Tuesday 6 October 2015

Micnaha Erayada Guryo-noqosho iyo Diirsasho.

In badan waxaan aragnaa dadka qaarkii lagana yaababa in ay yihiin kuwa kashaqeeya War-baahinta iyo Hay'adaha dowliga ah oo aadeegsanaya Erayga Guryo-noqosho,Iyagoo doonaya inay cabbiraan macno ah"Soo laabasho".

Hayeeshee,dadka ku xeel dheer afsoomaalka waxay sheegaan in macnaha eraygaasi udhigmo ama lamidyahay sida:Heeryadii Cune ama Ri' isnuugtay oo kale.
Tusaale-dhig ;Mudane hebel oo dalka kusoo guryo-noqday haddii layidhaah waxay la micno tahay qof dadkii iyo dalkiisii dhibaato kulasoo jeestay halkii ay wanaag ka filanaayeena xumaan ugu bedelay..
Sidoo kale waa la adeegsani karaa marka laga hadlayo  soo noqda iyagoo soo hingoobay amaba aan waxba soo helin ama ruux faro madhni soo noqday oo kale.
Sidoo kale af-yaqaanadu waxay diidmo ka muujiyeen adeegsiga weedha ah"‪#‎Roobab‬ lagu ‪#‎diirsaday‬".waayo bay yidhaadhdeen Roobka waxaa ka horeeya Kaliil iyo Diraac daran ,marka uu da'ana waxaa laga dhaxlaa Neecaaw iyo rays Qaboow sidaasi aawadeed bay haboontahay in la yidhaah"Roobab lagu Qaboowsaday"halkii laga odhan lahaay "Roobab lagu diirsaday".
Waayo Diirsasho waxay muujinaysaa xaalad ay dhaxan iyo yaduul ka horeeysay oo qofkii ama duunyadii ay ka kacday yaduushii ama qamandhacadii saarayd....Sii Arag...

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.