Thursday 29 June 2017

Ka Diggida Dalaalka Dumarka!


Waayadii udanbeeyay waxyaabaha geyiga soomaalida kusoo kordhay ee garaado iyo ganacsi ahaanba loo sheegtay ee ayna soomaalidu hore dhaqan ulahayn waxaa ka mid ah;Dalaalka dumarka iyo taba-bare nafsiyadeed.Labaddooduba waxa ay leeyihiin saameyn weyn Diin ahaan iyo dhaqan suuban ahaanba.In laga hadlo oo la iftiimiyo ayayna mudanyihiin.
kan dambe waa qof ku andacooda inuu dadka ka saacidayo siddii ay mustaqbalka u guulaysan lahaayeen oo inta rag iyo dumar aan ehel isu ahayn xero isugu keeno aan hadal eebbe(swt) iyo mid Rasuul(scw)toona usheegeyn ee sare ukaca oo haddana fadhiista,ooya oo qosla,is qiireeya oo qeyliya iyo is gacan qaada oo ka qoomameey iyo wax saas uqiimo lahayn waqtiga kaga dhammeeya.Mararka qaar waxaa dhacda in kali kali ahaan loogu tago oo talo iyo tusaaleyn aan la ogayn waxa laga dheefi karana loo doonto
Kan hore(dalaalka Dumarka) isagu magacyo kale baa loo sameeyay.Se,sida saxda amaba af ahaanba,qofka oo dadka uqabta howl ay qof kale ama meel kale uga baahnaayeen ee ka shaqeeya is af garashadooda iyo isu soo dhawaanshahooda waxoogaay carrab dhaq(khidmad)ahna ka qaata waxaa loo yaqaanaa Dilaal(Middleman) howshooda iyo qaabka ay uhowl-galayaan haba kala gedisnaadeeno laakiin magacaas guud bay wadaagaan.

Ninka leh dumarka aad doonaysaan baan idiin soo raadceeyni ee ii tilmaama oo khidmadaas baad iska bixinaysaana waa un nooc Af ahaan ka mid ah dulaaleeyda oo la mid ah kan guryaga,midka ganacsiga iyo gaadiidka.Dhaqan ahaan buuse kaga gedisan yahay oo waa shaqo aan soomaalida hore aad loogu aqoonin.Deegaanada qaarkoodna waaba ceeb oo ninka howlahaas ama wax ka ag dhaw ka shaqeeya waxaa loogu yeedhaa(FATTAAL).
Dhanka shareecada islaamka marka la eego iyadu waxa ay mar walba wax ku salaysaa oo xukunka ku dhistaa dhibka iyo dheefta uu sheygaas ama shaqadaasi aadanaha uleeyahay if iyo aakhiraba.Hadba dhankii uu shaygaasi raaco unbaana ayxalaatinimo amaa xaaraantinimo ay ku raacisaa.Waayo Diinta islaamku waxa ay ka talisaa maslaxada dadka ee daartan dhaw iyo tan danbe ee lagu waari doono.Sida laga dhugan karo aayadahaan hoose iyo addlio kaloo badanna;shareecadu waxii wanaagsan e aan aadanaha dhib ulahayn waa ay banaysay,waxii dhib ama xummaan lehna waa ay diiday.
{يسألونك مآذاْ اٌحلّ لهم قل اٌحلّ لكم آلطّيّبا ت}ـ{ويحلّ لهم ألطّيّبآت ويحرّم عليهم آلخبآإث}{وإثمهمآ أكبر من ّنفعهمآ}

Howlaha noocaan ahna xukmintooda waxa ay ubaahtahay in shareecada loo bandhigo oo baadhitaan mug weyn lagu sameeyo lana cadeeyo dhib iyo dheef waxa ay soo siyaadiyeen.waxaase aan marnaba la iska indho saabi karin dhibaatooyinka ka imaani kara mashruuca la xidhiidha dilaalka dumarka oo ay ugu horeeyaan:-
1.in ay is dhex galaan rag iyo dumar aan ehel isu ahayn maadaama la isku xidhiidhinayo oo ugu danbaynta la kulansiiyo wiil iyo gabadh aan maxram isu ahayn waxa ka dhex dhici doonana aan la ogayn.
2.In hablaha wan-wanaagsan ay bartilmaameed noqdaan oo ragga qaarkii xummaan doon ah inta ay kista lacagta ah iska bixiyaan gabadh wanaagsan oo loosoo xulay waxyeeleeyaan.Waxa aan hore in badan u aragnay dumar ooynaya oo leh"rag aanu khadka iska baranay baa si xun noola dhaqmay.
3.in ay sameysmaan shaqsiyaad iyo hay'ado been abuur ah oo sheeganaya in ay dadka guur doonka ah ugargaarayaan oo kolka ay lacagta ka aruursadaana lawaayo meel ay jaan iyo cidhib toona dhigeen.
4.In uu soo siyaado oo faafo dhaqan ah wada socosho dheer oo aan gundhigeedu guur ahayn.iyo qaar kale aan halkan lagusoo wada koobi karin.

Ugu dambayn,waxaaan ragga meheradahaasi furtay kula talin lahaay in ay howshaas aad ooga baaraan degaan oo dhinacyo badan ka fiiriyaan.Sidaa oo kale waxa aan dadka aan badan ka fahsanayn arimaha caynkan oo kale iyo waxaka imaani kara aan uga digayaa in ay ku kadsoomaan mashruucyada noocan oo kale ah.Naftooda iyo maalkoodana ay halis ku galinin.
Xaqqa alle ha ina waafajiyo.Aamiin.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.