Saturday 3 October 2015

Ha qaboobee Qaboweyn ku rida! (Sheeko gibin ah)

Ha qaboobee Qaboweyn ku rida! (Sheeko gibin ah)

Waqti ka mid ah Waagii ay soomaalidu miyi jooga ahayd baa ‪#‎3rag‬ ahi hammi guur ka kala galay ‪#‎3gabdhood‬ oo geel horweyn ah la joogay.
Markii lakala calaamadaystay ee ninwalba cadaystay mida uu calmaday in muddo ahna la haasaawayay lana heshiiyay bay habeenkii dambe raggii go'aan ku gaadheen bal inay hablahani garaadkooda iyo waxgalnimadooda kala gartaan una kuurgalaan.
Deetana xili maqribkii ah dhulkuna mugdiyahay geeliina soo xero fadhiistay bay ayagoon loo jeedin muska(bowdka/sarsarka )ugaleen ardaagii ay habluhu deganaayeen si ay udhagaystaan sheekadooda.
Nasiib wanaag waxay kusoo hagaageen xili habluhu ‪#‎Hilib‬ ‪#‎Dabka‬ usaarnaa .
Markii fiidkii lajoogo oo dherigii lagasoo dhigay baa gabdhihii oo wax jira moog ah midwalba codkeeda dhiibatay.
‪#‎Tii‬ uhoreeysay baa tidhi"war koran weeynee noo kala gooya"(oo ay ula jeeday intaan kabadan ma sugi karnee qof waloow cadkaada la bood.)
‪#‎Midii‬ ku xigtay baa iyana raacisay"Ha qaboobee qabo weyn ku rida"(oo ka dhigan si uu durbaba baraf unoqdo haanta biyaha garka ugaliya).
‪#‎Gabadhii‬ udambaysay baa iyana ku tiraabtay"war ha kaf kafee kob iska dhiga".(oo la micno ah yeeynan deg degin oo aynu sugno inta hilibka si iskiis ah ooga qaboobayo)
Waxaana halkaasi kukalabaxay 3dii dumarka ahaa ee wada deganaa, midka mid ah ayaana koobkii qaaday oo ninkii hore ucalmaday usoo geed fadhiistay halka labaddii kalena dheg xumo gayiga loo geliyay kuna gayaan seegeen .

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.