Tuesday, 6 October 2015

Micnaha Erayada Guryo-noqosho iyo Diirsasho.

In badan waxaan aragnaa dadka qaarkii lagana yaababa in ay yihiin kuwa kashaqeeya War-baahinta iyo Hay'adaha dowliga ah oo aadeegsanaya Erayga Guryo-noqosho,Iyagoo doonaya inay cabbiraan macno ah"Soo laabasho".

Saturday, 3 October 2015

Macalim Magaal iyo Arday miyi.(Sheeko Murtiyeed).

Waxaa hadda ka hor jirtay in bare/macalim magaallo joog ah,waxoogaay saboolnimo dhanka xirfadiisa ahna haysatay ,uu maadada Xisaabta udhigi jiray arday kala jaad-jaad ah.

Laxdaanba moogahay!(sheeko gibin ah)


Laxdaanba moogahay!(sheeko gibin ah)

Waxaa la sheegay in ;eegga ka hor koox rag ah oo baadigoob ugu jiray neef ido' ah oo ka ambaday ,ay kasoo dul dhaceen nin meel cidlo ah joogo.

Qoristii Far-soomaaliga mise Af-soomaaliga?


Qoristii Farsoomaaliga mise Afsoomaaliga?

Waxaad moodaa in dad badan oo naga mid ahi ay isku khaldayaan labaddan eray , waxaadna in badan maqlaysaa Qoristii Afsoomaaliga!

Ha qaboobee Qaboweyn ku rida! (Sheeko gibin ah)

Ha qaboobee Qaboweyn ku rida! (Sheeko gibin ah)

Waqti ka mid ah Waagii ay soomaalidu miyi jooga ahayd baa ‪#‎3rag‬ ahi hammi guur ka kala galay ‪#‎3gabdhood‬ oo geel horweyn ah la joogay.
Markii lakala calaamadaystay ee ninwalba cadaystay mida uu calmaday in muddo ahna la haasaawayay lana heshiiyay bay habeenkii dambe raggii go'aan ku gaadheen bal inay hablahani garaadkooda iyo waxgalnimadooda kala gartaan una kuurgalaan.

Thursday, 1 October 2015

Kolbo waa la heshiiniye wax ha la isula haro!.

     Xili haatan mudo dheer laga joogo ayaa waxay xurgufi dhex martay labo beelood oo wada deganaay deegaan ka mid ah dhulka ay Soomaalidu degto.Maalin maal maha kamid ah ayaa dagaal qadhaadhi waxa uu dhex maray labbadii beelood,waxaana dhacday in mid kamid meeshii looga awood roonaaday(la jebshay).

Antatar iyo Aabihiiba meesha ayay ooleen!

Waxaa igu maqaalo ah in;hadda ka hor uu dagaal ba'an dhex maray labo beelood oo soomaaliyeed.Dagaalkaasoo uu dhiig badan ku daatay ayaa ugu dambayntii midkood loogu awood sheegtay ,raggii u dagaalamayayna baqo dhabarka jeediyeen.

Soodaanta ma innagaa keenay(Sheeko Gaaban)

      Waxaa la sheegay in ;beri samaadkii markii uu shaqaynayay golihii murtida iyo madadaalda ee soomaaliya ay jiri jireen wax loogu yeedhay'Bandhig faneedyo"oo kolba gobol lagu qaban jiray,ayna kasoo qeyb gali jireen Hal-abuuro iyo heesaayaal dal iyo dibadba kala kalayimid.

 Magaalada hargaysa waxay ka mid ahayd meelaha sida aadka ahi loogu qaban jiray bandhigyada ceeynkaasi ah.waxaanu xeerku ahaa in ;fanaaniinta marka ay masraxa soo istaagaan ee bulshada mashxarad lawadaagaan in dumarku tarabuunka soo koraan oo waxii sil-silado dahab ah ee ay qabaan ay qoorta usudhaan heesaayada,kadibna markay xafladu dhamato fanaaniintu waxii hadiyad ahaa ee lasiiyay ay dib usoo celiyaan oo haweenkii lahaay loo kala qeybiyo.

    Haddaba,ayadoo uu dhaqanku sidaas yahay baa waxaa dhacday in fanaaaniin reed soodaan ah ay Hargaysa yimaadeen,kadibna bandhig-faneed ka dhigeen.
sidii caadadu ahayd bay haweenkii wax alla waxii dahab iyo lacag ah ee ay haaban kareen fanaaniintii huwiyeen,Hayeeshee soodaantu lama socon dhaqanka caynkaas ah oo waxay arki jiraan hadiyad aan la iskala noqonin,sidaasi daraadeed bay la tageen waxii hadiyad ahaa ee lasiiyay oo dhan.

    Markuu dadkii soo miyirsaday ee taabacadii iyo bur-burkii damaashadka ka baxay,bay haweenkii isasoo tubeen afaafka hore ee xafiiskii howsha qaban qaabiyay iygoo weydiistay in dahabkoodii dib loogusoo celiyo.
    Hayeeshee,waxay lakulmeen howl ka bedelan sidii hore,waxaana loo sheegay in fanaaniintii reer soodaan dalkoodii ku laabteen ,waxii hadiyad ah ee lasiiyayna hore usii qaateen,balse haweenkii taasi waa ka daadagi weysay,waxayna dalbadeen in waxoodii loosoo celiyo.

   Markii ay qir iyo qir taagantahay baa nin oday ah oo gudigii qaban qaabada ka mid ah haweeenkii la hadlay waxuuna ku yidhi"Dee Soodaanta ma innagaa keenay",odhaahdaas oo sheeko reeb noqotay.

    

Ogaysiin Dhammaan akhristayaasha sharafta leh ee boggan soo booqda waxaan ogaysiinaynaa inay howl dib uhabayn ahi kusoco ,sidasi daraadeed ay noo dul qaataan inta howshu socoto. mahadsanidiin.

Tuesday, 29 September 2015

Jig-jiga iyo Waxii aan usoo joogay


                                     
                 Jig-jiga  iyo Waxii aan usoo joogay.
    Runaan la sheegin maahinee,
Rati Dameer ka raad qurxoon.”


        Deegaanka soomaalida Itoobiya waxuu si lamid ah 8da dowlad  deegaameed ee kale hantiyay ismaamul buuxa oo ugaar ah,kadib markii ay meesha ka baxday xukumdii Dergiga  ,hayeeshee   fursadaasi waxay in badan ahayd un af ka sheeg,mana jirin wax horumar iyo dowladnimo taam ah oo kataabo galay guud ahaan deegaanka,taasoo keentay inuu dib uga dhaco deegaanadii ay mar wada askunmeen.Dadka deegaankuna waxay soo mareen dabin-daabyo iyo duruufo ad-adag oon qoraal lagusoo koobi Karin.Duruufahaasi nololeed waxaa aad udareemi kara qofkii deegaanka xiliyadaasi joogay,waxuuna sidoo kale dareemi karaa faraqa udhaxeeya sabannadaasi tagay iyo waqtigan saaka lajoogo.

Lawadaag Axsaabtaada kale.