirin wax tabeellooyin iyo astaamo ah oo muujinaya halka ay xaafaduhu kula rogmadaan iyo xuduudahooda,waxaan iyagu waxqabad muuqda haysanin tuulooyinkii degmada jig-jiga hoos imaanayay.
Taasi waxaa usabab ahaay iyadoo ayna magaaladu lahayn maamul adag oo awoodna leh,maadaama xilligaasi awoodu ay ku koobnayd heer kilil oo degmooyinka aanan loo dhaadhicin maamulka iyo miizaaniyadaba.
Waxaa sidoo kale ,gaabis ahaay adeegyada ay bixiyaan xarumaha dowlada ,Tusaale ahaan shaqaalaha dowlada  ayaa  mushaarkoodi heli jiray 2dii biloodba mar ,arinkaasoo jidka uxaadhay habacsanaanta,musuqa  iyo shaqo gudasho la’aanta shaqaalaha oo inta badan ka maqnaa goobahooda shaqada..
                         Wadooyinka Magaalada
      Dhanka wadooyinka laamiga ah marka la eego kama badnayn afartoo xabbo,oo cidhiidhi,gogad miidhan iyo ka dhac-ka deg ahaay,kuwaasoo laga xusi karo,Wadada hal-bowlaha ah ee dhanka buurta kaaraa mardha katimaada ,taasoo ku akayd afaafka hore ee buun-dada togga magaalada kana soo bilaabanaysay harer keylaa halkii la odhan jiray.
Wadada kale waxay ahayd  tan tagta dakhtarka kaaramardha,waxaa sidoo kale jirtay oo markaa qayb ahaan  dhismo ku socday wadada fooqdheeraha hor marta waxaa kaloo jirtay mida Dowlada hoose kasoo baxda oo  taywaanka ku ekayd.
                     Dhanka is-gaadhsiinta iyo Gaadiiska.
Magaaladu malahayn adeega mobileka waxaana jiray oo qudhaata khadka Landline-ka,waxaana adkayd in gobolada iyo degmooyinka kale ee deegaanka lala xidhiidho iska daay dalka dibadiisee ,fursada kali ah ee jirtay waxay ahayd adeegsiga taarka ama halloow –halloowga oo laftirkiisu gabaabsi ahaay.
Adeega internetka ayaa isaguna ahaay wax aanan sidaas loo sii aqoonin ,inta aan xasuustana waxaaba jiray labba xarumood oo internet café ahaay ,kuwaasoo qsicirkooduna ahaay mid aad usareeya oo dadkuna aanay wada awoodin.
Qiimaha internetkii waxuu ku fadhiyay 0.50cent(kontan senti)taasoo halkii saac ka dhigaysa 30 Riyaal  halka koobka shaaha ahna uu kukacayay 0.25cent ama sumuni.
           Waxaa sidoo kale yaraa gaadiidka magaalada gudaheeda ka dhex shaqeeya ,mar haddii ayna jirin wadooyin waafi ah ,waxayna taasi sababi jirtay in dadku adeegsadaan gaadhi-faraska ama Baalla –gaadhiga oo dadka qaar kaba xishoon jireen raacistiisa iyo hakow-hakow layntiisa,waxuuna ahaay Bajaajtii ama kur-kuridii xilligaasi
                             Dhanka nabad galyada .
   Marka la eego dhanka amaanka ,magaaladu waxay ahayd  meel bahallo galeen ah oo cidwalba waxii ay doonto ka fushan karto ,mana jirin cid sidaasi uga war haysa waxa ka baxay ama soo galaya.hay’adaha amni xoojintana waxay  ahaayeen gacan ku gabad iyo fadhiid ,waxaana tusaaleha ugu yar loosoo qaadani karaa Jiritaanka xookihii dhalinyarada qas-wadeyaasha ahaay ee lakala odhan jiray Chinna group iyo Awaarooj oo iyagu ahaay awooda muuqata ee iska daay shacabkee ay qaar kamid saraakiisha laamaha amaanku ka baqi jireen iskana laaluushi jireen.
