Monday 25 September 2017

Xeeladaha Xigashada .

Waa Maxay Xigasho?Immisa nooc ayeyse ukala qeybsantaa?
Xigasho;waa soo ergaysashada iyo adeegsiga odhaah ama qoraal aadan adigu lahayn si aad aragtidaada ama qoraalkaada aad ugu xoojisid.Xigashadu waxa ay kaa bad-baadinaysaa inaad ku dhacdid ama lagugu eedeeyo Qish(plagiarism)oo ah in qofku si sharci daro ah usheegto qoraal ama hadal aanu isagu lahayn .haddaba,qormadani kooban waxa aynu wax kaga iftiimi doonaa qeybaha iyo qaababka wax xigashada ay ledahay.Waxa jira fekrado iyo fahanno kala duduwan oo ay aqoon yahannadu kaga hadleen mowduucan isaga ah,balse si guud marka la iskugu soo xooraamiyo aragtiyada la xidhiddha xeeladaha wax loo xigto waxa ay iskugusoo biyo shubanayaan in xigashadu ay ukala baxdo laba nooc oo kala ah;-
1.Xigashada tooska ah(Direct quotation);-Waa soo min-guurin eray eray ah oo lagu sameeyo hadal ama qoraal qof kale leeyahay.Si loo dareemo in hadalkaasi aanu qoraagu lahayn Waxaa shardi ah in lagu muujiyo astaanta xigashada [ “ ” ].Taasi waxa ay calaamad utahay in qoraalka ku dhex jira astaan xigashada uu yahay midka lasoo amaahday.Haddii aynu hal tusaale oo gaaban ka bixino xigashada tooska ah waxa ay noqon kartaa sidan soo socota:-Qoraagga caanka ah ee jaamac jaamac waxa uu buuggiisa dawlanimada ku yidhi,"Dawladnimadu;waa balaayo loo baahanyahay".halkaa waxaa innooga cad in aynu si toos ah usoo xigganay hadalkii uu qoraagaasi yidhi anagga oo aan hal eray ka doorinin ama ka dhimmin.Waxaa kale oo iyana jira habab kale oo loo muujiyo xigashada sida;habka looyaqaano Xigashada xardhan(Block quotation)oo ah nooc la adeegsado marka qoraalka lasoo xiganayo uu yahay mid balaadhan amaba ugu yaraan hal tudac(paragraph)ka kooban.Waxaana lagu muujiyaa qoraal far cabirkeedu weynyahay ah oo dhexda la galiyo ama hareeraha lagasoo dhaweeyo.

2.Xigashada Dedban(Indirect quotation)oo sidoo kale looyaqaano si kale udhihid ama dul-marid(paraphrase)waa in aad hadal ama qoraal qof kale leeyahay soo qaadatid(xigatid) oo aad si kale udhahdid ama tebisidadiga oo adeegsanaya erayo kuu gaar ah.Se,waxaa shardi ah in aadan marnaba wax ka bedelin micnaha guud ama aadan ceyn-wareejin ujeedada rasmiga ah ee hadalkaasi ama qoraalkaasi xambaarsanyahay.Waxa aad isticmaali kartaa weedho ka ag dhaw nuqulka rasmiga ah,kuwaas oo ka kaduwan kana qaro weyn amaba ka sii faah-faahsan siddii uu xaqluhu uydhigay.haddii aynu Isla tusaalehaas sare ku xusan aan ku fadhiisino mas'aladeena,waxa inoo soo baxaysa sidan oo kale;Qoraaga caanka ah ee Jaamac jaamac mar uu ka hadlayay dawladnimada waxa uu buuggiisa ku xusay in;{dawladnimadu ay tahay shey dhib iyo dheefba leh,balse aanan laga maarmi karin}.sidaa marka aan wax udhignay waxaa muuqata in aynan ku takri falin hadalkii qoraagaasi islamarkaana aanan ka leexinin ujeedadii ama micnahii uu oola dan lahaay.Se,waxa aynu u qornay qaab innaga noo gaar ah,islamarkaa waxa aynu u adeegsanay erayo iyo tuduc noo gooni ah.
Waxaa xasuusin mudan in annagu soomaali ahaan ay aad noogu yartahay adeegsiga xigashada iyo ku dhaqanka xeerarkeeda kala jaad-jaadka ah,sidaa aawadeed baa aynu had iyo jeer maqalnaa dadkeena qaar kamid ah oo ka cabanaya in la boobay ama lagu xad-gudbay xuquuqda qoraal ay lahaayeen oo ay qolo kale iska qaadatay iyaga oo aanan xusin ishii ama xaqlihii qoraalkaasi ay kasoo ammaahdeen.Waxaa sidoo kale ubaaan in aynu kala fahanno waxa mudan in la xigto oo ruux gaar ah loo nisbeeyo iyo waxyaabaha aanan ubaahnayn in qof gaar ah loo tiiriyo.Tusaale ahaan maah-maahyada iyo qaar badan oo kamid ah murtida iyo sheekooyinka soomaalida malahan cid gaar ah oo lahubo in ay leedahay amaba ay curisay.Sidaas daraadeed baad arkaysaa ayada oo laleeyahay,"Soomaalidu waxa ay ku maah-maahdaa",ama ,"murti soomaaliyeed baa tidhaahda".Maadaama maah-maahyada,murtida iyo sheekooyinka soo jireenka ah ee ay soomaalidu leedahay ay yihiin kuwa ku dhex filiqsan geyiga soomaalidu degto oo idil;dadkuna wada yaqaanaan'haddii aad aragtid ama lakulantid sheeko,murti ama maah-maah aad adigu sheegtay oo qof kalena qorayo ama ka sheekeynayo taas micnaheeda ma ahan in lagugu xad gudbay oo la laalay xaqqii aad u lahayd in lagaa soo xigto.Waayo sababtu waxa ay tahay in maah-maahdaasi,murtidaas ama sheekadaasi ay tahay hanti soomaali oo idil ka dhexeysa dadkuna uwada garanayaan si la mid ah sida aad adigu umaqashay ama u taqaanid.
Ugu danbayn,waxaa lagama maar-maan ah in aynu ku dadaalno dhawrista xuquuqda qoraalka(Copy rights),si qoraalkeena magac iyo maamuus uyeeshana,sidoo kalena aynu u ilaalino xeerarka xigashada.Ceeb ma ahan in aad soo xigatid hadal ama qoraal qof kale leeyahay, waxaase fadeexad kugu noqon karta in lagugu ogaado inaad ku dhaqantay qish ama(plagirism) oo wax dad kale ku daaleen aad si fudud ulasoo shir tagtay kana beedhay anshaxii iyo asluubtii qoraalka ee wax xigashadu kamid ahayd.ilaalinta xuquuqda qoraalka hore ayay aqoonyahano badan oo soomaaliyeed uga hadleen balse tani waa is xasuusin hor leh oo aan ku dooneyno in xal waara loo helo dhibaatada ka taagan ku xad-gudubka hanti maskaxeedka(Intellectual property)oo bulshadeena soomaaliyeed kusoo dhex noq-noqotay ayna muuqato in wali maaro loo la'yahay.
Tix-raac:-
http://www.write.com/writing-guides/general-writing/punctuation/direct-versus-indirect-quotations/

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.