Thursday, 1 October 2015
Antatar iyo Aabihiiba meesha ayay ooleen!
Waxaa igu maqaalo ah in;hadda ka hor uu dagaal ba'an dhex maray labo beelood oo soomaaliyeed.Dagaalkaasoo uu dhiig badan ku daatay ayaa ugu dambayntii midkood loogu awood sheegtay ,raggii u dagaalamayayna baqo dhabarka jeediyeen.
Soodaanta ma innagaa keenay(Sheeko Gaaban)
Waxaa la sheegay in ;beri samaadkii markii uu shaqaynayay golihii
murtida iyo madadaalda ee soomaaliya ay jiri jireen wax loogu yeedhay'Bandhig
faneedyo"oo kolba gobol lagu qaban jiray,ayna kasoo qeyb gali jireen
Hal-abuuro iyo heesaayaal dal iyo dibadba kala kalayimid.
Magaalada
hargaysa waxay ka mid ahayd meelaha sida aadka ahi loogu qaban jiray
bandhigyada ceeynkaasi ah.waxaanu xeerku ahaa in ;fanaaniinta marka ay masraxa
soo istaagaan ee bulshada mashxarad lawadaagaan in dumarku tarabuunka soo
koraan oo waxii sil-silado dahab ah ee ay qabaan ay qoorta usudhaan
heesaayada,kadibna markay xafladu dhamato fanaaniintu waxii hadiyad ahaa ee
lasiiyay ay dib usoo celiyaan oo haweenkii lahaay loo kala qeybiyo.
Haddaba,ayadoo uu
dhaqanku sidaas yahay baa waxaa dhacday in fanaaaniin reed soodaan ah ay
Hargaysa yimaadeen,kadibna bandhig-faneed ka dhigeen.
sidii caadadu ahayd bay haweenkii wax
alla waxii dahab iyo lacag ah ee ay haaban kareen fanaaniintii
huwiyeen,Hayeeshee soodaantu lama socon dhaqanka caynkaas ah oo waxay arki
jiraan hadiyad aan la iskala noqonin,sidaasi daraadeed bay la tageen waxii
hadiyad ahaa ee lasiiyay oo dhan.
Markuu dadkii soo
miyirsaday ee taabacadii iyo bur-burkii damaashadka ka baxay,bay haweenkii
isasoo tubeen afaafka hore ee xafiiskii howsha qaban qaabiyay iygoo weydiistay
in dahabkoodii dib loogusoo celiyo.
Hayeeshee,waxay lakulmeen
howl ka bedelan sidii hore,waxaana loo sheegay in fanaaniintii reer soodaan
dalkoodii ku laabteen ,waxii hadiyad ah ee lasiiyayna hore usii qaateen,balse
haweenkii taasi waa ka daadagi weysay,waxayna dalbadeen in waxoodii loosoo celiyo.
Markii ay qir iyo qir
taagantahay baa nin oday ah oo gudigii qaban qaabada ka mid ah haweeenkii la
hadlay waxuuna ku yidhi"Dee Soodaanta ma innagaa keenay",odhaahdaas
oo sheeko reeb noqotay.
Tuesday, 29 September 2015
Jig-jiga iyo Waxii aan usoo joogay
Jig-jiga iyo Waxii aan usoo joogay.
“Runaan la sheegin maahinee,
Rati Dameer ka raad qurxoon.”
Deegaanka soomaalida Itoobiya waxuu si lamid ah 8da dowlad deegaameed ee kale hantiyay ismaamul buuxa oo ugaar ah,kadib markii ay meesha ka baxday xukumdii Dergiga ,hayeeshee fursadaasi waxay in badan ahayd un af ka sheeg,mana jirin wax horumar iyo dowladnimo taam ah oo kataabo galay guud ahaan deegaanka,taasoo keentay inuu dib uga dhaco deegaanadii ay mar wada askunmeen.Dadka deegaankuna waxay soo mareen dabin-daabyo iyo duruufo ad-adag oon qoraal lagusoo koobi Karin.Duruufahaasi nololeed waxaa aad udareemi kara qofkii deegaanka xiliyadaasi joogay,waxuuna sidoo kale dareemi karaa faraqa udhaxeeya sabannadaasi tagay iyo waqtigan saaka lajoogo.Monday, 28 September 2015
Raggii tukanayay nin reerka ah kuma jirin yaan la odhan unbay iga ahayd!(Sheeko Gaaban).
