Hor dhac:- Kawaran haddii aad aragtid wado
dheer oo laami ah ;dhexmarta magaalo caasimad ah;kuna xidha degmooyinka iyo
tuulooyinka hoos yimaada,wadadaas oo ay adeegsanayaan gaadiid aad utiro
iyo noocyo badan ,hasse ahaatee, aan lahayn wax astaan ah oo kala hagta
gaadiidkaasi wadada isticmaalya sida astaanta Joogsiga(Stop Sign),leexashada,Xadidka Xawaaraha(Speed Limit)Goobaha dadweynaha iyo duunyadu ka gooyaan(Pedestrian and Zebra Crossing), filashada Buundooyinka iyo buuraha iwm?Waxaa hubaal ah in markiiba ay maskaxdaada kusoo dhacayso suurto galnimo darida
in wadadani si nabdoon loo adeegso .sidoo kale waxaa maankaada qalow kusoo
dhahaya aqoon iyo garaad yarida injineerkii sameeyay ama dhisay wadadani.
Haddaba ,waxaa taasi la mid ah ;qofka diyaariya
Qoraal dheer oon haba yaraatee aan lagu arkeynin wax astaamo qoraal ah
(punctuation marks)oo hadalka kala dabra ama kala haga.Sidaasi daraadeed ,baa Qoraalku marba hadaanu
astaamayn lahayna uu noqonayaa mid aan la akhrin karin ,lana fahmi
karin,islamarkaana aan lahayn madax iyo minjo toona wuuna isku dhexyaacayaa oo lagu wareerayaa halkii wax lagafahmi lahaa.
Waa maxay Astaamaha qoraalka?
Astaamaha qoraalka waa Calaamado loo adeegsado kala
hagida iyo hormo-gelinta qoraalka,waxayna ka ilaaliyaan in macnuhu ceeyn
wareego ama qoraalku isku dhexyaaco. Astaan walbana waxay leedahay howl
ugaar ah iyo boos ay buuxiso.haddii ayaga laftirkooda si qaldan loo adeegsadana
waaba ka dar oo dibi dhal.Dhamaan afafka qoran oo dhami way ka simanyihiin
cilmiga astaameynta ,waloow ay kukala gedisanyihiin xagga tirada iyo
adeegsigaba.Afsoomaalkuna waxuu kamidyahay afafka qoran ee loo adeegsado
astaamaynta.
Astaamaha qoraalka ee la isla ogolyahay waxaa kamid ah;
1)Hakadka(,):Qofka marka uu hadlayaahi iskama daruuryamo ee wuuu
neeftirtaa,Neefsigaasina waxuu la micno yahay Hakadka oo ah astaan la
isticmaalo marka hadalku isku xidhanyahay macno ahaan balse kalago' soo galo.Sidoo kale waxaa loo adeegsadaa kala hormaynta
erayo ama magacyo isku taxan.Tusaale:Dhammaan ardayda,Bareyaasha iyo Waalidiinta
waxaa la ogaysiinayaa in.......
2.Joogsiga(.):Wax kasta oo dhaqaaq sameeyaahi ugu dambaynta way istaagaan si ay
umuujiyaan inay gaadheen bartilmaameedkoodii ,Istaagistaani waxay ka
dhigantahay astaanta Joogsiga oo kale ;waxaana loo adeegsadaa :Muujinta in
hadalkii idlaaday micno buuxana sameeyay.Joogsiga dabadiis waxaa bilaabma sadar
cusub ama tuduc hor leh,waxaana degsan in qoraalkaasi ama sadarkaasi cusub
xarafweyn lagu bilaabo.
3)Hakad-joogsiga(;)waxuu ka agdhowyahay hakadka balse waa ka xeel
dheeryahay,waxaana loo adeegsadaa sharaxaada iyo sababaynta,waxaa kaloo loo
isticmaalaa kala saarida laba weedhood oo kala madax banaan laakiin isku sidkan
hakadna horey loogu adeegsaday.
4)Astaanta war-dhowrka(:)waxaa lagu muujiyaa hadal soo socdo ama qeexida
walxaha.
Tusaale;Astaamaha Qoraalka waxaa Kamid
ah:Hakadka,Joogsiga IWM.Sidoo kale waxaa loo isticmaalaa kala saarida
waqtiga.Tusaale;Saacadu waa 04:25 .Waxaa kaloo iyana loo
adeegsadaa Muujinta Saamiyada :Tusaale;isku aadka Buugaagta iyo ardeyda
waa 1:5(Hal ku shan).
5)Astaanta Xigashada(");waxaa loo
adeegsada muujinta hadal qof kale leeyahay ama werinta.
Tusaale;Wasiirku waxuu Yidhi"Dalku wuu horumaray".Waxa ay kamid tahay farsamooyinka lagu
ilaaliyo xuquuqda qoraalka(Copy Rights).
6)Weydiinta(?)waxaa loo isticmaalaa wax weydiinta.Tusaale :Yaa qoray qoraalkan?
7)Layaabka(!);waxaa loo adeegsadaa layaabka,Argagaxa iyo ladhacsanaanta.
Alla!waa libaax.Agah!Buug khatar ah baad soo
gadatee.
8)Jiitin(-)waxaa lagu astaameeyaa erayada isku xidhan ama kuwa iskusoo
laablaabma sida ;War-murtiyeed,Bal-bal,wel-wel,sar-sar Iwm.
9)Jiitin Dheer(_)kala saarida qeybaha weedha iyo meel banaanaynta .
Tusaale: Taariikh____
Summad____
10)Gudub(/)waxaa loo adeegsadaa muujinta erayo isku macno ah sida
Baabuur/Gaadhi.
sidoo kale kala saarida taariikha ee sanadka
,bilaha iyo ayaamaha sida;28/09/2015.
11)Hamzada(')waxa iyana loo isticmaalaa kal goynta eray kala jarma sida
;Go'aan,La'aan.
12)Bilaha( )waxaa loo adeegsadaa sharrxida iyo muujinta wax isu dhigma.Tusaale;Aqal-gal(Aroos)waa.....
13)Saddex dhibcood(…)Waxa loo adeegsadaa muujinta in qeyb qoraalka kamid ah si ula kac ah looga tagay iyada oo la diidayo in qoraalku dheeraado aanu dhamaystirmi karin. Tusaale:-Tirooyinka marka la xusayo 1,2,3,4…100.
Astaamahaasi iyo kuwa kaloo badanba waxay micno uyeelaan oo naash-naashaan ama
bilaan qoraalka, la'aantoodna hadalku waxuu noqon un raashiin qalalan oo
iidaan(Suugo)la'aan ah waana lagu mergan/sirxan oo qofka kama daadegayo.
Sidaasi daraadeed waxaa inala gudboon inaan ku baraarugsanaano oo ayna marnaba
ilaawin ahmiyada ay leeyihiin Astaamahaasi iyo kuwa kale ee lagayaabo in ayna qormadani xusin.Waa hubbaal haddii aynu qoraaladeena si sax ah ugu adeegsano astaamaha Qoraalka in aynu noqonayno ummadd kuwanaagsan wax qorista afkeena waxuu ahaanayaa mid horumarsan oo la jaanqaada afafka kale ee adduunka ka jira.