Friday 20 November 2015

Xamaasadi Xal ma ahan!.

Xamaasadu waa laab lakaca uu qof arin si gaar ah ula juboodo,ulana durbaan tunto.waxay muujinaysaa dareen gudaha kasoo burqanaya oo sheegaya sida qofkaasi ugu qanacsanyahay arinkaasi amaba dhacdadaasi.

inta badana xamaasadu masii raagto oo waa un sida farxada oo kale, oo adoo qoslayo baa laga yaabaa inaad  qadaad-qadaad udhacdid ood mar qudhaata ah oohin lasoo boodid ,halkaana ku soo gunaanadid farxadaadii iyo reynreyntii.
Innagu soomaalideena aad bay inoogu badantahay xamaasada,oo malihin kaadsiimo iyo ukuurgalid,judha aan wax maqalno amaba aragnaba mashxarad baan la dhacnaa,inagoon isweydiin waxani ma dhayal baa mise waa dhab.
waxaa laga yaabaa inaad aragtid qof hadda un shaah iyo shaadali bixinayay, oo haddana isla arintii ayada ahayd ka murugaysan oo ka qoomamaynayo.Qaar baa haddii ay magac ay yaqaaniin warbaahinta ka maqlaan in xil muhiim ah loo magacaabay;durbaba bayraqaya iyagoon is weydiin xitaa in magacani yahay kii ay yaqaaniin iyo inuu yahay qof lamagac ah(Sami)ah.

Waxaan usoo joogay hadda kahor nin kamid siyaasiyiinta soomaalida oo maalin dhan magaalo idil,inteedii muqayiliinta ahayd ay kaga jaad cunayeen;Radio Shabeele ayaa ku sheegay in laguu magacaabay gudoomiyaha gobolka.Balse isla galabtii baa warkii beenoobay xili uu xoolo beelay.
Arinka caynkan ahi ,shacabkeena un ma ahee xitaa siyaasiyiinteena iyo wax garadkeenu aad buu oogu badanyahay.aan hal tusaale oo muhiim ah soo qaatee;Xilligii Maxaakiimta Islaamiga ahi kasoo ifbaxeen inta badan gobolada koofureed ee Soomaaliya,ayna ku guuleeysteen inay afka ciida udaraan hogaamiye kooxeedyadii ummada xakaariyay,waxaa durbaba ka xoog badatay xamaasad oo iyagoon is ogayn baa midba meel ka hadlay.

Mid yidhi"Daad baan nahay",kukalaa ku hadaaqay "Addisabeba ayaan ciida ku tukanaynaa", iyo qaar ku tiraabay "Qudus baanu qabsanaynaa".waxay taasi sababtay inay soo cimri degdegaan oo maalmo kooban gudahood la waayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.islamarkaana ay salfadaan nolosha boqolaal kun oo iyaga sababtooda ku noqday wax la dilay,in labaro kiciyay iyo qaar laboobay.
Dadka siyaasada lafa guraahi waxay isku raaceen in;haddii ay si cilmiyaysan oo miyirqab,kaadsiimo iyo ukuurgalid ku dheehan uhowli gali lahaayee ay suuro gal noqon lahayd inay waayo joogaan ,dalka iyo dadkana wax badan uqabtaan.

Dabcan wax ku dhibo lawaayi maayo,in la isdifaacana  waa daw, laakiin waxaa haboon inaan la degdegin oo kaadsiimo la yeesho.Gaar ahaan marka ay arintu noqoto mid dhiilo colaadeed dhalin karta waa in laga eegaa dhinacyo badan.Guusha un inay muuqato mahan ee waa in sidoo kale guuldarana la fishaa,waxay taasi keenaysaa in loo sii tabaabushaysto sidii loola tacaali lahaay haddiiba ay guuldaro timaado.Soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa"Kheyr wax kaama dhibee,Shar utoog haay".

Haatan iyo mida joogto,waxaa beryahan soo baxayay macluumaad la xidhiidha derbi ay dowlada kenya doonayso inay ka dhisto xuduuda ay la wadaagto soomaaliya,iyadoo ku sababaysay inay adkaynayso ammaanka dalkeeda.Dabcan haa oo dalwalba xuduudihiisa isagaa umadax banaan,derbi iyo dululubaati midkuu ka dhisani,laakiin waxaa muhiim ah inayna deriska waxyeelo kasoo gaadheynin.waxyeeladaasi ha noqoto soohdin riix kadhasha dhismahaas ama cidhiidhi dhanka isu socodka dadka iyo duunyada ee labadaasi dal.

Haddii ay timaado in soohdin riix meesha soo galo waxay leedahay qaabab iyo wajiyo badan  oo loo wajaho,waana shaqo utaala xukumada xilka haaysa,iyadaana laga rabaa inay shacabka hogaamiso oo qorsho cad,qeexan oo quman la timaado.Qorshahaasi waxuu noqon karaa mid dublamaasiyadeed amaba dagaaleed hadba kii la doorbido.waana in qorshahaasi laqaataa  kadib daraaseeyn iyo ka baaraan deg mug balaadhan oo lasameeyo.

Hayeeshee,in xamaasad shacabku qaado oo inta dhowr qori lasoo aruuriyo layidhaah"dal baa difaacaynaa" ama baraha bulshadu ku kalanto laga booteeyo hadhowna lakala yaaco,waxay ka dhigantahay un in guushii la siiyay dhinacii la rabay in lagasoo rido.dhaqamda hadda socda ee xamaasada ku salaysana ee umuuqda fadhi kudirirkana dal laguma difaaci karo.mana haboona in laga dhigo jaantaa rogan iyo qof walboow urido.

Bal adba qiyaas qofka wadamada reer galbeedka amaba meel kabaxsan soomaaliya jooga ee leh"Hala dagaalamo iyo hubka qaata".amaba xildhibaan asagiiba naftiisa ay ciidamo shisheeya gaadhka ka hayeen oo noloshiisii iyo badqabkiisa la daalaa dhacayo.maxayse tahay guusha uu qof maqani keeni karo?yeyse tahay cidda uu howshaasi udirayo ee kasoo bixi karta?.micnuhu mahan yaan laga dhiidhinin iyo isha un halaga dhowro ee waxa weeye;qaab cilmiyaysan oo caqli ku dhisan haloo wajaho.

waxaa aad ii cajab galiyay go'aan xildhibaanada baarlamaanka DFS kasoo baxay ooy ku dalbanayaan in 48 saacadood gudahood lagu soo diyaariyo sharcigii lagu dhaqi lahaay xuduudaha dalka laguna difaaci lahaay.waxaan ogsoonahay sharci kastoo lasameeyaahi inuu maro marxalado iyo jaranjarooyin is daba yaala,una baahanyahay,diyaarin,kadoodis iyo turxaan bixin.48saacadoodse sharci lagusoo diyaariyay intee in la eg buu tuur iyo turxaan yeelani karaa?.

Ugu dambayn waxaan ku talin lahaay inaan colaad la abuurin ayadoo la doonayo in  ladamiyo mid markaasi taagan.arimaha caynkaasi oo kale ahna lagu xaliyo qaab diplomaasinimo iyo dowladnimo ku dheehantahay.islamarkaana lagala tashado dadka aqoonta iyo garashada uleh xalinta khilaafyada noocaasi oo kale ah.iyo sidoo kale cidda ay sitoos ah amaba si dadban u khuseeyso.inta howsha socotana xamaasada iyo xiisaha aan sii xoog badanayn xalna keeneeynin laga daayo.




No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.