Sunday 27 September 2015

Marti Soorkii Reer Miyigeenu Miiganaayaa!.

          
     Soomaalidu  waxay leedahay dhaqan Intiisa badan suuban oo ay kaga soocantahay dadyowga iyo Bulshooyinka kale ee dunida dusheeda ku Naalooda.Dhaqankaas oo ah mid aad ufacweyn oo soo jireen iyo isir kasoo gadh ah.
      Inkastoo dhaqamadaasi wanaagsan ee shareecada islaamkana wax badan ka waafaqsan aynu hoy unahay ,haddana ,marnaba  si dhab ah looma  diiwaan galinin, dunida daafaheedana looma gaadhsiin .Arintaasi waxay keentay in  la arko un inteena xun(Nidaamdari,magangalyo doonimo,Bur-cad badeednimo iyo argagaxisanimo)na nalagu asteeyo.
      Dhaqamadaasi wanaagsan een leenahay una baahan in lasoo bandhigo waxaa ka mid ah "Hanaankii marti soorka "ee reer miyigeenu ku agaasimi jireen Tub hayaha soo tiigsado .
      Haddaba, Waxaan Curiskani haddii Alle(SWT) qadaro ,kaga hadli doonaa inyar oo ka mid ah dhaqankaasi suuban ,walloow aanan ahayn qofkii ku haboonaa inuu mowduucaasi lafa guro,danteeyduna waa inaan is xasuusino muhimada uu leeyahay ka warqabka dhaqamadeena wanaagsan si looga fogaado inay aasmaan ama la iskaba iloobo ,islamarkaana asaw bedel inagu dhaco.
   Dhaqan Soomaaliga iyo Marti soo dhawaynta.
      
       Dhaqanka soomaalida waxyaabaha  ceebta weyn ee sheeko reebta noqota ku ah waxaa   ka mid ah;haddii martidu qado ama mudnaanteeda lasiin waayo,Sidaasi aawadeed ayaa soomaalidu qiimo iyo qadarin gaar ah siisaa musaafurka usoo mingalo.  Iyadoo,Cardun iyo Ciroolaba Guntiga loo xidho maamuuska martida .Si gaar ah Haweenku waxay door muhiim ah kuleeyihiin habsami usocodka howshaasi,waxayna ka midtahay qodobada marka horeba lagu xulanjiray gabadha la guursanayo.
      Gabyaa Aw-yuusuf Maxamed Xirsi(AUN)oo arinkaasi kadar-daarmaya waxuu gabaygiisii “Guur aan ka la’aado ”ku yidhi
“Goolwayn midii loo qaliyo  -Gogol lasoo dhoobay,
Gob hadday timaadoo martidu –Igu dul gowriirto,
Weelkeedu tuu gorof yaheen  -laguba gaadheynin,
Nin guraar minkii loo dhigay  -Gobi layaabtaahe,
Intaan ciil la gow odhan lahaay-Guur aan ka la’aado”.
         
       Reerka ku wanaagsan martisoorka waxay ahaayeen kuwa lasoo haybsado oo lagusoo hirto,masaafurkuna isu soo tilmaamo.waxaa waliba dhici jirtay inloosoo gayaan doonto iyadoo la aaminsanyahay inay gob yihiin.Sidoo kale ,qoyska martida kaseexda ayaa ahaay kuwa lagu sheekaysto,gabayo iyo geeraarna laga tiriyo ,layskuna wada sheego oo laga weecdo,waaba haddii aan la fangorin oon gabdhahoodana la gayaan seejine.
        Maadaama aanay jirin is-gaadhsiin lagala socdo halka qofku soo marayo iyo xiliga uu reerka kusoo beeganyahay ama guux gaadiid oo dadka dareen galiya, waxaa qasab ahayd in marwalbaba marti-Habaqlaha lootoog hayo.Sidoo kale ,lama aqoonin muqaaxiyaha/baararka ama meelaha laga cunteeyo  iyo huteelo la seexdo toona ,dadka socotada ahna waxay ku tashan jireen hadba qoyska soomaaliga ah ee ugu soo horeeya oo ay ku cabaar furan jireen .

