Sunday, 27 September 2015
Habka qorista Curisyada iyo Sheekooyinka.
Wax qoristu waa xirfad ka mid ah xirfadaha aas-aasiga ah,waana hibbo ilaahay bixiyo oo lagu kala horeeyo.
Hayeeshee,waxaa jiro habab iyo xeelado kala jaad-jaad ah oo loo adeegsado diyaarinta iyo isku dubaridka qoraalada sida curisyada(maqaalada)iyo sheekooyinka.
Waxayna leeyihiin qaab-dhismeed iyo qodobo la raaco ,oo qeybiba wax qaabilsantahay,kuwaasoo ay ugu muhiimsanyihiin afartan waaxood ee socda:-
B.Cinwaanka.
T.Ararta/Hor-udhaca ama Gogol-dhigga.
J.Dulucda/Weedh murtiyeedka.
X.Gunaanadka/Hooriska.
Marti Soorkii Reer Miyigeenu Miiganaayaa!.
Soomaalidu waxay leedahay dhaqan Intiisa badan suuban oo ay kaga soocantahay dadyowga iyo Bulshooyinka kale ee dunida dusheeda ku Naalooda.Dhaqankaas oo ah mid aad ufacweyn oo soo jireen iyo isir kasoo gadh ah.
Inkastoo dhaqamadaasi wanaagsan ee shareecada islaamkana wax badan ka waafaqsan aynu hoy unahay ,haddana ,marnaba si dhab ah looma diiwaan galinin, dunida daafaheedana looma gaadhsiin .Arintaasi waxay keentay in la arko un inteena xun(Nidaamdari,magangalyo doonimo,Bur-cad badeednimo iyo argagaxisanimo)na nalagu asteeyo.
Dhaqamadaasi wanaagsan een leenahay una baahan in lasoo bandhigo waxaa ka mid ah "Hanaankii marti soorka "ee reer miyigeenu ku agaasimi jireen Tub hayaha soo tiigsado .
Haddaba, Waxaan Curiskani haddii Alle(SWT) qadaro ,kaga hadli doonaa inyar oo ka mid ah dhaqankaasi suuban ,walloow aanan ahayn qofkii ku haboonaa inuu mowduucaasi lafa guro,danteeyduna waa inaan is xasuusino muhimada uu leeyahay ka warqabka dhaqamadeena wanaagsan si looga fogaado inay aasmaan ama la iskaba iloobo ,islamarkaana asaw bedel inagu dhaco.
Dhaqamadaasi wanaagsan een leenahay una baahan in lasoo bandhigo waxaa ka mid ah "Hanaankii marti soorka "ee reer miyigeenu ku agaasimi jireen Tub hayaha soo tiigsado .Reerkii Antatarka ka ducaystay!.
Sheeko xariireedka soomaalida waxaa kusoo aroortay in reer Soomaaliyeed oo meel wada deganaa uu asiibay Antatar wax looyaqaano oo ah in qofku hadalka qar dhigo ama isdabo mariyo.
Maalinkii dambe ayay ku heshiiyeen inay cudurkan kaducaystaan oo xoolo qalaan Diinna isasaaraan.
Saturday, 26 September 2015
Suldaan Olol Diinle iyo Odayaashii Reer Shabeelle!.
Waxaa la sheegay in ;
Suldaan Maxamed Suldaan Diiriye(Olol Diinle) oo ahaan jiray hogaamiyihii Boqortooyadii Gareenka(gareen Dynasty) oo waa hore katalin jiray agagaarka Qallaafe iyo Diisha wabbi Shabeelle ,uu maalin maalmaha kamid ah ganaax dul dhigay beel kamid beelihii boqortooyadiisa hoos joogay.ganaaxaasi oo gaadhayay boqol sacaad oo lo'ah ,waxuuna uqabtay waqti cayiman oo ay ku keenaan xoolahaasi.
