Tuesday 8 March 2016

Maxay dadaaladeenu badankood uguul dareystaan?

Inta badan waxa aynu aragnaa dad soomaaliyeed oo isu abaabula in ay abuuraan ururo,shirkado ganacsi,xizbiyo,xarumo bulshadeed,hay'ado amaba dowlado iyo maamulo.Balse muddo kooban kadib waxaa la arkaa dadaalkoodii oo dab beelay ama kala daatay.Haa oo guusha iyo galladuba Rabbigeen baa bixiya,se waxaa jiro sababo ay ku imaadaan ama hooyo u ah.
Haddaba waxa aan halkan kusoo koobi doonaa qodobada aan isleeyahay waxa ay sabab uyihiin guul darooyinkaasi,Waxa aana isku dayi doonaa inaan mid walba raaciyo sharaxaad iyo talo bixin kooban.
Qodobadaas oo ah kuwan hoos ku xusan:-
1.Iyadoo ayna jirin hadaf iyo himmilo qoran(mission and vision statements)oo laga duulo,howshuna ayku bilaabato un xamaasad ama xin.mararka qaarna halagaa sheego iyo is muujin kali ah.Si guul loo gaaro Urur ama hay'ad wal oo la aas-aasayo waa in loo sameeyaa hadaf ama ujeedo oo ah waxa looga gol-leeyahay iyo himmilo oo ah halka ugu dambaynta la doonayo in la gaadho.

2.Maqnaanshaha qorshe wax qabad(Action plan),oo gundhig unoqda howlaha shaqo ee la qabanayo iyo kuwa loo madlanyahayba.Qorshuhu waa dabin loo dhigto qabashada mustaqbalka,waxuu ina tusiyaa halka aynu joogno iyo meesha  aynu hiigsanayno waana buundadii aanu kaga talaabi lahayn taaganta uguna gudbi lahayn timaadada.Dejinta qorsha sax ahi oo waaqica la jaan qaadi kara waxay fududeysaa habsami u socodka howlaha.

Guud ahaan Qurshuhu marka waqtiga lagu saleeyo  waxaa loo  uqeybiyaa saddex nooc oo kala ah:
B.Qorshaha ridada dhaw(Short term plan)oo ah ilaa iyo hal sano
T.Qorshaha ridada dhexe(Medium term plan)oo ah ilaa iyo shan sano 
j.Qorshaha ridada dheer(Long term Plan) oo ah ilaa iyo 15 sano iyo waxii ka badan.
Jaantuskan hoose waxaan ku muujinayaa shaxda qorshe diyaarinta.

 tirsiga taxana ah 
S/no:

Howlaha
Activities

Cidda qabanaysa
Responsible person

Ujeedada
objectives

Gashiyada
inputs  

Ilaha dakhliga
Financial resource  
             Jaan-gooyada waqtiga
                       Time frame
Faallo
Remark
Rubuca
1 aad
1st  Quarter
Rubuca 2aad
 2nd Quarter
Rubuca 3aad
3rd Quarter
Rubuca 4aad
4th Quarter
1
-
-
-
-
-
-
-
-
-
-
2
-
-
-
-
-
-
-
-
-
-

3.Jiritaan la'aanta qiimayn iyo daba gal joogta(lack of  Continuous assessment and evaluation) oo lagu sameeyo howlaha iyo howladeenaba.waxayna taasi keentaa inay adkaato sixitaanka gal-daloolada iyo gaabisyada jira.Dabcan,Shaqo kasta oo la qabto sax iyo qaladba way yeelani kartaa ,sidaasi daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in mar walba la sameeyo dabo gal iyo qiimayn joogto oo lagu ogaanayo waxii qabsoomay iyo waxii qaldamay.Sidoo kale waa in lataxaa sabaha keenay in ay howlihii qorsheysnaa qaarkood qabsoomi waayaan,iyadoo lasoo jeedinayo talooyin iyo tusaalooyin gacan ka geysan kara taabo-galinta howlahaasi.

4.Guul soo dhawaysashada oo ah in marka howl la guda galaba la jeclaysto  in judhiiba la gaadho halka ugu sareeysa iyo miro gurasho fiican.taasoo haddii ay dhici waydana keenta niyad jab iyo isdhiibid.Si taasi meesha looga saaro waa in maanka lagu hayaa loona diyaar garoobaa geedi dheer oo guul iyo guul daraba lagala kulmi karo.