   Dhalinyaradani oo ahaay kuwo qaab isir ahaan ah u abaabulan ayaa magaalada ka fulin jiray falal amni daro ah oo gaadhsiisan heer dilal qorshaysan iyo dagaallo fool-ka fool ah oo iyaga dhexdooda ah .
     Waxaan Xasuustaa , isla sanadkaasi1995tii  mar aynu ka qeyb galeeynay dabaal-dega 20Ginbood oo lagu qabtay garoonka kubbada cagta ee magaalada jig-jiga ,ayuu madaxweynihii xilligaasi Amb.C/rashiid Duulane Rafle oo dadkii isusoo baxay u khudbaynayay soo hadal qaaday arimaha Amaanka iyo ladagaalanka koontarabaanka ,waxaana mar qudh ah ay goobtii isku bedeshay mid foodo kadib markii ay koox dhalinyaro ubadan bilaabeen Or,foodhi iyo ciid iyo dhagax tuur ,taasoo kaliftay in madaxweynuhu khudbadiisii soo gabo-gabeeyo goobtana lagu kala cararo.
                          Dhanka waxbarashada Magaalada :
       Haddii aan yara jalleeco dhinaca Waxbarashada oo ah laf-dhabarka horumarka aadanaha ,magaalada jig-jiga xilligaasi waxay lahayd hal dugsi sare oo isku raran ah,dhinaca tacliinta sarena waxaa ka jiray 3 xarumo tababareed oo kala ahaay :mac’hadka tabarbarka macalimiinta,mac’hadka tababarka kal-kaaliyayaasha caafimaadka iyo dugsiga farsamada Technical-kal oo dhamaantood aan gaadhsiisnayn heerka Diplomaha ,bixina jiray un tababarada gaagaaban.jaamacadna maba ahayn mid maanka lagu hayo.
Dugsiyada hoose ayaa ahaay kuwo la daalaa dhacayay bareyaal ,manhaj iyo qalab la’aan ,waxaana aad uliitay tirade iyo tayada ardayda wax ka baranaysay.
      Intaa kaliya kuma koobnayn horumar la’aanta magaaladuye ,waxay sidoo kale ka liidatay dhanka Caafimaadka,Ganacsiga iyo biyahaba .
                                    Xafiisyada Heer Deegaan.
     Dhanka kale ,waxay magaaladu fadhi u ahayd maamulka kililka iyo xafiisyada  heer deegaan oo dhamaantood ahaay un fadhi ku dirir aan wax badan kala soconin deegaanka intiisa kale ee iyaga hoos imaata.
   Miizaaniyada deegaanka ee shacabka loogu tallo galay ayaa dhici jirtay iyadoo baahi dhanwalbaba leh ay ka jirto gobolladii iyo degmooyinkii loogu tallo galay.S haqaalaha ayaa sidoo kale ubadnaa kuwa ku shaqaaloobay shahaadooyinkii loo yaqaanay Qiimaynta ee magaca Soomaaliya huwanaa ,taasoo keentay in mararka qaar la arko labbo ama saddex shaqaalaha dowlada ka mid ah oo hal magac iyo hal shahaado kuwada shaqaalaysan mar haddii ayna jirin marjac loo celiyo oo kala saari kara shahaadooyinkaasi midda saxda ah iyo been abuurka ah.
 Waxaan usoo joogay  arday dhiganayay fasalka 8aad ee dugsiga H/dhexe ee Xuseen Giire ee magaalada jig-jiga oo magaca  ku qabsaday macalim ka mid ah bareyaashii Xafiiska waxbarashada DDS ,kadib markii uu samaystay shahaado kumagac ah ,kuna dooday inuu ku baasay imtixaankii qaadashada bareyaasha u xeroonayay tababarka macalimnimada ee TTIda ,taasoo ugu dambayntii ku idlaatay inay labadoodiiba hal magac iyo hal shahaado kuwada shaqaaloobaan.