      Si marwalba martigda burunti iyo diyaar loogusii ahaado ,Waxaa jiray waxloogu yeedho “Dhigaal/Col-dhowr”oo qoys kastaa  oo reer miyigeenii ka mid ahi lahaan jiray oomarwalba diyaar u ahaay.waloow  lagu kala gedisnaa Qaabka dhigaalka oo ay ku xidhnayd dhaqanka iyo dhaqaalaha reerkaasi haaysto,ama Nolosha ay ku jirto sida Xoolo-dhaqato(Pastoralist),ama Xoolo –dhaqato xigeen(Agro-Pastoralist),Deegaanka ama hadba gobolka iyo goorta la joogo.
      Dhigaalka waxaa sidoo kale  loogu talo gali jiray odayga reerka ama qofka qoyska ka tirsan ee shaharka ama safarka ku maqan.Iyadoo maanka lagu haayni jiray suuro galnimada inay marti gaar ah soo daadato ama kusoo dabo gabato soo noqodka Duqa reerka.

     Kaydkaasi  badanaa waxaa jiray agabyo gooni ah oo  uu ka koobnaa. Kaydkaasoo ah mid si kumeel gaar ah loosii dhigay ,tayadooduna aad looga taxadaray,Reerkana lagula taliyay inay san faragashin ,oo waa Ceeb kale haddii Dhigaalku madhto ama reerku utashtaan iyadoon bedelkeedii lahelin. waxayna ahayd ceeb kale oo keeni karta in reerkuba ubur-bura ama khilaaf loo caal waayay ka dhex tosho. Qeybaha dhigaalkaasi koobnaay  inta aan ka xasuusto waxaa kamid ah :-
Ø 1-Kaloorad/joog Cod-cod iyo Colob Is dhex ceegaagaan:-sida caadada ah  reerku markuu in mudo ah goojaba neef shilis ah ayay  dhegta dhiiga udaraan. si caruurtu ugu magaan/jeel baxdo ,qeyb ka mid ahna martida ayaa loo meel dhigaa.
2-Guntin Jariidh/fal-faliidh ah oo a wehliso  waxoogaay budo ah.
3-Tariiqad ama Qandi ay ku jiraan Sonkor ,Caleen Shaah,Cusbo/milix ,Qurfe iyo heyl iyo waliba Dhega yare oo ay inba goonideeda uguntantahay .
4-Dhiil Qabo-yaro ah oo inta Qori cad holcaya lagu cugay,markay qiix bixisay maro catir /cigaal ah lagu nadiifiyay oo iyadoo carfaysa salka loo dhigay waxoo Dhanaanis/qamiir ah ,dabeetana caano dhaay Kasoofeen ah(fresh) babaac lagu siiyay hadhuubkana lagu nigaxay  ,kuwaasoo ladoonayo inay mudo kadib isu bedela gadhoodh .
5-Haan qabo-weyn ah oo inta Asal gaduudan/casaan ah la madhiyay, Saab adagna lagu riday,  biyo xabag barsha ahna laga buuxiyay ,kadibna salka loo dhigay god qoyan oo dheelitiran .
6. Mararka qaar waxaa jiro neef adhi ah ,oo cadeeyska loogu tallo galay ,oo isagu reeraha korkooda daaqa marwalba xigsiisina aan laga waayin  .
7. Xidhmo xaabo ama qoryo ah ,oo debshidka(kushiinka)kusii dhex diyaarsan iyadoo lasii fal-faliidhay(jar-jaray).
8. sidoo kale ,debka marka laga bogaba waxaa salka loo dhigaa ama lagu duugaa  qori dogob ah ,oo aan bakhtiyin ,si haddii kabriidka ama taraqa la haleeli waayo loogu baxsado.
9. Intaa kaliya ma ahee  waxaa xoolaha ku jiro ,yar-yar iyo Qoolis(Wanan iyo Orgi) loogu tallo galay Haddii ay xaalad deg-deg ah sida tanoo kale timaado in dhegta dhiiga loo dero.
Islamarka martidu timaadana inta reerka uweyn baa afka isasaara iyagoo is bar-bar dhigaya yar-yarkaasi ama qooliska ku jira xerada midka maanta ku haboon in birta laga aslo oo martidu ka maqsuudin kara reerkana waxoogay carab dhaq ah ureebi kara.
Gorfayn iyo garaad isweydaarsi ka dib ,baa qof cag fudud loo diraa jihada xooluhu jiraan ama xerada asagoo si degan usoo jiida neefkii ay ishaaradu ku dhacday ,kadibna inta bisinka uqabto gowrac ugu jiidaa.
                                                                         