5.Xeer iyo nidaam hoosaad gaar ah oo lagu gartamo,qofkastana marinkiisa waxuu yahay lagu marsiiyo oo aan la dejisanin.Urur ama hay;ad wal oo howlo fulinaysa waa muhiim ah inay yeelato Sharci iyo Shuruudo.Xeerarkaasina waa in ay  noqdaan kuwo:-
 -Qeeaxaya nidaamka iyo anshaxa shaqo ee laga doonayo xubnaha ururkaasi ama hay'adaas.
-Si cad umuujiyaan qeexnaanta iyo qeybsanaanta shaqo(job description and specification)ee qeybaha iyo qaab-dhismeedka kala duwan ee hay'adaasi ama ururkaasi.
-lagu xaliyo khilaafaadka soo kala dhex gali karo howl-wadeenada iyo bah-wadaagta ama 
-Loogaga go'aan qaato ciddii la timaado wax ka baxsan anshaxa iyo nidaamka degsan.

6.Danaysiga gaarka ah oo keena inay iska hor imaadaan rabitaanka shakhsiyadeed ee dadka halkaasi ku bahoobay.Danaysiga gaarka iyo qof jeclaysiga amaba colaysiga waa sababaha ugu badan ee bulshada soomaaliyeed ragaadiyay,waana in aad looga taxadaraa oo laga sii xijaabtaa.

7.Waayo-aragnimada iyo tallo bixinta dadka takhasuska uleh arimaha la doonayo in la fuliyo oo aan muhimad la siinin islamarkaana qof walbaahi yahay sheekhul-kuli iyo isla weyne aan waxba loo sheegi karin.
Markasta oo howl lagalayo waxaa muhiim ah in la sameeyo cilmi baadhis,latashiyo iyo ukuur-galid.Dadka howsha qabanayana waa in lagusoo xushaa aqoonta iyo waayo-aragnimada ay uleeyihiin waxa ay qabanayaan.

9.Caqabadaha imaan kara oon la sii saadaalinin loona dejinin xal hor udhac ah oo haddiiba ay dhibaatadaasi timaado lagu maareeyn karo.
Waa muhiim in la is weydiiyo caqabadaha hor istaagi kara geedi-socodka howlaha shaqo ee la doonayo in la hirgaliyo.caqabadahaasi waxay noqon karaan kuwo dhaqan-dhaqaale,bulsho ama amni.

10.Diiwaan galin la'aanta dhamaan dhacdooyinka iyo dhaq-dhaqaaqyada la samaynayo,kuwaasoo haddii la kaydiyo hadhoow noqon kari lahaay marjac loo laabto oo wax lagalasoo dhex baxo.waxaana laga yaabaa inaad aragtid tiro badan oo dadkeena ah oo shir iyo showr iskugu timid,laakiin aanu jirin amaba yar yahay qof qalin iyo xaanshi sita oo meel ku xariiqanaya fikradaha iyo falanqaynta la is weydaarsanayo.arinkuna ku dambeeyo hebel maxuu yidhi iyo heblaayo maxay ka hadashay?.Diiwaan gelinta dhacdooyinka iyo kaydintooda waa howl lama huraan u ah jiritaanka urur ama hay'ad kasta oo dhisan.

11.Dadka dan-wadaagta(stakeholders)ka ku ah howshaasi oon si hufan loogaadhsiinin macluumaadka iyo warbixinada waxqabad iyo maaliyadeed(Physical and financial performance Reports)ee ururkaasi ama hay'adaasi.
Wadaagida warbixinada caynkan ahi waxay meesha ka saarayaan musuq-maasuqa iyo wax is daba marinta,waxayna suurto galinayaan cad-cadaan iyo isla xisaabtan(Transparency and accountability).

Qodobadaasi iyo inkaloo badan waxay horseedaan bur-burka dadaalada iyo isku dayada wax wada qabsasho ee qaar kamid ah bulshada soomaaliyeed marar badan hindisaan.Haddii arimahaasi tixgalin lasiiyana waxaa aad usuuro gal ah in la gaadho guulo lagu taami karo iyo waxqabad loo aayo.

W/Q:Cabdirisaaq Macalim Cilmi

E-mail:-Abdurazakelmi@gmail.com

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.