Monday, 25 September 2017

Xeeladaha Xigashada .

Waa Maxay Xigasho?Immisa nooc ayeyse ukala qeybsantaa?
Xigasho;waa soo ergaysashada iyo adeegsiga odhaah ama qoraal aadan adigu lahayn si aad aragtidaada ama qoraalkaada aad ugu xoojisid.Xigashadu waxa ay kaa bad-baadinaysaa inaad ku dhacdid ama lagugu eedeeyo Qish(plagiarism)oo ah in qofku si sharci daro ah usheegto qoraal ama hadal aanu isagu lahayn .haddaba,qormadani kooban waxa aynu wax kaga iftiimi doonaa qeybaha iyo qaababka wax xigashada ay ledahay.Waxa jira fekrado iyo fahanno kala duduwan oo ay aqoon yahannadu kaga hadleen mowduucan isaga ah,balse si guud marka la iskugu soo xooraamiyo aragtiyada la xidhiddha xeeladaha wax loo xigto waxa ay iskugusoo biyo shubanayaan in xigashadu ay ukala baxdo laba nooc oo kala ah;-

Wednesday, 20 September 2017

6 Qodob oo kuu sahlaya in aad ku gacan-sareysid dood walba oo aad gashid.

Mid kamid ah xaaladaha nolosha ee ugu qiiro adag ayaa ah doodda.Ha ahaado qof aad jeceshahay,necebtahay,yasaysid ama aadan aqoonine,waxaa hubaal ah in doodu ay sare uqaadi karto wer-werka iyo cadaadiska dhiiggaada,xaraaro iyo xamaasadna kugu beeri karto.Waxa aad ubaahantahay degenaansho,debecsanaan, dulqaad iyo daliil adag si doodaadu u ahaato mid xikmad iyo xiiso xanbaarsan oo dadka soo jiidata.Waxaa kale oo xaqiiqa ah in Qof walba oo innaga mid ahi  uu aad unaawilo in uu noqdo doodaa aan la loodin karin oo aan marnaba laga libin helin.
Haddaba,waxa aan qormadan kooban haddii eebbe idmo ku qaadaa dhigi doonaa lix qodob oo uu kuu sahlaya inaad marwalba ku gacan sareysid doodaha aad galaysid.Lixdaasi qodob waxa ay kala yihiin;-
1.Ogoow xaqiiqadaada;-Inta aadan dooda galin is weydii oo aad ooga baaraan-deg  in waxani yihiin maalacyi aan meelna gaadhaynin lugo adagna ku taagnayn iyo in ay tahay dood dhab kudhisan,dhil-dhilan,dheelitiran oo dhamaystiran.Adeegso cadeymaha doodaada gun-dhigga unoqon kara oo idil.

Sunday, 13 August 2017

Qoraaga Boggan.

Waxa aan ahay nin dhalinyaro ah oo ku dhashay kuna soo bar-baaray degmada feer-feer ee kutaala xadka kala qeybiya labada wadan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.Waxbarashadiaydii dugsiga hoose/dhexe iyo sareba isla degmadaas ayaan ku qaatay.Waxa aan cilmiga barenimda kaga qalin jabiyay kuliyada waxbarashada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid Xuseen ee ku taala magaalada jig-jiga ee Xarunta Dawladaa Deegaanka Soomaalida Itoobiya sanadkii 2003dii.Kadibna Waxa aan barenimo muddo 8sanno ah kaga soo shaqeeyay deegaano badan oo katirsan dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.Intaa kadib waxa aan fursad uhelay in aan waxbarasho heer jaamacadeed ah ka helo jaamacada Haramaya University ee bariga Itoobiya,halkaas oo aan cilmiga maamulka iyo maareynta waxbarashada kaga soo qalin jabiyay sanadkii 2007dii.

