Thursday, 16 June 2016

Waa maxay gabay?Q2aad

Gabay waa hadalmurtiyeed taxan oo ka kooban beydad mid waliba isugu xidhan yahay laba qaar oo leh qaafiyad iyo miisaan ka dhexeeya. Gabaygu qaran ahaan waa Hadal, qabiil ahaan waa Suugaan, qoys ahaan waa Maanso, qof ahaanna waa Gabay. Hadal wuxuu kaga tegey waxii aan murti ahayn ee hadal uun iska ah. Suugaan wuxuu kaga tegey sheeko, maahmaah, khudbad, maqaal iyo majaajillo. Maansana wuxuu kaga tegey geeraar, jiifto, buraanbur iyo dhammaan noocyada heesaha (guuroowgu waa gabay luuq duwan, shiribkuna waa hees). Haddii uu hadalku yahay dhawaaq la isku afgarto oo ka sarreeya dhawaaqa xayawaanku isku afgarto, gabaygu waa heerka dhawaaqaas oo kor loo sii qaaday laguna qurxiyey falsafad, khayaali iyo naaxiyad.

Dad suugaanta aqoon fiican u leh ayaa haddana magaca “maanso” ku kooba gabayga, geeraarka iyo jiiftada oo keliya. Taasi cilmi ahaan caqligal ma noqon karto. Tusaale ahaan maxaa kala duwaya buraanbur iyo geeraar aan ahayn hab-dhaca? Tix oo dhamina waa la xeer, sidaa darteed tix oo dhami waa in ay tahay ”maanso”, xataa heesta ilmaha lagu sabaaliyo.
Waxaa kale oo beryahan dambe gabay lagu sheegaa maansada oo dhan haddii aanay muusig lahayn, maansada oo dhanna waxaa lagu sheegaa hees haddii ay muusig leh dahay, xataa gabayga. Mar kale tixda kale oo dhan waxaa lagu sheegaa maanso, gabaygana gooni ayaa loo saaraa. Labadaa arrimoodba in kasta oo ay cilmi ahaan qalad yihiin haddana waxba kuma jabna in lagu fududaysto. Waayo qofka aanay tani shaqdiisa ahayni kuma khasbana kala barashada noocyada maansada.
Gabaygu waa boqorka maansada soomaalida haddii la eego jacaylka weligii loo qabey iyo sida weyn ee uu u taabbo galay. Muddo dheer wuxuu ahaa dariiqa ugu habboon ee ay dadku warbixinta isugu gudbiyaan taariikhdana ku kaydiyaan, isla markaa isku ammaanaan, isku abaal mariyaan, iskula taliyaan, ku xafiiltamaan ku dagaallamaan kuna haasaawaan. Geeraarka, jiiftada, buraanburka iyo heesaha qudhoodu xoog iyo xiiso badan waa ay lahaan jireen, laakiin midkoodna ma yeelan awoodda iyo qiimaha gabayga.
Gabaygu ha u badnaado loollanka iyo fadqalallada cidaha ka dhex aloosan, wuxuuse ka tegey dhaxal culus oo jacayl, baroordiiq, kaftan, diin iyo sifaynta waayaha iyo dabeecadda intaba leh. Ma aha wax iska abuurma ama la iska tiriyo oo dabadeed iska macno beela, ee mar walba wuxuu ahaa warbixin ku saabsan waqtiga la marayo iyo xaaladda nololeed ee qof iyo bulsho lagu jiro. Haddii aynu waddadii dheerayd ee uu gabayga soomaalidu ku soo hayaamay dib u milicsanno, waxaa aynu arkaynaa in uu soo maray maraxalado badan oo ay mid waliba sawir xoog leh inaga siinayso waqtigeedii iyo xaaladdeedii. Mar haddii aanay bulshadii hore wax qori jirin maansada uu gabaygu ugu horreeyaa waa dhabbada keliya ee looga aroori karo taariikhda iyo hiddaha soomaalida.

