Saturday 2 April 2016

Iska ilaali Isbaarooyinka Internetka.

Sawirka Abdulrazak Maalin Elmi.
“wiil yahoow waxaad adi lahayn –laguma weynaado.
Wax aad waaya maashaba nin leh baa- weel usoo cugan'e”.abwaan soomaaliyeed.
“ Naagtii xun naagtii xadaa -kaaga sii darane,
Bisaduhu iney tuugsadaan –kama gaboobaabe” .Dhoodaan.
Waa maxay Isbaaro?
Erayga isbaaro(waylay),waxuu isticmaalkiisu aad ugasoo shaac baxay gayiga soomaalidu degto hilaadii sagaashameeyadii ,kadib bur-burkii qarankii soomaaliyeed,waxuuna ahaay mid maqalkiisa laga argagaxo ,islamarkaana qalibiga ku soo tuura dhac ,kufsi,dil iyo boob loogeeystay tub haye tabar daran,halka kan wax dhacayna si sahlan ku helay hanti uusan dhib iyo dhididtoona usoo marin’

Hayeeshee,xiliyadii danbe dhaqanka noocaas ah waxuu ahaay mid sii gaasiraya,laakiin waxuu isu badelay qaabab kale ,dad badan oo sitoos ah uhowlanaana ayaa soo gashaday shaatiyado kala duduwan sida:-ganacsato,dhakhaatiir ,bareyaal ,saraakiil dowladeed ,culimo,suxufiyiin ,Fanaaniin iyo maansoyahano.
Internetku waxuu kamid yahay meelaha waayadii danbe loo soo raray isbaaroorinkii sida aadka ahna loo soo dhiganayay amaba ugusoo badanayay.
Shakhsiyaad badan oo aan lahayn amaba ay ku yartahay aqoonta,akhlaaqda iyo sariigta ayaa ubanbaxay in ay kadhex qaraabtaan gudaha shabakadaha internetka iyo goobaha barkulanka ah ee bulshadu kuwada xidhiidho.
Dadkani(Bah-bililiqo) wax ay si dhibyari ku dheehan tahay u qaataan Qoraalo(Warar,Suugaan,Maqaalo,sawiro IWM) oo ay leeyihiin dad kale ,iyagoo aan ogolaansho ka haaysanin.
Ujeedada ugu weyn ee ay dhacaasi ugeeysanayaan ayaa ah iney Magac iyo Taageero ku helaan, amaba kusoo caan baxaan.Waxay isugu jiraan Howl-wadeeno iyo milkiilayaal Shabakado/mareego/warside, dad wax qora ,qolo walbana siyaabo iyo xeelado ugaar ah ayay u ugaarsadaan .
Qaababka ay qoraalada loo xado Waxaa kamid ah:-
1.in la dhex jibaaxo internetka ,oohore raafka loogusoo cantoobsada macluumaad ,dabeetana la is laheeysiiyo Hanti maskaxeedkii(Intellectual Property) sidaasna loogu baahiya Qalabyada warbaahinta ee kala jaadka ah taasoo keenta in lakala garanwaayo Ruuxii dhabta ulahaay iyo kii soo dhacay.
2.Inta akhristayaasha/dhageystayaasha lagu wargeliya iney soo diraan/gudbiyaan ,Wararka,Maqaalada ,Faalooyinka iyo la halmaala si loobaahiyo ,haddana marka la helo qoraal qiimo leh,laboobo laguna saxiixo magac aan ahayn kii lahaay, wax xuquuq iyo xigasho toona ahna aan lasiinin.
Labadaasi hab dadka adeegsadaahi waa isbaaroleey rasmi ah ,mana jirto wax ay xeerinayaan,wax ayna aaminsanyihiin inay shaqeeysteen!
.
Waxaase kaloo jira dad si aan ula kac ahayn amaba fududeeysi ku jiro ugu takri fala,oo haddii lagu qabsado raali galin iyo cudur-daar ka bixiya .
Inkastoo dad badan oo iiga aqoon iyo aragti dheer ay inbadan wax ka qoreen kana hadleen haddana,waxaad moodaa iney sii siyaadayaan marba marka kadambeeysa,laftirkeeygu waxaan kamid ahay dadka ku waxyeeloobay isbaarooyinkaas ee laga arad baxay!.
Dhanka kale haddii aad booqatid mareegaha, soomaalidu maamusho amaba goobaha barkulanka bulshada ah sida Facebook,Twitter Iwm,waxaad ku arkaysaa qoraalo isku mid ah oo xitaa qaabka Qoraalka iyo xarfaha amaba erayada aan ku kala gedisneeyn oo haddana kula baahsan goobo kala duduwan iyadoo aysan jirin wax muujinaya masdarkii amaba ishii uu markii hore kasoo fulay,waxaadna isweydiini “waa maxay qoraalkan baadida ah ee waliba summad la’aanta ah ,kaagasii darane bay lahda ah?”.
Marka aan eegno shareecadeena islaamka ee shaamilka ah waa shey xaaraam ah,oon sinaba loo ogolayn,waxayna meel adag iska taagtay xatooyada,amaano gudasho la’aanta iyo xitaa in laqaato shay aan qofkii lahaa idan amaba ogolaansho looga haaysan(أخد شئ بدون إدن صاحبه).
Marka laga hadlayo qoraalada iyo xuquuqdooda Ogolaanshaha waxaa kamid ah;in qofku yidhaah qoraalkani waa la xigan karaa ,waase haddii iyo haddii oo kali laxuso mulkiilaha,markaa qofkii qaata ee fuliya shuruudii ku xidhnayd wax danbi ah masaarna.
Sidoo kale shuruucda aadanaha waxaa kamid ah dhowrista xuquuqda dhigaalka(copy right),waxayna ka mid tahay dambiyada ciqaabaha adag lagu muteesto amaba la isku ceebeeyo.
Haddaba ,waxaa haboon dadka wax qora iney ka digtoonaadaan amaba feejignaadaan iney ku dhacaan isbaarooyinka yaala internetka dhexdiisa.
Kuwa caadeeystay falalka noocaas ahna wax aan ugu baaqi lahaay iney allahood ka baqaan oo ogodaan iney isbaaro ku shaqeysanayaan,sidoo kale xusuusnaadaan in mar ay noqotaba ay fashilmayaan oo bulshadu ogaaneeyso waxa ay ku caana maalayaan ,arinkaasoo oo fadeexad iyo cowro ku noqondoona saameyn weyna ku yeelanaya mustaqbalkooda ,waxaa jira dad qoraayaal iska dhigi jiray oo gadaal laga ogaaday inay ku shaqeysan jireen waxa loo yaqaan plagiarism(xatooyo Qoraal) kadibna laga mamnuucay inay wax qoraan.
Hababka ugu haboon ee loo ilaashado hal-abuurkaada/curisyadaada waxaan kaga hadli doona qeybta dambe haddii allaha awooda lihi ogolaado.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.