Thursday 10 August 2017

Taariikhda Degmada Feer-feer

Feer-feer (Af-IngiriisFer-Fer) waa magaalo ku taala Xadka kala bara labada wadan ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxa ay uqeybsantahay Degmada Fee-feer ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Degmada feer-feer ee Maamul goboleedka Hir-Shabeelle ee Dalka Soomaaliya. Magaalada FeerFeer waxay u dhowdahay gobolka Hiiraan, waxayna dhacdaa dhigta iyo loolka 05°05′N45°05′E. Guud ahaan, magaalada Feer-Feer waxay biyaha bada ka sareeysaa joog dhan 177 mitir.[1]

Hordhac

Feerfeer waa Degmo taariikhi ah oo ku taalo xadka ay wadaagaan labadda dal ee itoobiya iyo Soomaaliya Gaar ahaan waxay dhacdaa dhanka waqooyiga bari ee gobolka hiiraan, waxayna u kala qeeybsantaa Degmada Feer feer ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Degmada Feer feer ee Maamul goboleedka Hir-shabeelle Soomaaliya. Degmada feer-feer Soomaaliya ayaa si rasmi ah degmonimadeeda loogu dhawaaqay 9kii bishii 8aad sanadka 2017ka.Waxaana wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka Hir-Shabeelle lagu shaaciyay in si buuxda loogu aqoonsaday maamul degmo oo hoos yimaada maamulka gobolka HiiraanDegmadaan daanteeda Itoobiyawaxaa degan dad ka badan 50,411 oo qof, oodhamaan wada soomaali ah.waxaa hoos yimaada tuullooyin dhowr ah ooy kamid yihiin: Abaaleey,Buur-ukur,Baar-magoog IWM.Dadka dega degmada Feer Feer ayaan ahayn kuwo yaqaana xumaanta, taa badelkeeda waxa ay yihiin dad jecel wanaaga iyo khayrka.

Degmada Feer-feer Itoobiya.


Maabka Deegaanka Soomaali Galbeed
Degmada Feer-feer Itoobiya waxaa daga Beesha Reer-aw-Xassan oo lagu yaqaano faafinta Diinta islaamka,iyadoo ay kasoo jeedaan qaar badan oo ka mid ah Culimada ugu caansan Dhulka ay Soomaalidu degto sida :-Sh.Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi Suldaan(AUN) iyo Sh.Muxumed Haadi(AUN).iyo kuwa kale.Sidoo kale Siyasiyiin Caan ah oo ay ka mid yihiin:Faarax Sheekh Cabdulqaadir,Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade). Mukhtaar Muxumed Yuusuf,Mahad Xassan Cusmaan iyo kuwa kale.Waxaa sidoo kale degmadan wax ka dega Beelaha Udeejeen iyo degoodiye.
Degmada Feer Feer ee dhanka Itoobiya waxay kamid tahay Degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka Godey ama Shabeelle,waxaana gacanta ku haayo ismaamulka somalida Ethiopia. Waxaa degmadan intii ay dhisnayd maamulkeeda sare soo qabtay madax ay kamid yihiin:
  • Macalim Raage cilmi
  • Cabdi caziiz sheekh muxumed
  • Cabdifitaax cabdulaahi ismaaciil
  • Khaliif sheekh ibraahim
Khariirada Degmada Feer-feer Soomaaliya.jpg

Degmada Feer-feer Soomaaliya

Dhinaca Degmada feer-feer Soomaaliya marka aan eegno waxaa hoos yimaada tuulooyin badan oo ay ka mid yihiin; Abaaleey-Soomaaliya,Jawiil,Deefoow,Kabxanleey,KalabayrIWM.Tuulooyinkaas oo ay wada degaan beelaha kala ah:Reer Aw Xassan [1],Dir,Xawaadle,Ujeedeen,Jareerweyne iyo qaar kale.Waxa ay hoos timaadaa maamulka gobolka Hiiraan ee ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-shabeelle waxaana ay maagalada Beledweyne u jirtaa masaafo dhan 45km.sidoo kale magaalada muqdisho ayay ujirtaa wax ka yar 350km.

Magacaabista Degmada Cusub ee Feer-feer Soomaaliya ee Maamul goboleedka Hir-shabeelle

Muhimmada ay leedahay Degmadani.

Degmadani waxa ay hal-bowle utahay isku xidhka degmooyin iyo gobolo badan oo kamid ah dhulka ay soomaalidu degto.Waxaa mara jidka laamiga ah ee uu talyaanigii dhisay,kaas oo ku xidha degmooyinka gobolka Shabeelle ee DDSI ee Mustaxiil iyo Qallaafe,sidoo kale laamigaasi ayaa ugoosha dhanka degmada Shilaabo ee gobolka qorraxay ee DDSI.Sidoo kale waxaa mara mara jidka laamiga ah ee kayimaada dhanka Soomaaliya oo ku xidha gobollada dhexe ee Soomaaliya ilaa iyo Gobollada Waqooyiga Soomaaliya ama Somaliland .Waxaa degmada ka shaqeeya is-gaadhsiinta labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ammaanka iyo Xassilloonida.

Degmada ayaa ah meel aad u xasiloon oo qofka marka uu Soomaaliya dhinaceeda ka soo galo uu dareemayo amni iyo xasiloon, waa dagmo aad u nabadoon dadkeedana aanay jecleeyn inuu dhib ka dhacdo.mar walbo waxay is ku dayaan in ay nabad galyada ay haaystaan sii ilaashadaan oo aan laga faro maroojinin. Dhanka kale,Degmada ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxa ay tiigsaneesay horumar aad u balaaran, iyadoo laga dhisay schoolo fara badan kuwaaso iskuga jira dugsi hoose , dhexe iyo kuwa sareba, mustaqbalka dhawna dadku waxay ku han weyn yihiin inay dhisaan jaamcad ay wax ka bartaan ardayda dhameesa dugsiyada sare ee degmada,
Flag of the Somali Region.svg

Kheyraadka Degmada.

File:Wabi shabelle.jpg
Wabiga Shabeelle
Deegaanka degmada Feer-feer ayaa ah dhul uu Eebbe kumanaystay kheyraad dabiici ah oo aad ufarabadan.waxaa mara wabigga Shabeelle kaasoo dadka usuuro galiyo inay aad uga faa'iideystaan wax soosaarka dalaga beeraha iyo dhaqashada xoolaha nool ,iyadoo ay degmadani kamid tahay meelaha lagu tuhmayo inuu ku duuganyahay shidaalka dabiicigaah.Degmada ayaa sidoo kale ah xarun ganacsi oo istiraatigi ah maadaama ay isku xidho laba dal oo ay ku dhaqanyihiin dad aad ufara badan.

Sidoo kale fiiri

Xigasho

  1. Jump up "Local History in Ethiopia" (pdf) The Nordic Africa Institute website (accessed 23 January 2008)

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.