Monday 25 September 2017

Xeeladaha Xigashada .

Waa Maxay Xigasho?Immisa nooc ayeyse ukala qeybsantaa?
Xigasho;waa soo ergaysashada iyo adeegsiga odhaah ama qoraal aadan adigu lahayn si aad aragtidaada ama qoraalkaada aad ugu xoojisid.Xigashadu waxa ay kaa bad-baadinaysaa inaad ku dhacdid ama lagugu eedeeyo Qish(plagiarism)oo ah in qofku si sharci daro ah usheegto qoraal ama hadal aanu isagu lahayn .haddaba,qormadani kooban waxa aynu wax kaga iftiimi doonaa qeybaha iyo qaababka wax xigashada ay ledahay.Waxa jira fekrado iyo fahanno kala duduwan oo ay aqoon yahannadu kaga hadleen mowduucan isaga ah,balse si guud marka la iskugu soo xooraamiyo aragtiyada la xidhiddha xeeladaha wax loo xigto waxa ay iskugusoo biyo shubanayaan in xigashadu ay ukala baxdo laba nooc oo kala ah;-

Wednesday 20 September 2017

6 Qodob oo kuu sahlaya in aad ku gacan-sareysid dood walba oo aad gashid.

Mid kamid ah xaaladaha nolosha ee ugu qiiro adag ayaa ah doodda.Ha ahaado qof aad jeceshahay,necebtahay,yasaysid ama aadan aqoonine,waxaa hubaal ah in doodu ay sare uqaadi karto wer-werka iyo cadaadiska dhiiggaada,xaraaro iyo xamaasadna kugu beeri karto.Waxa aad ubaahantahay degenaansho,debecsanaan, dulqaad iyo daliil adag si doodaadu u ahaato mid xikmad iyo xiiso xanbaarsan oo dadka soo jiidata.Waxaa kale oo xaqiiqa ah in Qof walba oo innaga mid ahi  uu aad unaawilo in uu noqdo doodaa aan la loodin karin oo aan marnaba laga libin helin.
Haddaba,waxa aan qormadan kooban haddii eebbe idmo ku qaadaa dhigi doonaa lix qodob oo uu kuu sahlaya inaad marwalba ku gacan sareysid doodaha aad galaysid.Lixdaasi qodob waxa ay kala yihiin;-
1.Ogoow xaqiiqadaada;-Inta aadan dooda galin is weydii oo aad ooga baaraan-deg  in waxani yihiin maalacyi aan meelna gaadhaynin lugo adagna ku taagnayn iyo in ay tahay dood dhab kudhisan,dhil-dhilan,dheelitiran oo dhamaystiran.Adeegso cadeymaha doodaada gun-dhigga unoqon kara oo idil.

Lawadaag Axsaabtaada kale.