Thursday, 10 August 2017

Taariikhda Degmada Feer-feer

Feer-feer (Af-Ingiriis: Fer-Fer) waa magaalo ku taala Xadka kala bara labada wadan ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxa ay uqeybsantahay Degmada Fee-feer ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Degmada feer-feer ee Maamul goboleedka Hir-Shabeelle ee Dalka Soomaaliya. Magaalada FeerFeer waxay u dhowdahay gobolka Hiiraan, waxayna dhacdaa dhigta iyo loolka 05°05′N45°05′E. Guud ahaan, magaalada Feer-Feer waxay biyaha bada ka sareeysaa joog dhan 177 mitir.[1]

Wednesday, 5 July 2017

Taariikhda shariif cabdinuur oo kooban.

Imaamka fiqhi yaqaanka ah, usuul ruugga ah, muxaddithka qarnigga Al Callamah Shariif Cabdi Nuur Shariif xassan  waa aqoon yahan laga wada yaqaano caalamka Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna bulshada Soomaalida. Madax meel ka sareeya oo la taabto ma jiro. Sidaa daraadeed, maadaama aan ka soo sheekaynaynay xadiith yaqaanadda Muslimiinta, qarnigan waxaan ka soo qaadanay Al Bani iyo Shariifka. Shariif Cabdi Nuur wuxuu ku dhashay Magaaladda Baabili sanadii 1941ee ka tirsan Ethiopia.  Waxa uu ka soo jeedaa qabiiladda Ashraafta oo la yidhaahdo waxayna ku abtirsataa Aalu Baytka.

Thursday, 29 June 2017

Ka Diggida Dalaalka Dumarka!


Waayadii udanbeeyay waxyaabaha geyiga soomaalida kusoo kordhay ee garaado iyo ganacsi ahaanba loo sheegtay ee ayna soomaalidu hore dhaqan ulahayn waxaa ka mid ah;Dalaalka dumarka iyo taba-bare nafsiyadeed.Labaddooduba waxa ay leeyihiin saameyn weyn Diin ahaan iyo dhaqan suuban ahaanba.In laga hadlo oo la iftiimiyo ayayna mudanyihiin.
kan dambe waa qof ku andacooda inuu dadka ka saacidayo siddii ay mustaqbalka u guulaysan lahaayeen oo inta rag iyo dumar aan ehel isu ahayn xero isugu keeno aan hadal eebbe(swt) iyo mid Rasuul(scw)toona usheegeyn ee sare ukaca oo haddana fadhiista,ooya oo qosla,is qiireeya oo qeyliya iyo is gacan qaada oo ka qoomameey iyo wax saas uqiimo lahayn waqtiga kaga dhammeeya.Mararka qaar waxaa dhacda in kali kali ahaan loogu tago oo talo iyo tusaaleyn aan la ogayn waxa laga dheefi karana loo doonto
Kan hore(dalaalka Dumarka) isagu magacyo kale baa loo sameeyay.Se,sida saxda amaba af ahaanba,qofka oo dadka uqabta howl ay qof kale ama meel kale uga baahnaayeen ee ka shaqeeya is af garashadooda iyo isu soo dhawaanshahooda waxoogaay carrab dhaq(khidmad)ahna ka qaata waxaa loo yaqaanaa Dilaal(Middleman) howshooda iyo qaabka ay uhowl-galayaan haba kala gedisnaadeeno laakiin magacaas guud bay wadaagaan.

Thursday, 22 June 2017

Axkaamta Ciidul-Fidriga iyo Sakaatul Fidriga.


Alle ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay , ammaan iyo nabadgalyana nebiga dushiisa ha ahaato , waxaan jeclaystay inaan halkan ugu soo koobo  axkaamta ciidul-fidriga iyo sakaatul-fidriga oo ah kuwo foodda inagu soo haya walaalaha muslimiinta ah ee ay u suurtagasho inay maqaalkan akhristaan, waxaynuna axkaamtan ka dheeganaynaa kitaabka iyo sunada, allena waxaan ka rajaynayaa inuu acmaashii suubanayd ee aynu ramadaan samynay inaga aqbalo, ramadaan kadibna uusan ina fitnayn :

Wednesday, 21 June 2017

AXKAAMTA XAJKA IYO CIMRADA OO AF SOOMAALI AH.

