Sunday 27 September 2015

NIMANYAHOOW SACANAGU SUU UDHALAY DHEREG MA ISKU ARAGTEEN?͠ .

Waxaa lasheegaa in had aka hor uu jiri jiray nin garaadkiisu aad uliito,waxaana dhacday in la galay xilli abaar ah ,nolashuna aad u adagtahay ,nasiib wanaagse reerkii uu kadhashay ninkaasi Doqonka ah ayaa neef lo’ ah u dhalay(irmaanaaday),kaasoo qoyska dhan caano ku deeqay ayna ka dhergeen.

Doqonkii oo reerka la noolaa ayaa isna dhinaciisa barwaaqadu kasoo gaadhay oo caanaha ka dhergay,waxuuna u fahmay in dadkoo dhan caanahan sacooda lagasoo liso wada dar-duurteen oo tuulada dhan ay dhereg lajoogi la’dahay sidiisoo kale.
Maalinkii danbe asagoo caano afka iskasoo mariyay(kasoo adhergay) oo daac-daacsanaya ayuu soo istaagay meel fagaare ah ,waxuuna dadkii weydiiyay”Horta Nimanyahoow sacanagu suu udhalay dhereg ma isku aragteen”.
FG:-Ogoow xaalada aad kusugantahay ,mar walba dadkoo dhan kuma wada jiraan.
Tusaale:-hadey adigu subax kuu tahay ,qaar baa saq dhexe oo habeenimo maraya!.
Tix raac:https://www.facebook.com/ustaadabdirisak/posts/418565678239814

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.