Sunday, 1 November 2015
Tuesday, 27 October 2015
Aragti Cidhiidhyoon!.
Dhaqammada Fooqal caqliga ah ee dadkeena Soomaaliyeed ku caanbaxeen waxaa ka mid;Qof soomaaliyeed oo ku biiray baarlamaanka Canada oo loo mashxarado,ama mid ciyaartooy ah oo calanka Ingiriiska ku ciyaara oo loo beyraqo.Marka sidaasi layeelayo waa la ogyahay oo kaa Canada xildhibaanka kanoqday waa ku daayay,rajada laga qabo in asaga ama ubadkiisa ay dib usoomaaliyoobaana waa ay yartahay,kan ingiriiska uciyaarayana waa lamid oo marnaba lama filayo inuu magaca soomaaliya kutartami doono.
Sunday, 25 October 2015
Waa Maxay Gabay?
Gabaygu waa tixo meerisyo ah oo maansada Soomaaliyeed qayb weyn ku leh.Isla gaadhka qoraalkan gaaban waxaan isku dayayaa inaan idiin sawiro siyaabaha gabaygu u dhismo.
Annigoo garabka saaraya laba hab oo kala ah:
1) Habka Qaafiyadda iyo 2) Habka Miisaanka Maansada:
1) Habka Qaafiyadda: Habkan waa hab qof waliba oo gabyi kara niyadiisa ku dhex xafidan. Maanso kasta ood magacawdo (ha ahaato: geeraar, jiifto, guurow, gabay, iwm) habkan ayey ku aroortaa.Habkan waxaa fure u ah “Xaraf-Raaca,” kaas oo hal xaraf maanasada lagu dhiso, qaafiyadna looga dhigo
.Qaafiyada gabayga badanaa labo goor iyo in kabadanba waa lagu arki karaa. Tusaale kooban oon tixo kala soo baxnay abwaano kala duwan tiriyeen:Annigoo garabka saaraya laba hab oo kala ah:
1) Habka Qaafiyadda iyo 2) Habka Miisaanka Maansada:
1) Habka Qaafiyadda: Habkan waa hab qof waliba oo gabyi kara niyadiisa ku dhex xafidan. Maanso kasta ood magacawdo (ha ahaato: geeraar, jiifto, guurow, gabay, iwm) habkan ayey ku aroortaa.Habkan waxaa fure u ah “Xaraf-Raaca,” kaas oo hal xaraf maanasada lagu dhiso, qaafiyadna looga dhigoSaturday, 24 October 2015
Mire, Hurre iyo Gabadh Godban!.
Waxaan jeclaysanay inaan Akhristayaasha sharafta leh ee kutaxan boggani,lawadaagno mid ka mid ah sheekooyinka murtida iyo suugaanta miidhan ah ee uu qoray Qoraaga weyn ee Cawaale Xuseen.Sheekadan oo markii hore kusoo baxday bogga suugaanta iyo taariikhda soomaalida ku xeel dheeraaday ee doollo.com.Haddaba,waatan sheekadii eeHalkan kaga bogo :
Wednesday, 21 October 2015
Soomaalidu shisheeyaha gurmad ka doonan ogaa; oo haddana ka guban ogaa!
Ugu yaraan
maalinkii mar ama labba ayaad maqli beel,siyaasiyiin ama hay’ado Soomaaliyeed oo leh”Beesha
Caalamka waxaan ugu baaqaynaa”,taasoo ka dhigan inay ka dalbanayaan faro galin ku
qotanta Gar-gaar :Aadami ,siyaasadeed amaba amni.Haddana islamaalinkaasi si la
mid ah amaba kabadan ayay dhegahaada ugu soo dhacayaan dhawaaqyo ka imaanaya;Isla
iyagii ama kuwo lamid ah oo ka cabanaya
beesha caalamka.Sunday, 11 October 2015
Taariikhda Dr Axmed Maxamuud Ibraahim oo kooban.
Dr Axmed Maxamuud Ibraahim ,waxuu ku dhashay Degmada Feer - feer ee gudaha deegaanka Soomaalida Ethiopia, Hillaadii 60dameedyadi.i waxuuna kusoo barbaaray Agagaarkeeda , waxaa Qur'aanka soo baray Macalim cabdulaahi xaaji saalax.Kadib markii uu Qur'aanka dhameeyay ayuu uwareegay dhanka degmada Qallaafe ee isla dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.isagoo in muddo ah lanoolaa Adeerkiis Cabdulaahi Ibraahim(Uraag) oo kamid ahaay Ganacsatada magaalada Qallaafe.kadibna waxuu usafray xa[1]ggaa iyo Soomaaliya gaar ahaana Magaallada Muqdisho oo uu waxbarashadiisii ilaa heerka Jaamacadeed kuqaatay. waxuuna ka baxay Jaamacadii ummada Soomaaliyeed qeybteeda culuumta beeraha oo uu markii dambena bare ka noqday.
Tacsi Tiiraanyo leh!
Ma dhinte waa Ilaahay.
Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa dhammaanba qoyskii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday ,Rabbi naxariistii janno ha ku arzaaqee Sheekh Axmed Dhaqane Cali Mataan ,oo maanta ku geeriyooday tuulada Abaaleey.
Friday, 9 October 2015
Dantiis mooge maro duug ah horteed buu dhamaadaa!
Waa maah-maah soomaaliyeed oo gundhigeedu yahay in qofka aan wanaagiisa waxa uu kujiro aqoonin uusan sii ajal dheerayn.
dhab oo aduunka intaad dul joogtid ,waxaa kusoo marayo marxalado iyo mowjado nololeed oo maankaada wareeriya,maskaxduna kuu muujiso inay muhiim tahay ka falcelintooda.Laakiin,marka aad miyir qab,ukuur gal iyo aragti dheeri ku fiirisid ,waxaa lagayaabaa inay kuusoo baxdo inay haboontahay inaad ka aamustid ama ka gaabsatid.
dhab oo aduunka intaad dul joogtid ,waxaa kusoo marayo marxalado iyo mowjado nololeed oo maankaada wareeriya,maskaxduna kuu muujiso inay muhiim tahay ka falcelintooda.Laakiin,marka aad miyir qab,ukuur gal iyo aragti dheeri ku fiirisid ,waxaa lagayaabaa inay kuusoo baxdo inay haboontahay inaad ka aamustid ama ka gaabsatid.
Thursday, 8 October 2015
Xorriyadu Xad ma leedahay?
Tuesday, 6 October 2015
Micnaha Erayada Guryo-noqosho iyo Diirsasho.
In badan waxaan aragnaa dadka qaarkii lagana yaababa in ay yihiin kuwa kashaqeeya War-baahinta iyo Hay'adaha dowliga ah oo aadeegsanaya Erayga Guryo-noqosho,Iyagoo doonaya inay cabbiraan macno ah"Soo laabasho".
Subscribe to:
Posts (Atom)


