Tuesday, 6 October 2015
Saturday, 3 October 2015
Macalim Magaal iyo Arday miyi.(Sheeko Murtiyeed).
Waxaa hadda ka hor jirtay in bare/macalim magaallo joog ah,waxoogaay saboolnimo dhanka xirfadiisa ahna haysatay ,uu maadada Xisaabta udhigi jiray arday kala jaad-jaad ah.
Laxdaanba moogahay!(sheeko gibin ah)
Laxdaanba moogahay!(sheeko gibin ah)
Waxaa la sheegay in ;eegga ka hor koox rag ah oo baadigoob ugu jiray neef ido' ah oo ka ambaday ,ay kasoo dul dhaceen nin meel cidlo ah joogo.Qoristii Far-soomaaliga mise Af-soomaaliga?
Qoristii Farsoomaaliga mise Afsoomaaliga?
Waxaad moodaa in dad badan oo naga mid ahi ay isku khaldayaan labaddan eray , waxaadna in badan maqlaysaa Qoristii Afsoomaaliga!Ha qaboobee Qaboweyn ku rida! (Sheeko gibin ah)
Ha qaboobee Qaboweyn ku rida! (Sheeko gibin ah)
Waqti ka mid ah Waagii ay soomaalidu miyi jooga ahayd baa #3rag ahi hammi guur ka kala galay #3gabdhood oo geel horweyn ah la joogay.Markii lakala calaamadaystay ee ninwalba cadaystay mida uu calmaday in muddo ahna la haasaawayay lana heshiiyay bay habeenkii dambe raggii go'aan ku gaadheen bal inay hablahani garaadkooda iyo waxgalnimadooda kala gartaan una kuurgalaan.
Thursday, 1 October 2015
Kolbo waa la heshiiniye wax ha la isula haro!.
Xili haatan mudo dheer laga joogo ayaa waxay xurgufi dhex martay labo beelood oo wada deganaay deegaan ka mid ah dhulka ay Soomaalidu degto.Maalin maal maha kamid ah ayaa dagaal qadhaadhi waxa uu dhex maray labbadii beelood,waxaana dhacday in mid kamid meeshii looga awood roonaaday(la jebshay).
Antatar iyo Aabihiiba meesha ayay ooleen!
Waxaa igu maqaalo ah in;hadda ka hor uu dagaal ba'an dhex maray labo beelood oo soomaaliyeed.Dagaalkaasoo uu dhiig badan ku daatay ayaa ugu dambayntii midkood loogu awood sheegtay ,raggii u dagaalamayayna baqo dhabarka jeediyeen.
Soodaanta ma innagaa keenay(Sheeko Gaaban)
Waxaa la sheegay in ;beri samaadkii markii uu shaqaynayay golihii
murtida iyo madadaalda ee soomaaliya ay jiri jireen wax loogu yeedhay'Bandhig
faneedyo"oo kolba gobol lagu qaban jiray,ayna kasoo qeyb gali jireen
Hal-abuuro iyo heesaayaal dal iyo dibadba kala kalayimid.
Magaalada
hargaysa waxay ka mid ahayd meelaha sida aadka ahi loogu qaban jiray
bandhigyada ceeynkaasi ah.waxaanu xeerku ahaa in ;fanaaniinta marka ay masraxa
soo istaagaan ee bulshada mashxarad lawadaagaan in dumarku tarabuunka soo
koraan oo waxii sil-silado dahab ah ee ay qabaan ay qoorta usudhaan
heesaayada,kadibna markay xafladu dhamato fanaaniintu waxii hadiyad ahaa ee
lasiiyay ay dib usoo celiyaan oo haweenkii lahaay loo kala qeybiyo.
Haddaba,ayadoo uu
dhaqanku sidaas yahay baa waxaa dhacday in fanaaaniin reed soodaan ah ay
Hargaysa yimaadeen,kadibna bandhig-faneed ka dhigeen.
sidii caadadu ahayd bay haweenkii wax
alla waxii dahab iyo lacag ah ee ay haaban kareen fanaaniintii
huwiyeen,Hayeeshee soodaantu lama socon dhaqanka caynkaas ah oo waxay arki
jiraan hadiyad aan la iskala noqonin,sidaasi daraadeed bay la tageen waxii
hadiyad ahaa ee lasiiyay oo dhan.
Markuu dadkii soo
miyirsaday ee taabacadii iyo bur-burkii damaashadka ka baxay,bay haweenkii
isasoo tubeen afaafka hore ee xafiiskii howsha qaban qaabiyay iygoo weydiistay
in dahabkoodii dib loogusoo celiyo.
Hayeeshee,waxay lakulmeen
howl ka bedelan sidii hore,waxaana loo sheegay in fanaaniintii reer soodaan
dalkoodii ku laabteen ,waxii hadiyad ah ee lasiiyayna hore usii qaateen,balse
haweenkii taasi waa ka daadagi weysay,waxayna dalbadeen in waxoodii loosoo celiyo.
Markii ay qir iyo qir
taagantahay baa nin oday ah oo gudigii qaban qaabada ka mid ah haweeenkii la
hadlay waxuuna ku yidhi"Dee Soodaanta ma innagaa keenay",odhaahdaas
oo sheeko reeb noqotay.
Tuesday, 29 September 2015
Jig-jiga iyo Waxii aan usoo joogay
Jig-jiga iyo Waxii aan usoo joogay.
“Runaan la sheegin maahinee,
Rati Dameer ka raad qurxoon.”
Deegaanka soomaalida Itoobiya waxuu si lamid ah 8da dowlad deegaameed ee kale hantiyay ismaamul buuxa oo ugaar ah,kadib markii ay meesha ka baxday xukumdii Dergiga ,hayeeshee fursadaasi waxay in badan ahayd un af ka sheeg,mana jirin wax horumar iyo dowladnimo taam ah oo kataabo galay guud ahaan deegaanka,taasoo keentay inuu dib uga dhaco deegaanadii ay mar wada askunmeen.Dadka deegaankuna waxay soo mareen dabin-daabyo iyo duruufo ad-adag oon qoraal lagusoo koobi Karin.Duruufahaasi nololeed waxaa aad udareemi kara qofkii deegaanka xiliyadaasi joogay,waxuuna sidoo kale dareemi karaa faraqa udhaxeeya sabannadaasi tagay iyo waqtigan saaka lajoogo.
Subscribe to:
Posts (Atom)


