Sunday 10 April 2016

Oo Aadankaasi intana ma iiga soo horeeyay?

    Xiligu waa bartamihii Sagaashamaadkii(Mid90s),Waa amin Casir Liiq  ah,Waxaan Joognaa Meel Tuulo ah ,Labbo Maqaaxi oo iska ag dhaw baa ragu Gabranyahay(buuxkdhaafiyay),Waxaa loo hogbaday(la isu diyaariyay)Dhagaysiga Idaacada BBC da oo markaa ahayd Isha kali ah ee wararka Af-soomaaliga ku baxa Lagala socdo Miyi iyo Magaalabo(Xiligaas Dalkeena Mobile majirin,Idaacad Fm ah hasheegin,TV Afksoomaali ku baxana warkiisaba  Daay,Internetna Iskaba Iloow!.).

Nin oday ah baa soo joogsaday Midka mid ah labadii muqaaxiyadoodo ee tuulada ka shidnaay,dadku waa wada shib Qardam ,dhegtaa lawada raaracinayaa,Markaa Waxaa Hadlaya Wariye BBCda ka tirsan,Waxuu yidhi"Haatana kusoo dhawaada Warka Madaxdiisii oo uu Inoo Akhriyo Aadan Nuux Dhuule".
Odaygu Nin BBC iyo raadiye Toona Yaqaan ma ahan,Ninkan Sheekaynaya (Aadan Nuux Dhuule) ee Sidan loo dhagaysanayo ,waxuu u haaystaa Qof meesha Fadhiyo laakiin aan isaga u muuqan!.
Cabaar haduu Taagnaa oo Waxbadan kafahmi waayay warka Ninkan Aanan la arkin sheegayo Ayuu Jamaday(jeclaystay) Bal inuu Muqaaxida Kalena ka wardoono Waxa lagu hayo Ama ragu ka sheekaysanayo.
Waxuu sii luudaba waakan yimid,Anigu waxaan ku jiraa Raga muqaaxidaan Kale kusugan ee la dhacsan warka BBC du dal-daleeyso!.
Odaygii markuu wax yar na dul taagnaa,baa Wariyahii Warka akhrinayay Aamusay,Kadibna Kii Kalaa yidhi"Mahadsanid Kaasina waxuu ahaay Aadan Nuux Dhuule oo inoo akhrinayay warka Madaxdiisa".
Odaygii oo fajacsan(yaaban) baa yidhi"Oo kaalay Aadan Nuux Dhuulahaas Xagaas baan ooga soo Tagee ,Goormuu intana yimid/Halkaana Ma iigasoo Hormaray".

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.