Sunday, 10 April 2016

Oo Aadankaasi intana ma iiga soo horeeyay?

    Xiligu waa bartamihii Sagaashamaadkii(Mid90s),Waa amin Casir Liiq  ah,Waxaan Joognaa Meel Tuulo ah ,Labbo Maqaaxi oo iska ag dhaw baa ragu Gabranyahay(buuxkdhaafiyay),Waxaa loo hogbaday(la isu diyaariyay)Dhagaysiga Idaacada BBC da oo markaa ahayd Isha kali ah ee wararka Af-soomaaliga ku baxa Lagala socdo Miyi iyo Magaalabo(Xiligaas Dalkeena Mobile majirin,Idaacad Fm ah hasheegin,TV Afksoomaali ku baxana warkiisaba  Daay,Internetna Iskaba Iloow!.).

Saturday, 2 April 2016

Halkan ka baro oo ka xafid Magacyada Alle(swt) iyo anbiyadiisa.

Magacyada Alle(swt).


هـــو ۞

الله ۞

الرحمن ۞

الرحيم ۞

الملك ۞

القدوس ۞

السلام ۞ 

المؤمن ۞

المهيمن ۞

Sida la moodayo ma aha!

                     

Soomaaliya maanta ma joogto ama way ka sii baxaysaa xiligii uu xaalku ahaay”Qofkii xoog lahoow xabagta gooso”,ee ruux walba lagu qiimeeyn jiray hadba inta ay la eg tahay tirada iyo tabarta reer tolkiis.Majiro maanta qof,qoys ama qabiil soomaali ah oo soomaaliya gudaheeda siduu doono iyo waxuu doono inta ka sameeyo bidix ka laafyooni kara.Ma jiro hogaamiye kooxeed,Siyaasi  ama qabiil amaba xitaa maamul-goboleed si aan gabasho lahayn quwadiisa gaar ahaaneed usoo bandhigi kara oo wax ku goosan kara ,xitaa kuwa jabhada ahi waa gacan ku gabad iyo gadaal kacabsato kunool duurka iyo dugaaga dhexdiisa waqti walbana filanaya in col iyo ciidan loo soo dumo.

Lama joogo waagii ay soomaalidu kaligeed ahayd ee iyada un is cunaysay.Maanta waa lagu kala dhex jiraa oo caalamkii oo dhan baa joogo.Waxaa is bedelay waaqici iyo waqtigii, wax badan oo qarsoonaa baa banaanka yimid oo aduunyadu goob joog uwada tahay.Wax badan baa lagasoo gudbay.Indhihii caalamka oodhan baa soomaaliya kusoo jeeda.Qorsheyaal iyo tabo badan badan oo loo dejiyay lana doonayo in laga hirgaliyo baa jira.Si kale haddii loo dhigo  toos ayay aduunyadu arimaha soomaaliya gacanta oogu haaysaa.

Iska ilaali Isbaarooyinka Internetka.

Sawirka Abdulrazak Maalin Elmi.
“wiil yahoow waxaad adi lahayn –laguma weynaado.
Wax aad waaya maashaba nin leh baa- weel usoo cugan'e”.abwaan soomaaliyeed.
“ Naagtii xun naagtii xadaa -kaaga sii darane,
Bisaduhu iney tuugsadaan –kama gaboobaabe” .Dhoodaan.
Waa maxay Isbaaro?
Erayga isbaaro(waylay),waxuu isticmaalkiisu aad ugasoo shaac baxay gayiga soomaalidu degto hilaadii sagaashameeyadii ,kadib bur-burkii qarankii soomaaliyeed,waxuuna ahaay mid maqalkiisa laga argagaxo ,islamarkaana qalibiga ku soo tuura dhac ,kufsi,dil iyo boob loogeeystay tub haye tabar daran,halka kan wax dhacayna si sahlan ku helay hanti uusan dhib iyo dhididtoona usoo marin’

Tuesday, 8 March 2016

Maxay dadaaladeenu badankood uguul dareystaan?

Inta badan waxa aynu aragnaa dad soomaaliyeed oo isu abaabula in ay abuuraan ururo,shirkado ganacsi,xizbiyo,xarumo bulshadeed,hay'ado amaba dowlado iyo maamulo.Balse muddo kooban kadib waxaa la arkaa dadaalkoodii oo dab beelay ama kala daatay.Haa oo guusha iyo galladuba Rabbigeen baa bixiya,se waxaa jiro sababo ay ku imaadaan ama hooyo u ah.
Haddaba waxa aan halkan kusoo koobi doonaa qodobada aan isleeyahay waxa ay sabab uyihiin guul darooyinkaasi,Waxa aana isku dayi doonaa inaan mid walba raaciyo sharaxaad iyo talo bixin kooban.
Qodobadaas oo ah kuwan hoos ku xusan:-

Friday, 20 November 2015

Xamaasadi Xal ma ahan!.