2. Dhismaha gabayga
In kasta oo uu gabaygu qiimahaa sare ee aynu ka hadalnay weligii lahaa haddana isaga ayaa maansada soomaalida ugu adag marka ay tahay curinta. Wuxuu ka kooban yahay beydad isku miisaan iyo isku qaafiyad ah. Miisaanku waa dhererka ereyada iyo shaqallada ku jira. Qaafiyadduna waa xaraf beydka labadiisa qaar meel xaddidan joogto uga gelaya. Haddii ay ereyada beydku intii loo baahnaa ka dheeraadaan ama ka gaabtaan, iyo haddii xarafka qaafiyadda laga tago ama meel qaldan la geliyo, beydku wuu jabaa, waxaana lagu magacaabaa ”deelqaaf”. Qaafiyaddu waxay noqon kartaa kow iyo labaatanka shibbane mid uun, ama shanta shaqal oo isku qaafiyad ah. Miisaanka beydku wuxuu ku sar go’an yahay hab-dhaca caanka ah ee ah:
Hoyaalayeey hooyaalayey hoyaalayeey hooye
Si kasta oo sharciyadaas cilmi ahaan loo barto qof waliba gabay ma tirin karo haddii aanay xeerarkaasi si dabiici ah maskaxda ula falgelin. Sababta ay dadka qaar iyaga oo carruur ah sirta gabay curinta u helaan qaar kalena iyaga oo duqay ah beyd keliya u dhisi kari waayaan waa arrin kollay aniga yaab ila ah. Taa darteed shaki badan baan ka qabaa qof aan af soomaaliga u dhalani, si kasta oo uu xeerarka maansada u barto, in uu gabay curin karo.
Qofka gabay tirinaya waxaa wanaagsan in uu dareenkiisa ka soo go’o, isla markaa uu hibo u leh yahay ee aanu iska doondoonin. Waayo haddii uu qofku naftiisa ku jujuubo gabay aanu awood ama hibo u lahayn, aad ayuu uga qiimo hoosaynayaa ka uu isaga gabaygu khasbay ee ku abuuray xanuun iyo welwel uu ka seexan waayey. Maansoyahanka runta ah waxaa lagu tilmaansan karaa murtidan Hadraawi ee ah:
laabtu waa i hugmaysaa 
afku waa i hud’hudayaa
hadal buu i leh yahay
anna waan hor joogaa

3. Deelqaaf
Guud ahaan marka maansada laga hadlayo waxaa aynu had iyo jeer maqalnaa wax loo yaqaan “deelqaaf". Haddaba taasi waa maxay? Intii aan far soomaalida la qorin xuruufta carabiga ee Qur’aanka lagu baran jirey ayaa la yaqaanney laguna dhaqmi jirey. Sidaa darteed ereyga deelqaaf wuxuu sida muuqata ka yimid labada xaraf ee carabiga ah ee d (deel) iyo q (qaaf). Ujeeddaduna malaha waa: maansada jaban ee aan qaafiyad iyo miisaan ku soconi waxay la mid tahay iyada oo isla maanso keliya loo wada qaatay labada xaraf ee d iyo q. Waayo qaafiyaddu waa in ay ahaataa xaraf keliya. Haddaba waxaa laga yaabaa markii u horraysey ee uu ereyga deelqaaf baxay in ay ahayd mar uu qof soo bandhigay tix ku wada socota labada xaraf ee d iyo q, dabadeed lagu dhaliilay: tixdaadu waa deel-qaaf. Ka dibna ay sidaa ku hirgashay.
Waxaynu kale oo og nahay in xarafka d ee carabiga ah aan gadaal xaraf kale lagaga dari karin. Sidaa darteed waxaa laga yaabaa in loo jeedo: maanso aan ereyadeeda iyo qaafiyaddeedu isu dheelli tirnayni waxay la mid tahay d (deel) oo gadaal lagaga daray q (qaaf), taas oo aan bannaanayn.
FG:Qoraalkan waxa aan ka dhex helay kaydka E-mailkayga MSNka waxa uunaku taariikhaysnaa 2009/08/13.waxa aan filayaa inuu kasoo jeedo boggii maansooyinka ee Aftahan.org
 Cabdirisaq8@hotmail.com 

Post a Comment

Lawadaag Axsaabtaada kale.