War tallo beele sow tallo kuuma dhalato(Sheeko)
Waxaa la sheegay in; hadda ka hor uu nin oday ah la dardaarmay wiilkiisii oo uu markaa udirayay reerkii oo meel abaar ah deganaa.odaygu waxuu wiilka usheegay inuu reerkii aado oo soo raro ,wan aad ushilis ahaay oo adhiga ku jirayna usoo loogo si ay waxna ugusoo geedi galaan inta kalena loxoska uga baxaan.
Astaamaha Qoraalka ha ilaawin.
Hor dhac:- Kawaran haddii aad aragtid wado dheer oo laami ah ;dhexmarta magaalo caasimad ah;kuna xidha degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada,wadadaas oo ay adeegsanayaan gaadiid aad utiro iyo noocyo badan ,hasse ahaatee, aan lahayn wax astaan ah oo kala hagta gaadiidkaasi wadada isticmaalya sida astaanta Joogsiga(Stop Sign),leexashada,Xadidka Xawaaraha(Speed Limit)Goobaha dadweynaha iyo duunyadu ka gooyaan(Pedestrian and Zebra Crossing), filashada Buundooyinka iyo buuraha iwm?Waxaa hubaal ah in markiiba ay maskaxdaada kusoo dhacayso suurto galnimo darida in wadadani si nabdoon loo adeegso .sidoo kale waxaa maankaada qalow kusoo dhahaya aqoon iyo garaad yarida injineerkii sameeyay ama dhisay wadadani.Haddaba ,waxaa taasi la mid ah ;qofka diyaariya Qoraal dheer oon haba yaraatee aan lagu arkeynin wax astaamo qoraal ah (punctuation marks)oo hadalka kala dabra ama kala haga.Sidaasi daraadeed ,baa Qoraalku marba hadaanu astaamayn lahayna uu noqonayaa mid aan la akhrin karin ,lana fahmi karin,islamarkaana aan lahayn madax iyo minjo toona wuuna isku dhexyaacayaa oo lagu wareerayaa halkii wax lagafahmi lahaa.Waa maxay Astaamaha qoraalka?Astaamaha qoraalka waa Calaamado loo adeegsado kala hagida iyo hormo-gelinta qoraalka,waxayna ka ilaaliyaan in macnuhu ceeyn wareego ama qoraalku isku dhexyaaco. Astaan walbana waxay leedahay howl ugaar ah iyo boos ay buuxiso.haddii ayaga laftirkooda si qaldan loo adeegsadana waaba ka dar oo dibi dhal.Dhamaan afafka qoran oo dhami way ka simanyihiin cilmiga astaameynta ,waloow ay kukala gedisanyihiin xagga tirada iyo adeegsigaba.Afsoomaalkuna waxuu kamidyahay afafka qoran ee loo adeegsado astaamaynta.
Astaamaha qoraalka ee la isla ogolyahay waxaa kamid ah;
1)Hakadka(,):Qofka marka uu hadlayaahi iskama daruuryamo ee wuuu neeftirtaa,Neefsigaasina waxuu la micno yahay Hakadka oo ah astaan la isticmaalo marka hadalku isku xidhanyahay macno ahaan balse kalago' soo galo.Sidoo kale waxaa loo adeegsadaa kala hormaynta erayo ama magacyo isku taxan.Tusaale:Dhammaan ardayda,Bareyaasha iyo Waalidiinta waxaa la ogaysiinayaa in.......
2.Joogsiga(.):Wax kasta oo dhaqaaq sameeyaahi ugu dambaynta way istaagaan si ay umuujiyaan inay gaadheen bartilmaameedkoodii ,Istaagistaani waxay ka dhigantahay astaanta Joogsiga oo kale ;waxaana loo adeegsadaa :Muujinta in hadalkii idlaaday micno buuxana sameeyay.Joogsiga dabadiis waxaa bilaabma sadar cusub ama tuduc hor leh,waxaana degsan in qoraalkaasi ama sadarkaasi cusub xarafweyn lagu bilaabo.
3)Hakad-joogsiga(;)waxuu ka agdhowyahay hakadka balse waa ka xeel dheeryahay,waxaana loo adeegsadaa sharaxaada iyo sababaynta,waxaa kaloo loo isticmaalaa kala saarida laba weedhood oo kala madax banaan laakiin isku sidkan hakadna horey loogu adeegsaday.