Salaada ayay isku dhacsanaayeen,mana ahayn mid safkeeda soo gallo.Maalin maalmaha kamid ,ayuu soo ag maray rag fara badan oo salaadii maqrib uhogbaday,judhiiba jalleeco ayuu ku qabtay,waxaana usoo baxday in aanu meesha ka muuqan qof ay isku reer yihiin(wax beeshiisa ah).QARANKA IYO QEYBIHIISA
Qaran(State)waxuu ka koobmaa afar rukun ama tiir oo aas-aasi ah,kuwaasoo la’aantood wadar iyo kali ahaanba ay adagtahay inuu jiraahi.
Afartaasi rukun(Elements)waxay kala yihiin:-
1.Dadweyne(Population):-shacab loo taliyo ,asagana tashankara.
2.Deegaan(Territory):-dhul leh xudduudo sugan oo la aqoonsanyahay.
Sunday, 27 September 2015
NIMANYAHOOW SACANAGU SUU UDHALAY DHEREG MA ISKU ARAGTEEN?͠ .
Waxaa lasheegaa in had aka hor uu jiri jiray nin garaadkiisu aad uliito,waxaana dhacday in la galay xilli abaar ah ,nolashuna aad u adagtahay ,nasiib wanaagse reerkii uu kadhashay ninkaasi Doqonka ah ayaa neef lo’ ah u dhalay(irmaanaaday),kaasoo qoyska dhan caano ku deeqay ayna ka dhergeen.
Habka qorista Curisyada iyo Sheekooyinka.
Wax qoristu waa xirfad ka mid ah xirfadaha aas-aasiga ah,waana hibbo ilaahay bixiyo oo lagu kala horeeyo.
Hayeeshee,waxaa jiro habab iyo xeelado kala jaad-jaad ah oo loo adeegsado diyaarinta iyo isku dubaridka qoraalada sida curisyada(maqaalada)iyo sheekooyinka.
Waxayna leeyihiin qaab-dhismeed iyo qodobo la raaco ,oo qeybiba wax qaabilsantahay,kuwaasoo ay ugu muhiimsanyihiin afartan waaxood ee socda:-
B.Cinwaanka.
T.Ararta/Hor-udhaca ama Gogol-dhigga.
J.Dulucda/Weedh murtiyeedka.
X.Gunaanadka/Hooriska.
Marti Soorkii Reer Miyigeenu Miiganaayaa!.
Soomaalidu waxay leedahay dhaqan Intiisa badan suuban oo ay kaga soocantahay dadyowga iyo Bulshooyinka kale ee dunida dusheeda ku Naalooda.Dhaqankaas oo ah mid aad ufacweyn oo soo jireen iyo isir kasoo gadh ah.
Inkastoo dhaqamadaasi wanaagsan ee shareecada islaamkana wax badan ka waafaqsan aynu hoy unahay ,haddana ,marnaba si dhab ah looma diiwaan galinin, dunida daafaheedana looma gaadhsiin .Arintaasi waxay keentay in la arko un inteena xun(Nidaamdari,magangalyo doonimo,Bur-cad badeednimo iyo argagaxisanimo)na nalagu asteeyo.
Dhaqamadaasi wanaagsan een leenahay una baahan in lasoo bandhigo waxaa ka mid ah "Hanaankii marti soorka "ee reer miyigeenu ku agaasimi jireen Tub hayaha soo tiigsado .
Haddaba, Waxaan Curiskani haddii Alle(SWT) qadaro ,kaga hadli doonaa inyar oo ka mid ah dhaqankaasi suuban ,walloow aanan ahayn qofkii ku haboonaa inuu mowduucaasi lafa guro,danteeyduna waa inaan is xasuusino muhimada uu leeyahay ka warqabka dhaqamadeena wanaagsan si looga fogaado inay aasmaan ama la iskaba iloobo ,islamarkaana asaw bedel inagu dhaco.
Dhaqamadaasi wanaagsan een leenahay una baahan in lasoo bandhigo waxaa ka mid ah "Hanaankii marti soorka "ee reer miyigeenu ku agaasimi jireen Tub hayaha soo tiigsado .
Subscribe to:
Posts (Atom)


