Mid kamid ah xaaladaha nolosha ee ugu qiiro adag ayaa ah doodda.Ha ahaado qof aad jeceshahay,necebtahay,yasaysid ama aadan aqoonine,waxaa hubaal ah in doodu ay sare uqaadi karto wer-werka iyo cadaadiska dhiiggaada,xaraaro iyo xamaasadna kugu beeri karto.Waxa aad ubaahantahay degenaansho,debecsanaan, dulqaad iyo daliil adag si doodaadu u ahaato mid xikmad iyo xiiso xanbaarsan oo dadka soo jiidata.Waxaa kale oo xaqiiqa ah in Qof walba oo innaga mid ahi uu aad unaawilo in uu noqdo doodaa aan la loodin karin oo aan marnaba laga libin helin.
Haddaba,waxa aan qormadan kooban haddii eebbe idmo ku qaadaa dhigi doonaa lix qodob oo uu kuu sahlaya inaad marwalba ku gacan sareysid doodaha aad galaysid.Lixdaasi qodob waxa ay kala yihiin;-1.Ogoow xaqiiqadaada;-Inta aadan dooda galin is weydii oo aad ooga baaraan-deg in waxani yihiin maalacyi aan meelna gaadhaynin lugo adagna ku taagnayn iyo in ay tahay dood dhab kudhisan,dhil-dhilan,dheelitiran oo dhamaystiran.Adeegso cadeymaha doodaada gun-dhigga unoqon kara oo idil.