Wednesday, 5 July 2017

Taariikhda shariif cabdinuur oo kooban.

Imaamka fiqhi yaqaanka ah, usuul ruugga ah, muxaddithka qarnigga Al Callamah Shariif Cabdi Nuur Shariif xassan  waa aqoon yahan laga wada yaqaano caalamka Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna bulshada Soomaalida. Madax meel ka sareeya oo la taabto ma jiro. Sidaa daraadeed, maadaama aan ka soo sheekaynaynay xadiith yaqaanadda Muslimiinta, qarnigan waxaan ka soo qaadanay Al Bani iyo Shariifka. Shariif Cabdi Nuur wuxuu ku dhashay Magaaladda Baabili sanadii 1941ee ka tirsan Ethiopia.  Waxa uu ka soo jeedaa qabiiladda Ashraafta oo la yidhaahdo waxayna ku abtirsataa Aalu Baytka.

Hooyaddii waxay ka dhalatay Ogaadeen, reer Cabdalle; reer Ugaasna ka ah. Sheekha waxa uu la dhashay 10 wiil oo dhammaan ka wada weyn; waana niman fuqaha ah oo Shaaficiyo ah. Shariifku wuxuu ka bilaabay barashadda cilmigga diiniga ah magaaladda Baabili. Naxwadda ama dhismaha luuqadda Carabigga waxa uu ka bartay nin naxwe ruug ah oo la odhan jiray Sh Axmed Baaruud oo ahaa caalim Oromo ah oo gees kasta oo shariicadda ah bartay.
Sidoo kale, waxa uu ka akhristay Sh Xasan Macalin Mareexaan. Walaalkiisii ka weynaa ee ahaa Muftiggii Shaaficiyadda ee waagaas waxa uu isna ka dhigtay naxwaha iyo fiqigga. Sh Jawharisna Shariifka naxwadda ayuu u dhigay. Kadib kolkii uu muudsaday wixii cilmi yaalay geyigaas, wuxuu u ambabaxay magaalooyin kale, sida Herer, tani waa mid lagu yaqaano culimadda inay safraan. Muddo ayuu ku sugnaa halkaas.
Kadib waxa uu tagay Jij-jiga. Sanadku markuu ahaa 1959, Shariifka oo ahaa 18 sanno joogana magaalada Jigjiga, waxa uu doonay inuu tago jaamacadda AZHAR. Shariifku wuxuu markaas raacay dhalinyaro ay isku eyni yihiin. Waxay raaceen tareen ilaa ay ka gaadheen Suudaan. Kadib waxay ka raaceen doon ilaa ay gaadheen Masar.
Sh Shariif Cabdi Nuur wuxuu markaa galay jaamacaddii AZHAR, Kuliyadda Shareecaddaiyo Qaanuunka. Waxa uu dhammaystirtay aqoontiisa jaamacadeed. Kadib wuxuu u gudbay jaamacadda isagga oo ka gaadhay Usuulu fiqigga halka ugu sareysa ee Maanjisteer. Maadaama uu soo dhammaystay aqoontiisii, waxa uu aqoonyahanku ku noqday wadankii Soomaaliya.
Waxa uu tagay machadkii Xalane. Sheekhu wuxuu macalin ka noqday rugtii Boolo Tiknikoo ee Muqdisho. Reer Muqdisho waxa aad loola yaabay aqoontiisa. Xalqado waaweyn ayaa looga sameeyay masaajidada. Wuxuu bilaabay dhigidda kutubta iyo duruusta. Wax yaabaha yaabka leh eel ala yaabay wakhtigaas waxa ka mid ah in Shariifku noqday bad cilmi ah oo soconaysa. Masaajidada wuxuu ka bilaabay dhammaan faniyada diinta.
Tusaale ahaan wuxuu dhigi jiray: Fiqigga, Tafsiirka, Xadiithka, Naxwaha iyo Sarfiga iyo qaar kale. Si gaar ah wuxuu Shariifku ugu dadaali jiray dhigidda xadiithka Nebigga SCW wixii sugan. Shariifku wuxuu dhigay kutubta xadiithka ugu waaweyn ee loo yaqaan Umahaatu Sitta dhammaan wuu sharaxay (SOO SAARISNA; TAKHRIIJ ayuu u sameeyay xadiith kasta).
Shariifku wuxuu inta badan waafaqaa Albani inkasta oo meelo badan oo uu ku khilaafay xadiithka ay jiraan. Marka aad loo baadhona la ogaanayo in Shariifku saxsanyahay.  Shariifka waxa la xidhay sanadkii 1978. Xadhigu waa sunne ay maraan culimadda aan ra’yigooda diinigga ah ee ay cabiraan ku adkaysta, sida Axmed Binu Xanbal iyo Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyyah. Soomaaliya waxa ka dilaacay dagaalo sokeeye.
Shariifku markaa wuxuu u kicitimay wadanka Sucuudiga halkaas oo lagu soo dhaweeyay. Sanadku wuxuu ahaa 1984 kii.Waxa macalin sare USTAAD ka dhigtay jaamacadda caanka ah ee Jaamacatu Malik Sucuud oo waagaas la odhan jiray Dirciya.Shariifka waxyaabaha lagu xasuusto ama dadka booqda ay ku arkaan, amaba ardaydiisu ku arkaan waxaa ka mid ah: aqoon bislaatay; sheekha waxa la yidhaadaa waa afarta caalim ee soomaray Muslimiinta qarnigan ee laga marag furay sida uu ugu bislaaday cilmigga xadiithka( 1990 dhammaan UMMAHATU SITTA wuu sharaxay; wakhtigaas culimadda Soomaalidda weli mey bilaabin tegidda dibaddaba), usuulka, fiqigga, iyo luuqadda( Machadka Riyaad ayaa uu ka qaatay Maajisteer Luuqada Carabigga ah) guud ahaan iwm.
Waxa intaa dheer inuu yahay qof ILLAAHAY akhlaaq ku manaystay oo aan weligii dhib laga soo sheegin. Marar badan oo culimo uu ka aqoon badan yahay wax ka sheegeen, waa uu diiday inuu u jawaabo ( Sheekh Muqbil oo sixun ugu xadgudbay, Shariifku wuu u bixiwaayay wuunna diiday inuu u jawaabo); xataa yadoo laga codsaday in uu u jawaabo. Waxa lagu xasuustaa sida uu uga saahiday aduunyada.
Waa nin aadugu adag sunnada oo leh mawaaqiif adag oo meel mar ah wakhtiyada culimo badan tanaasulaan oo ay ka noqdaan mawqifkooda. Sidoo kale, Shariif Cabdi Nuur, waa aqoonyahanka keliya ee Soomaalidu ku baanaan waayo wuxuu ku jiraa ragga dhifta ah ee wakhtiyadan la odhan karo MUJTAHID maadaama uu funuunta diinta iyo Carabiyadaba dhammaan wada xasiliyay.
Culimada Soomaalida ugu waaweyn ee maanta nool waxay qireen in cid maanta ka cilmi badan aduunka oo nool aanay jirin inta ogaalkooda ah.
FG:Qoraalkani waa in kooban oo aan ka soo qadanay qormo uu waa hore qoray 
Guuleed maxamed yaasiin dalxa.
Post a Comment

Lawadaag Axsaabtaada kale.