Xamaasadu waa laab lakaca uu qof arin si gaar ah ula juboodo,ulana durbaan tunto.waxay muujinaysaa dareen gudaha kasoo burqanaya oo sheegaya sida qofkaasi ugu qanacsanyahay arinkaasi amaba dhacdadaasi.

inta badana xamaasadu masii raagto oo waa un sida farxada oo kale, oo adoo qoslayo baa laga yaabaa inaad  qadaad-qadaad udhacdid ood mar qudhaata ah oohin lasoo boodid ,halkaana ku soo gunaanadid farxadaadii iyo reynreyntii.
Innagu soomaalideena aad bay inoogu badantahay xamaasada,oo malihin kaadsiimo iyo ukuurgalid,judha aan wax maqalno amaba aragnaba mashxarad baan la dhacnaa,inagoon isweydiin waxani ma dhayal baa mise waa dhab.

Thursday, 19 November 2015

Kaarka ha iska gubin!

Sumcada ama karaamada iyo kalsoonida aad bulshada ku dhex leedahay waa kayd hantiyadeed oo raandhiis iyo raasimaalba leh.hadba heerka ay sumcadaadu gaahsiisantahay ayayna noloshaada iyo dhexgalka bulshadaada ku sargo'naataa.
Aduunweynaha waxaa kajiro aadna loo adeegsadaa wax loogu yeedho liiska madoow(Black list)oo lagu aruuriyo dadka ay sumcadoodu waxyeeloowdo.
Shirkadaha,hay'adaha  dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahaynba waxay qofka ay maal ama mansab siinayaan marka hore eegaan saafinimada sumcada shakhsigaasi.
Haddii qofku diiwaankiisu fiicanyahayna way dalbadaan oo durbaba daf la dhahaan,haddii kalena ka didaan dadkana uga digaan.
Annagu soomaali ahaan liistadaasi waan leenahay,mase ahan mid qoran oo waa un qeyb kamid ah hadal haynta bulshada waxa loogu yeedho.qof walbana waxa dadku badankood kasheegaan ayuun baa lagu qiimeeyaa
Waxyaabaha kaarka Sumcada gubaahi ma ahan Xatooyada iyo xumaanfalka oo kali ah ee waxaa kamid ah:

Sunday, 1 November 2015

Gadhka Xiidh ama Xaqiisa sii(Sheeko).

Hadda ka hor jeer aan joogay degmo kamid ah gayiga soomaalidu taal, baan sheeko reebtani kala kulmay.Waxaana jeclaystay inaan idinla wadaago.

Sidan ayayna sheekadu udhacday:-

Amin galab casar liiq ah oo cad-ceedu godka cidhifka lagashay ,dadkuna salaadii maqrib u hogbadeen, baa waxaa faras magaalaha tub haye ahaan usoo maray nin oday ah,ugaas ah oo waliba hargaanti ah.waxuu sii taxaashaba waxuu sheeda isha kalahelay meel maqaaxi ah,oo rag dhalinyaro ubadan gabranyihiin ,shaah casiriya ahna loo holanyahay ,waxaana isla buqcada isu bariiqa daadsanaa horin rag ah oo iska soo horjeeda laguna hareereeysanyahay.

Tuesday, 27 October 2015

Aragti Cidhiidhyoon!.

 





Dhaqammada Fooqal caqliga ah ee dadkeena Soomaaliyeed ku caanbaxeen waxaa ka mid;Qof soomaaliyeed oo ku biiray baarlamaanka Canada oo loo mashxarado,ama mid ciyaartooy ah oo calanka Ingiriiska ku ciyaara oo loo beyraqo.Marka sidaasi layeelayo waa la ogyahay oo kaa Canada xildhibaanka kanoqday waa ku daayay,rajada laga qabo in asaga ama ubadkiisa ay dib usoomaaliyoobaana waa ay yartahay,kan ingiriiska uciyaarayana waa lamid oo marnaba lama filayo inuu magaca soomaaliya kutartami doono.

Sunday, 25 October 2015

Waa Maxay Gabay?

Gabaygu waa tixo meerisyo ah oo maansada Soomaaliyeed qayb weyn ku leh.Isla gaadhka qoraalkan gaaban waxaan isku dayayaa inaan idiin sawiro siyaabaha gabaygu u dhismo.
Annigoo garabka saaraya laba hab oo kala ah:
 1) Habka Qaafiyadda iyo 2) Habka Miisaanka Maansada:
1) Habka Qaafiyadda: Habkan waa hab qof waliba oo gabyi kara niyadiisa ku dhex xafidan. Maanso kasta ood magacawdo (ha ahaato: geeraar, jiifto, guurow, gabay, iwm) habkan ayey ku aroortaa.Habkan waxaa fure u ah “Xaraf-Raaca,” kaas oo hal xaraf maanasada lagu dhiso, qaafiyadna looga dhigo
.Qaafiyada gabayga badanaa labo goor iyo in kabadanba waa lagu arki karaa. Tusaale kooban oon tixo kala soo baxnay abwaano kala duwan tiriyeen:

Lawadaag Axsaabtaada kale.