Sunday, 14 August 2022
Sidee fiicnayd in looga falceliyo fariinta Ergayga gaarka ee QM uqaabilsan Soomaaliya?
Monday, 25 January 2021
Shirweynaha XDSHS ee Jig-jiga.
TPLF-tu Ma sharci bay ku taagantahay?
Saturday, 7 November 2020
Latalinta Taageerayaasha Tacadigii TPLF
Wednesday, 7 October 2020
Wax ka ogoow Abaaleey iyo Asraarteeda.
Abaaley waa tuulo caan ah oo dhacda amaba kutaalla Xuduudka ay wadaagaan DalalkaSoomaaliya iyo itoobiya waxeyna magaaladabaladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ah ujirtaa fogaan dhan 34 km.Waa dhul hodan ah oo Allekumannaystay kheyraad badan oo dabiici ah kuna habboon qodashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha waxaana mara wabiga shabeelle oo kamid ah wabiyada ugu waawayn geeska Afrika waxaana ay deris la tahay oo haatan ay maamul ahaana hoos timaada Degmada Feer-feer oo qudheeda kubeegan xadka kala qeybiya Wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.Tuulooyinka Deefoow iyo Degmada Far-libaax ee Isla gobolka Hiiraan ayay sidoo kale xad la wadaagtaa oo Koonfur iyo Galbeed kakala Xiga.
Abaaley | |
---|---|
Tuulo | |
Muuqaalka Sare ee Abaaley. | |
Dalka | Itoobiya |
Gobolka | Shabeele |
Dowlada | |
• Nuuca | Federal |
Bedka | |
• Dhammaan | 20 km2 (8 sq mi) |
• Land | 5 km2 (2 sq mi) |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Furaha | 251/252 |
Waa goob muhiim ah oo taariikhi ah maadaama ay dhacdo xadka labo dal kala qeybiya.Waxaa in yar un ujirta oo umuuqata buurta caanka ah ee Bur-dhiinle oo ah saldhig militari oo baaxad leh iyo goob taariikhi ah waxaana ay kamid ahayd meelihii ay Saameynta ballaadhan kuyeesheen dagaaladii udhaxeeyay Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977-dii.Buur-Cukur ayaa iyaduna deris la ah oo ka xigta dhanka Waqooyi ee Degmada Mustaxiil.
Gal-cusbo oo ah xarun qadiimi ah laguna yaqaano Barashada Cilmiga Diinta ah ahaydna xaruntii ay kasoo aas-aasantay Xerta-ulamadoow ayaa iyaduna kutaala meel aan sidaa uga fogayn tuuladani Abaaleey.Sida lawada ogsoonyahayna Dadkeedu waa Xoolo-dhaqato-beeraley ay udheertahay dhigista iyo Barista Cilmiga Diiniga ah oo meelo dhaadheer ay dadku ugaasoo xereeyaan si ay uga faa’iideystaan Mashaa’ishtawaaweyn ee halkaa kusugan waxaana degta ama ay gaar utahay oo iska leh Reer Aw Xassan oo ah dad ku caan baxay Barashada iyo Faafinta DiintaIslaamka magac iyo maamuus ballaadhana ku dhex leh guud ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay Dunida ka joogaanba aadna looga haybaysto.
Abaaleey waxa ay leedahay Dugsi Hoose-dhexe, Xarun Caafimaad ,Masjid weyn,Madaraso iyo Inbadan oo kamid ah Adeegyada Aas-aasiga ah ee bulshada sida;Jidadka Caadiga ah iyo Isgaadhsiinta waxaana ka shaqeeya Khadka labada Dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya waana Xarun ganacsi oo isku xidha inta badan goboladaBariga iyo badhtamaha Soomaaliya iyo sidoo kale Gobolada Shabeelle iyo Qorraxey ee Dawlad Deegaanka Soomaalida iyada oo dalaga iyo waxsoosaarka Beeraha ee halkaasi kasoo go'a ay kutiirsan yihiin qaar badan oo kamid Bulshada ku dhaqan goboladaasi.Dadka reer Abaaleey ayaa ah kuwa Hormuud u ah nabadda iyo Xassiloonida deegaanadaasi waxaana ay kaalin muhiim ahi kaga jiraan sugidda amniga Xuduudaasi dheer ee labada dal udhaxeysa oo tan iyo waxii ka danbeeyay bur-burkii Dawladnimada Soomaaliyaay iyagu iskood uga shaqeeynayaan una xilsaarnaayeen.