HORDHAC
Risaaladaan waxaan ugu tala galay inaan uga hadlo axkaamta xajka iyo cimrada sida arkaanta waa jibaadka, sunooyinka iyo wixii ka xaaraam ah xaajiga inta uu xarman yahay risaaladaan waxaan ugu talagalay xujeeyda soomaalida ah inay kafaa’iideestaan sanad walba maadaama aan soomaali ku qoray. Risaaladaan waxaan u qoray alla dartii iyo inaa ku moodo maalin aysan dadka anfaceynin maal iyo wiilal.
Risaaladaan waxaaqoray:Sh. Ibraahiim Maxamuud Jiisoow
Teleefoon: 061559121 Email:Sh.jiisoow@hotmail.com

Thursday, 16 June 2016

Kabo-Calaf iyo walaalkiis Faarax.


Beri ayaa waxa jiray laba nin oo walaalo ah, labadaa nin mid waxa la odhan jiray Kabo-Calaf, ninka kalena waxa la odhan jiray Faarax, Kabo-Calaf ayaa weynaa Faaraxna wuu yaraa, Kabo-Calaf weli muu guursan, Dadku Kabo-Calaf waxay ku xamman jireen in uu yahay nin nacas ah, Faaraxna uu yahay nin fariid ah oo reerkoo dhan wax laga waydiiyo,
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa dhacday, in degmadii ay degenaayeen Faarax iyo Walaalkiis Kabo-Calaf ay abaari saamaysay
Oo xaaluf iyo biyo la'aani ka dhacday, kadibna roob uu ka da'ay meel aan degmadoodii ahayn, sidii reer miyiga caadada u ahayd ayey soo sahamiyeen meel ay dejiyaan reerkooda oo doog leh, ka dib meel ayey u soo heleen wayna u guureeen, markii ay xoolihii degeen oo nimcadii meesha taalay ay afka dareen, ayey dhalinyaradii billaabeen ciyaaro habeenkii la tumo, sida Wiglada, Heelada, Walasaqada, Jaandheerta, heesahaa oo ay caado u ahayd in la tumo marka roobku da'o ee xooluhu u nimcaystaan, markaas oo dadka reer miyiga ahina ay raaxo dareemaan oo ay ka nastaan biyo la'aan, xoolahoodii dhibayey oo u nasta,
Had iyo jeer reer miyigu waxay is guursadaan marka roobku u da'o,
Xitaa haddii ay gabadh iyo wiil sheekaystaan oo ay heshiiyaan waxay odhan jireen, "marka roobku da'o ayeynu is guursanaynaa".

Waa maxay gabay?Q2aad

Gabay waa hadalmurtiyeed taxan oo ka kooban beydad mid waliba isugu xidhan yahay laba qaar oo leh qaafiyad iyo miisaan ka dhexeeya. Gabaygu qaran ahaan waa Hadal, qabiil ahaan waa Suugaan, qoys ahaan waa Maanso, qof ahaanna waa Gabay. Hadal wuxuu kaga tegey waxii aan murti ahayn ee hadal uun iska ah. Suugaan wuxuu kaga tegey sheeko, maahmaah, khudbad, maqaal iyo majaajillo. Maansana wuxuu kaga tegey geeraar, jiifto, buraanbur iyo dhammaan noocyada heesaha (guuroowgu waa gabay luuq duwan, shiribkuna waa hees). Haddii uu hadalku yahay dhawaaq la isku afgarto oo ka sarreeya dhawaaqa xayawaanku isku afgarto, gabaygu waa heerka dhawaaqaas oo kor loo sii qaaday laguna qurxiyey falsafad, khayaali iyo naaxiyad.

Lawadaag Axsaabtaada kale.