Sunday 27 September 2015

Habka qorista Curisyada iyo Sheekooyinka.

    Wax qoristu waa xirfad ka mid ah xirfadaha aas-aasiga ah,waana hibbo ilaahay bixiyo oo lagu kala horeeyo.

   
Hayeeshee,waxaa jiro habab iyo xeelado kala jaad-jaad ah oo loo adeegsado diyaarinta iyo isku dubaridka qoraalada sida curisyada(maqaalada)iyo sheekooyinka.
Waxayna leeyihiin qaab-dhismeed iyo qodobo la raaco ,oo qeybiba wax qaabilsantahay,kuwaasoo ay ugu muhiimsanyihiin afartan waaxood ee socda:-




B.Cinwaanka.
T.Ararta/Hor-udhaca ama Gogol-dhigga.
J.Dulucda/Weedh murtiyeedka.
X.Gunaanadka/Hooriska.

      B)CINWAANKA;-waa taargada qoraalka ,waxaana haboon inuu yahay mid soo jiidasho leh,xidhiidhna la leh waxa laga hadlayo.
     T)ARARTA:-Qofka bootin dhisanaya waxaa muhiim ah inuu soo dig-digto si uu ugaadho barta bootinta,dig-digashadaasi waxaa lama huraan ah inayna noqon mid dheer oo lagu soo daalo ama mid ka hoos-bood ah ,Ararta qoraalkana waa sidaas oo kale oo ujeedadu waa inay ku gaadhsiisaa maxalu shaahidkaada,akhristuhuna fursad usiisaa inuu kula saanqaado ,sawir guudna helo,waxaa kaloo ay noqonkartaa isku xidhka labbo dhigaal oo cilaaqo ka dhaxeeyso.
      J)DULUCDA;-waa halkii loo socday ,ee aaranka ahayd lana doonayo in akhristuhu ku xasilo ,kana dhergo murtida iyo micnaha qoraalku xumbaarsanyahay.
      X)GUNAANADKA ama hooriska :-waa sagootinta akhristaha iyo qoraalkaba ,waa taam yeelista iyo guntinta udambaysa ee xadhigii la soo soohayay.
Mararka qaarna qodabada la racaahi  intaa way ka bataan oo waxaa ku darsami kara ,Afeef;oo ah  IWM.
Si kastaba ha ahaatee ,haddii qoraalka qaacidadaan sal-dhig looga yeello ,Astaamaha qoraalkana lagu suugeeyo,wax anfac lehna lagaga hadlo waxaa suuro gal ah inuu dhadhan yeesho,haddii kale wax laga faa'iido iskaba hadhane ;asga ayaa lagu marganayaa oo laf dhuunta gashay ku noqonaya akhristaha.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.