                                      Noocyada Martida.                                      

          Inkastoo ay magaca guud marti kawada yihiin lana wada sooryeeyn jiray,Haddana waxaa loo kala sooci jiray ama loo kala meeqaam siini jiray ,sida ay ukala mudanyihiin.Marti soorkuna waxuu ku xidhnaan jiray hadba Muuqaalka ay musaafurku leeyihiin.Tusaale ahaan hadday  Culimo ,Xer soo jimcaysatay ,Xidid ama guurti dhaqameed yihiin;  waxaa qasab ahaa in loo loogo,oo bun iyo beer laga horgeeyo.

     Haddii ay dhalinyaro caadi ah yihiina, waxaa lagusoo dhawayn jiray Shaah Macamir ah oo lagu udgiyay Dhegoyare iyo Qurfo iyo hayl sonkorta iyo caleentana si wanaagsan loogu qiyaasay,Subag iyo Colob Carfaysa ,Soor  ay gaari ku farayareysatay iyo Caano Gadhoodh ama dhaay ah ayaa sad u ah.

                     Soo Cido galka Martida.
  
          Martidu laftirkeeda waxay leedahay aadaab iyo tartiib ay cidda usoo gesho ,taasoo wax badan ka bedelan mideena maanta ee “Hoodi Dalaq”iyo “Hirigta”ah.
Markay martidu shanqadhka reeraha soo raacdo ama tilmaan iyo tub ku timaado waxay is yara taagayaan meel reerka ka yara baxsan ,,iyagoo qof macquul ah soo cid dirsanaya.
Qofkaasi ,salaamta islaamka kadib ,ayuu reerka ku yidhaah”war maxaa lagusoo galay/hergalay/beryay,reerku manabadbaa?IWM.Kadibna usheegaa inay yihiin dad marti ah ,haddii ayna cidi meesha ka garaneyn ama tilmaan weydiistaa hadduu jiro qof ama qoys ay bar garanayaa.
                      
                                           Qaabilaada Martida.

      Isla marka martidu soo joogsataba Waxaa  is xil-qaama qof  soo dhaweeya oo udhexeeya Dumarka dabka shidaya iyo martida isagoo kolba ka wardoona halka xaalku maraya ,si hoosena xaawaleeyda ugu guubaabiya inay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo martida qumaati marinkeedu waxuu yahay umariyaan.

