Soomaaliya maanta ma joogto ama way ka sii baxaysaa xiligii uu xaalku ahaay”Qofkii
xoog lahoow xabagta gooso”,ee ruux walba lagu qiimeeyn jiray hadba inta ay la
eg tahay tirada iyo tabarta reer tolkiis.Majiro maanta qof,qoys ama qabiil
soomaali ah oo soomaaliya gudaheeda siduu doono iyo waxuu doono inta ka sameeyo
bidix ka laafyooni kara.Ma jiro hogaamiye kooxeed,Siyaasi ama qabiil amaba xitaa maamul-goboleed si aan gabasho
lahayn quwadiisa gaar ahaaneed usoo bandhigi kara oo wax ku goosan kara ,xitaa
kuwa jabhada ahi waa gacan ku gabad iyo gadaal kacabsato kunool duurka iyo dugaaga dhexdiisa waqti walbana filanaya in col iyo ciidan loo soo dumo.
Lama joogo waagii ay soomaalidu kaligeed ahayd ee iyada un is cunaysay.Maanta waa lagu kala dhex jiraa oo caalamkii oo dhan baa joogo.Waxaa is bedelay waaqici iyo waqtigii, wax badan oo qarsoonaa baa banaanka yimid oo aduunyadu goob joog uwada tahay.Wax badan baa lagasoo gudbay.Indhihii caalamka oodhan baa soomaaliya kusoo jeeda.Qorsheyaal iyo tabo badan badan oo loo dejiyay lana doonayo in laga hirgaliyo baa jira.Si kale haddii loo dhigo toos ayay aduunyadu arimaha soomaaliya gacanta oogu haaysaa.

Tusaalaha ugu haboon ee qofkii arintaasi dood ka keena lasiini karaahi waa ku dhawaad kontanka kun ee ciidamada shisheeye ah ee
bardaadinaya badaha iyo beriga soomaaliya.ciidamadaasi uma imaani dalxiis iyo
dal barasho ee waxaa loo keenay in ay ka shaqeeyaan sidii amni iyo kala dambayn
soomaaliya loogusoo rogi lahaay.Waxaa loo keenay sidii meesha looga saari
lahaay dagaalada siyaasad,diimeed ama qabiileed ee soomaalida ka dhex
aloosan.wax ay u yimaadeen in la baa’biyo awooda hogaamiye kooxeedyada,burcad-badeeda iyo
argagaxisada.Waxa ay huwanyihiin oo ku howl-galaan magac nabad ilaalinimo.
Dabcan wax ay kala ilaalinayaan waa soomaalida dhexdeeda.Haa
oo soomaalida laftirkeeda ayaa lakala ilaalinayaa!waxa loo kala ilaalinayaa in
ayna siyaasad ahaan iyo qabiil ahaan toona isu laaynin,in ayna qolo ama koox gooni dadka intiisa kale af duub ku qabsanin.Ufiirso
madaxda dalka usareysa ee ciidamada shisheeye ammaankooda sugayaan waxa laga
waardiyeeynayo waa un soomaali kale.Waxay isku aamineen ciidamadaasi
shisheeye,waayo soomaalidu dhexdeeda isma aaminsana oo waa kala ir-dhoobeen.Is
aamin la’aantaa iyo kala shakiga iyo isku kal-soonaan la’aanta soomaalida
dhexdeeda ahi waa mida keentay in caalamku soo fara galiyo.
Tusaale kale haddii aan ku daro,aan ku su’aale waayadaan ma
maqashay mas’uul soomaaliyeed oo inta xilkii laga qaaday,diidan inuu wareejiyo
sidii horeba udhici jirtay?Mase is weydiisay diyaaraha aanay cidi wadin oo goor
iyo ayaanba goobta ay doonaan iyo qofka ay doonaan duqeynaya cidda ay ka amar
qaataan?.Dadka wax qarxiya iyo kuwa gaadmada wax ku dila waa qoladee?Aaway
hubkii iyo tiknadii beeluhu lahaayeen ee magaalooyinka dhex mushaxi
jiray?lagama hadlayo awood maamul goboleed leeyahay oo ku diiwaan gashan ama ku
howl gasha magic dowladeed.
Tusaalaha kale ee aan la iska indho tiri karin waa in maanta ay
soomaaliya ka jirto dowlad Federaal ah oo caalamku aqoonsanyahay oo lagasii gudbayo mar xaladii isbar-baryaaca iyo fowdada loona tallaaba qaadayo dowladnimo iyo kala dambayn.Dalka intiisa badan waxaa haatan ka dhisan maamulo magac dowladnimo ku howl-galaya .Dowlada hadda jirtaahi Tabarteeda ha
yaraato,laakiin waxa ay ku tashanaysaa oo ay ku tiirsansantahay waa taageerada
beesha caalamka.Waxa ay dowladaasi awoodaa iyadoo saaxiibadeed kaashanaysa in
ay fuliso howl-galo mug weyn leh.Waan ognahay oo waan aragnaa in maalin walba
dad la tuhunsanyahay lasoo xidh-xidho.dadkaasi
waxaa ka mid ah kuwo udhashay beelihii horaan awooda ku lahaay soomaaliya
gudaheeda,qaarkoodna iyaga ayaaba awood lahaay oo hogaamiyo kooxdeedyo aan laga
dabo hadli jirin ahaay.Ma jirto cid dadkaasi xoog kusoo furata xeelad mooyaane.
Haatan soomaalidu tabar ahaan way simantahay,se lakala tiro badan!tiro badnaantaasi waxa ay wax tari kartaa oo qudhaata ah haddii xagga nidaamka dowliga ah iyo tiro koob wax ku qaybsiga loo eego,oo kuraasta dowlada iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dalka lagu saleeyo tiro koob dadweyne.laakiin ma jirto beel inta beel kale ku duusho cardaadiqaha ka dhigto dhulka iyada u haraysa oo sacabada loo hoorsanayo.Taasi iyadoo xaalku sidan ka duwantahay bay dhici wayday oo inkastoo la is laayay haddana ,qoys ama qabiil la tir-tiray oo maanta aanay gabadh-gabadheed ka joogin jirin.Ma jirto beel iyadu kaligeed dowlad noqon karta ama sheegan karta oo soomaalida kale ka maarmi karta.

Marka ay sidaasi xaqiiqadu tahay oo tabarta soomaalida
maanta ay in taas dhantahay qofka ku taahaya awood uusan lahayn ee u goodinaya
soomaalida kale,waa ruux leh dano gaar ahaaneed ama aan waaqica dhabta ah iyo
halka maanta ay wax marayaan aan la soconin ee wali maankiisu ka guuxayo hubkii
iyo awoodiiay waayo waayo reer tolkii lahaan jireen.Dadka caynkaas ahi Waxaa la gudboon in ay
runta ka daadegto oo dowladnimo,dib u heshiisiin iyo dalka dib u dhiskiisa uu
ka fikiro halkii uu hadal xun un ka tagi lahaay.
Waxa kaliya ee ina wada anfaca waa wada hadal,wada heshiin iyo walaaltinimo iyo wax wada qabsi.taas ayaa danta guud ku jirtaa.Taas ayaa qof walba xaqiisa ku helayaa.taas ayaa sharaf iyo karaamo lagu heli karaa.waxii intaa ka soo hadhay waa un qof walboow fartaad taqaanid qor iyo fowdadii hore loogu soo daalay.
No comments:
Post a Comment