Dhulka baaxadda leh ee ay Abaaleey ku fadhiso iyo qeybaha ay ka koobantahay amaba meelaha hoos yimaada ee ku xeeran waxaa kamid ah:-
•Burdhiinle.
•Taagga.
•Bardaalle.
•Xaaji Diini.
.Dareerto.
•Jiic.
•Asharaaf.
•Dhuumoodle.
•Jiiqda Abkay Cumar.
•Baarka Sooguday.
•Ceel Xaar.
•Libaaxyaale•
•Lo’-Daaq.
•Jabcadd.
•Dhagran•
•Dheenle.
•Janno-Adduun.
•Jilba-dheer.
•Afyaraado.
•Ceeblo-Kuuseey.
•Xanloow.
•Mandharuug.
•Allan.
•Kulanta.
•Af-dameer.
•Dhir iyo Daaq.
•Xero-Amxaaro.
•Iskaashatada.
•Garbaale iyo Qaar kale oo badan.
...Sii Arag...
Friday, 3 November 2017
MAXAA KU OGAYSIIYAY ALSHABAABKA IL MA ARAGTIDA AH?—MAQAAL.
AFEEF:-Dhammaan Maqaalada Ku soo baxa Boggan waxa ay ka tarjumayaan oo kali ah aragtida gaar ahaaneed ee Qoraaga ku saxiixan,mana jiro haba yaraatee wax xidhiidh ah oo kala dhaxeeyn karo siyaasadda guud ee Shabakadda Warbaahinta Feer-feer Media Network(FMN).
Waxaa kale oo maqalka magaca Alshabaab ku xasuusinayaa Qarax ama dagaal qasaaro badan geystay oo ay qaaday koox aad uqalabaysan si weyna loo soo qorsheeyay,oo ay dad badani ku qudh baxeen,kuwii weerarka qaadayna aan lasoo qaban iyo mid kale oo laga cabsi qabo in ay soo agaasimmaan.
Haddaba,Maxay yihiin Alshabaabka aan la aqoon amaba il-ma aragtida ah?Adigase Maxaa ku ogaysiiyay?
Monday, 25 September 2017
Xeeladaha Xigashada .
Xigasho;waa soo ergaysashada iyo adeegsiga odhaah ama qoraal aadan adigu lahayn si aad aragtidaada ama qoraalkaada aad ugu xoojisid.Xigashadu waxa ay kaa bad-baadinaysaa inaad ku dhacdid ama lagugu eedeeyo Qish(plagiarism)oo ah in qofku si sharci daro ah usheegto qoraal ama hadal aanu isagu lahayn .haddaba,qormadani kooban waxa aynu wax kaga iftiimi doonaa qeybaha iyo qaababka wax xigashada ay ledahay.Waxa jira fekrado iyo fahanno kala duduwan oo ay aqoon yahannadu kaga hadleen mowduucan isaga ah,balse si guud marka la iskugu soo xooraamiyo aragtiyada la xidhiddha xeeladaha wax loo xigto waxa ay iskugusoo biyo shubanayaan in xigashadu ay ukala baxdo laba nooc oo kala ah;-
Wednesday, 20 September 2017
6 Qodob oo kuu sahlaya in aad ku gacan-sareysid dood walba oo aad gashid.
1.Ogoow xaqiiqadaada;-Inta aadan dooda galin is weydii oo aad ooga baaraan-deg in waxani yihiin maalacyi aan meelna gaadhaynin lugo adagna ku taagnayn iyo in ay tahay dood dhab kudhisan,dhil-dhilan,dheelitiran oo dhamaystiran.Adeegso cadeymaha doodaada gun-dhigga unoqon kara oo idil.