     Sidoo kale soo dhaweeyuhu ,waxuu martida ugadh-qaadaa meel reerka iyo buuqiisa ka yara durugsansan oo ah geed hore hareeraha looga qubaan-qubay,lana waabay,biyo qaboowna lagu bil-bilay(haddii uu kuleyl jiro)halkaasoo loo walalacsiiyo Galo-mugdi ama derin midabyo kala jaad-jaad ah lagu naash-naashay , berkin carfaysana iyo Go'na badhtanka loo dhigo,waxaa intaa udheer labbo weel biyood oo midi yahay biyo qaboow oo ku jiro weel dahaadhan(gaadhan),iyo mid ay  ku weyso qaataan kuna soo xaajo gutaan.Haddii ay Habeen tahayna Ardaay  gaar ah oo Cows jilicsan lagu kash-kaashay ayaa loo goglaa.
   Soo dhaweeyuhu badanaa waa qof Garaad iyo garasho usaaxiib oo martida si hufan usoo xero galin kara,kana sheeko guro ,Barasho gaaban iyo maaweelo murtiyeedsana uqabta inta sooryadu soo degayso.

     Waxaa markaaba debka lagu tuuraa kildhi ama jalamad shaah ,mararka qaar laba deb ayaa layska Garab shidaa ,oo midi  waa shaahii Macamirka ahaay, midna  waxaa lagu kariyaa kalaankal iyo dhul-dhule ka horeeya hilibka caadiga ee neefka la loogay ,waa haddii neef la qalaye. Amaba waa Soor ama xanshir bax hadba seey tabartu tahay.
marka martidu ka faroxalato waxii calaf ahaay ee lagu marti sooray ,baa dib loo galaa sheekooyin ,war iyo wacaal isweydaarsi lagu mataaneeyay maah-maahyo, murti ,taariikh iyo kaftan kooban oomidba midka kale ku raali gelinayo ,haddiba ay jiraan waxoogaay gaabis ah oo dhankiisa ka yimid.,sida marti qaadaha oo yidhaah"war waa la idin hafree ,hanaloo ceeb asturo meesha waxba kumahaaynee",iyomartida oo tidhaah"Mayee anagaaba reerkii alaalixinay oo ceydh ka dhignay? .

       Intaa kadib baa martida loo ishaaraa inay waxoogaay nastaan oo hurdo jagac kasiiyaan,iyadoo marti agaasimihiina uu kolba kasoo war doonayo si uga gacan siiyo waxii ay hadba ubaahdaan ee tallo iyo wax tar ah.Nasashadaasi iyo noolayntaasi kadib,baa haddana loo soo diraa guurti wax garad ah oo si xushmad iyo akhlaaqi ku dheehantahay uwarsada bal martidu waxa muraadkoodu yahay amaba ay maanka ku hayaan .iyadoo halkaasina martidu mahadnaq kadib, gudo galaan muujinta muraadkooda haddiiba  uu jiray ,qasad gaar ah ooy cidda usoo xero galeen ,si waxii karaan ah loogu kaalmeeyo.
       Haday martidu socoto un ahaydna ,waxaa loo sameeyaa sagootin(Fare-well) soo dhaweyntii ka heer sareeysa ama lamid ah,deetana qofbaa lagu daraa oo wadada kutoosiya ,waxooogaayna usii sheekeeya oo dhulka kala tus-tusa isagoo sidoo kale utilmaama reerka xiga ee ay haboontahay inay hiigsadaan.  
     Hanaankaas aan habacsanaanta la ahayn iyo in kaloo halkaan aanan kusoo koobi karinba waxay ka mid ahaayeen dhaqankii marti soorka ee reer miyigeenu ku soo dhaweeyni jireen ,kuna sagootin jireen masaafurka ku soo leexda ,waxaana intaasi dheer in qofku marba hadduu marti yahay aanan loo eegi jirin heebtiisa ,oo iyadoo xitaa colaadi jirta baan martida iyo baadidaba lagu saqajaami jirin.
   Guntii iyo gunaanadkii ,waxaan filayaa in qaar badanoo innaga mid ahi ay dib u gocdeen noloshii reer miyiga ee ay ku soo bar-baareen,halka kuwii aan nasiibka uhelina aan filayo inay jeclaysteen qaabka xadaarada huwan ee reerbaadiyaheenu nolosha u kala agaasimi jireen ,xili uu yaraay adeegyada aas-aasiga ah ee ay haaysteen.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.