Friday 9 October 2015

Dantiis mooge maro duug ah horteed buu dhamaadaa!

Waa maah-maah soomaaliyeed oo gundhigeedu yahay in qofka aan wanaagiisa waxa uu kujiro aqoonin uusan sii ajal dheerayn.
dhab oo aduunka intaad dul joogtid ,waxaa kusoo marayo marxalado iyo mowjado nololeed oo maankaada wareeriya,maskaxduna kuu muujiso inay muhiim tahay ka falcelintooda.Laakiin,marka aad miyir qab,ukuur gal iyo aragti dheeri ku fiirisid ,waxaa lagayaabaa inay kuusoo baxdo inay haboontahay inaad ka aamustid ama ka gaabsatid.

Inaad is mood-moodsiisid inta ay duufaantaasi ku dhaafayso ,waxaa sabab unoqon kara:
1.Adigoo aan markaasi lahayn tabar iyo taag aad ku wajahdid.
2.Iyadoo ay tahay wax ban yaal oo ummadda aad ula simantahay,dad badan ookaaga bud-dhigaysana ay jiraan.Doc ka yeedhnimadaaduna ayna waxba soo kordhinaynin.
3.Adigoo kalsooni ku qaba ,waaya aragnimaaduna ku gayaysiiso in dhacdadaasi tahay mid iskeed ubaabi'doonta aakhiritaanka,una baahan Adkaysi oo kali ah.
4.In xilliga lajoogaahi aanu ahayn mid ku haboon u hinqashada howshaasi.
5.In aanu boosba kaaga banaanayn,oo cid kuu dirsatay ama kugu dirqinaysaaahi aanay jirin.
Waxaase ayaan daro ah ,inaad shanqadhii yeedhaba ka jawaab celisid,ood badda cagaha galisid,markay mowjadu ku qaadana aad qeylo dhaan iyo baroor bulshada kulasoo dhex dhacdid.
Murti Soomaaliyeed baa tidhaahda"Tabar daroow oo taakh-taakh badnoow waa naftaada tahluukadeeda.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.