4)Astaanta war-dhowrka(:)waxaa lagu muujiyaa hadal soo socdo ama qeexida walxaha.Tusaale;Astaamaha Qoraalka waxaa Kamid ah:Hakadka,Joogsiga IWM.Sidoo kale waxaa loo isticmaalaa kala saarida waqtiga.Tusaale;Saacadu waa 04:25 .Waxaa kaloo iyana loo adeegsadaa Muujinta Saamiyada :Tusaale;isku aadka Buugaagta iyo ardeyda waa 1:5(Hal ku shan).
5)Astaanta Xigashada(");waxaa loo adeegsada muujinta hadal qof kale leeyahay ama werinta.Tusaale;Wasiirku waxuu Yidhi"Dalku wuu horumaray".Waxa ay kamid tahay farsamooyinka lagu ilaaliyo xuquuqda qoraalka(Copy Rights).
6)Weydiinta(?)waxaa loo isticmaalaa wax weydiinta.Tusaale :Yaa qoray qoraalkan?
7)Layaabka(!);waxaa loo adeegsadaa layaabka,Argagaxa iyo ladhacsanaanta.Alla!waa libaax.Agah!Buug khatar ah baad soo gadatee.
8)Jiitin(-)waxaa lagu astaameeyaa erayada isku xidhan ama kuwa iskusoo laablaabma sida ;War-murtiyeed,Bal-bal,wel-wel,sar-sar Iwm.
9)Jiitin Dheer(_)kala saarida qeybaha weedha iyo meel banaanaynta .Tusaale: Taariikh____Summad____
10)Gudub(/)waxaa loo adeegsadaa muujinta erayo isku macno ah sida Baabuur/Gaadhi.sidoo kale kala saarida taariikha ee sanadka ,bilaha iyo ayaamaha sida;28/09/2015.
11)Hamzada(')waxa iyana loo isticmaalaa kal goynta eray kala jarma sida ;Go'aan,La'aan.
12)Bilaha( )waxaa loo adeegsadaa sharrxida iyo muujinta wax isu dhigma.Tusaale;Aqal-gal(Aroos)waa.....
13)Saddex dhibcood(…)Waxa loo adeegsadaa muujinta in qeyb qoraalka kamid ah si ula kac ah looga tagay iyada oo la diidayo in qoraalku dheeraado aanu dhamaystirmi karin. Tusaale:-Tirooyinka marka la xusayo 1,2,3,4…100.
Astaamahaasi iyo kuwa kaloo badanba waxay micno uyeelaan oo naash-naashaan ama bilaan qoraalka, la'aantoodna hadalku waxuu noqon un raashiin qalalan oo iidaan(Suugo)la'aan ah waana lagu mergan/sirxan oo qofka kama daadegayo.Sidaasi daraadeed waxaa inala gudboon inaan ku baraarugsanaano oo ayna marnaba ilaawin ahmiyada ay leeyihiin Astaamahaasi iyo kuwa kale ee lagayaabo in ayna qormadani xusin.Waa hubbaal haddii aynu qoraaladeena si sax ah ugu adeegsano astaamaha Qoraalka in aynu noqonayno ummadd kuwanaagsan wax qorista afkeena waxuu ahaanayaa mid horumarsan oo la jaanqaada afafka kale ee adduunka ka jira.
Soo dhawaada!
Dhamaan asxaabta iyo ehelkaba waxaan kusoo dhawaynayaa boggayga rasmiga ee aan ku leeyahay barta internetka oon kusoo bandhigi doono faallooyin iyo falanqayn la xidhiidha arimaha dhaqan-dhaqaale,bulsho,siyaasadeed iyo nabadgalyo ee ummadda soomaaliyeed meel Waliba oo ay daafaha caalamka ka joogaan.
boggani waa mid loo wada simanyahay oo cid kasta oo same doon ahi wax kusoo bandhigi karto.
Subscribe to:
Posts (Atom)