     Waxaa jirtay in magaalada gudaheeda laga samaysan jiray,warqadaha magacaabida ,meelaynta iyo mushaar furka deetana toos loola aadi jiray xafiiska maaliyada DDS, halkaasoo ayadoon tixraac lagusii samaynin loo furayay mushaarka,waana taas midda keentay in shaqaale badan boosaska isku qabsadaan.
       Waxyaabihii iigu yaabka badnaa een usoo joogay waxaa ka mid ahaa:markii aan tagay goob wax lagu daabaco ,si aan qoraal ugasoo daabacdo ,kadibna  haweenaydii karaaniyada ahayd ay itustay warqad madhan oo leh tiimbarihii  iyo saxiixii waziirka xafiiska maamulka shaqaalaha dowlada looguna tallo galay qofkii shaqo doon ah in loo garaaco si uu xafiisyada ay khuseyso ula tago isagoo ku andacoonayo in lagusoo shaqaaleeyay.Doument-yada been abuurka ah ayaa iyaguna meel walba daadsanaa.
       Mararka qaarkoodna xafiiska maamulka shaqaalaha(CPS)ka ayay kasoo bixi jireen warqado is bar-bar yaac ah oon iska warqabin ,mar haddii ay madaxda dowladu xafiis ahaan u adeegsan jireen guryahooda oo ay jeebka ku siteen tiimbareyaasha iyo waraqaaha xafiisyadooda.waxaa iyaduna jirtay in xafiisyadu kala oodnaayeen ooyna jirin wax wada shaqayn buuran ah oo ka dhaxeeysa. Gaar ahaana waxay arimahaasi aad usii xoogaystayn xilliyadii uu nidaamkii Dhaacdhicinta bilaawga ahaay.
       Seminaarada iyo tababarada dowlada iyo kuwa hay’adaha aan dowliga ahayni bixiyaan ayay buux-dhaafini jireen dad aan ehel u ahayn,waxaana caadi ahayd qof degmo dheer ka yimid ooloogu yeedhay inuu seminaarkaasi xafiiskiisa umatallo ,inuu ugu yimaado mid xeyraan ah oo booskiisii ku galay,kadib markii uu samaystay warqad ah inuu xilkaasi ku shaqeeyo .
Waxaa yaraay xogta ay xafiisyadii heer deegaan ka hayaan dhigooda heer gobol amaba degmo,waxaana lagu howl gali jiray ma awaal iyo warbixino ay diyaariyeen shakhsiyaad lagaba yaabo inayna magaalada dhan uga bixin.
     

      
                                           Gunaanad :
 Marka la eego heerka ay magaaladu maanta joogto hadday ahaan lahayd dhinaca Garoonka ,Jidadka,Isgaadhsiinta casriga, iyo adeegbixinta shacabka iyo maamulka qeybahiisa kala duduwanba ,waxuu qofkastaahi oo cadaalada wax ku dhisaahi garwaaqsanayaa sida ay kaaf iyo kala dheeri utahay Jig-jigadii hore iyo mida maanta oo umuuqata mid ka kasoo doogsanaysa diiftii iyo darxumadii soo daashatay.walloow ay wali ubaahantahay in wax badan loo huro si ay ula tartanto magaalooyinka lafaca ah.
     Sidoo kalena ,gobollada iyo degmooyinka kale ee deegaanka ayaa iyaguna soo maray darxumo ka daran midda aan kasoo sheekeeyay ee jig-jiga ay hoyga u ahayd.balse qormooyin kale ayaan  kaga faallooni doonaa hadii eebbe qadaro.
   W/Q:-C/risaaq Macalim Cilmi.
      FG:Qoraalkan waxuu markiisii hore usoo baxay Bogga Cakaaranews.com oon ku qoray Bishii may ee 2014.
http://www.cakaaranews.com/wararka-separator/wararka-degaanka/4244-qormadii-ugu-horaysay-ee-ku-baxda-barnaamijka-waxaan-u-soo-joogay.html

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.