Monday 25 January 2021

Shirweynaha XDSHS ee Jig-jiga.

Mu'tamarka 12aad ee XDSHS-Jigjiga.         
Isbedel-diidku waa Aayakatashi-iid! : تحت ألشعار:

Ikhwaani waxa aad moodaa inaan soo gaadhnay qeybtii weydiimaha iyo warcelinta ee Mu'tamarkeen 12aad waxaana su'aalaha nagutaagan inooga jawaabi doona Culimada siyaasada deegaankeenka kuwooda ugu caansan oo ay kamid yihiin;Fadiilatu Sheekh; Axmed Shide, Sheekh; Mustafe Cagjar,Macalin; Aadan Xaaji Faarax, Dr;Abdiwasa Bade,waxaan sidoo kale isku deyi doonaa inaan khadka telefoonka soo gelino qaar kamid ah culimadii hore ee siyaasada kililka oo uu kamid yahay Macalin;Ilkacase iyo Mashaa'ikh kale oo aad wada garanaysaanba.

Weydiimaha ayaan iska bilaabanaynaahe,Saa'ilka uhoreeya waxa uu leeyahay,"Sheekhoow siyaasad ahaan ma bannaantahay in ruux kasoo qeybqaatay tacadiyadii,musuqii iyo maamul xumaddii deegaanka soo maray uu haddana mar kale ummadda  matalo oo wali xil usii haayo?".Sheekh;Axmed Shide,Falyatafadal Mashkuuran.
===========================================

Bismilaahi;Een mas'aladaasi way nagu badantahay weydiinteeda waana mid khilaafi ah oo culimada siyaasadu aad ooga kala aragti duwanaadeen.Qaar ogolaaday iyo kuwa diidayba,Sida raajixa ahna waa la ogolyahay gaar ahaan culimada isbedel doonka kuwooda ugu waaweyn,inkastoo ay shuruudo dhowr ah ku xidheen.Shuruudahaasi waxaa ka mid ah;Inuu qofka iska beri yeelo waxii dhacay oo cidda kuhaboon eedda dusha ka saaro isagana ka waantoobo,isbedel ka cusubna lajaanqaadi karo.Deegaankeena marka aan eegnana waad ogtihiin oo ninkaas waxaas oo dhibaato ah inoo lahaa xisbigu waa uu ka talaabo qaaday oo sharciga ayaa la horgeeyay.
قال تعا لي:والذي تولى كبره منهم له عذاب عظيم. 
Dad kale oo kuguul dareystay in ay eeda iska leexiyaan iyaga waa la hayaa oo waa kuwaa  xabsiyeysanaya.
==========================================.

Waayahay!Saa'ilkan kale waxa uu soo qoray sidan," Sheekhoow,waxa jira xubno xisbi oo kasoo gudbay qiimayntii  Addisabeba balantuna ahayd in ay shaqooda sii wataan ama xilal kale loo dhiibo,balse taasi ma dhicin.Haddaba;miyaanu xisbigu ahayn midka deegaanka ka arimiya ee ay tahay in xeer hooseedkiisa iyo shuruucdiisa lagu dhaqmo?.
=========================================
Sheekh;Axmed Shide,"Mas'aladaasi waxa iiga aqoon roon Sheekh;Mustafe Cagjar ee ha inooga jawaabo.

Sheekh;Mustafe Cagjar,"Bismillaahi,Een saad la socotaanba deegaankeena danbiyo aad uwaaweyn ayaa ka dhacay 7dii ama 10kii sano ee udanbeeyay. Markaa culumadanadu markii ay dawladan dhisayeen waxa ay dadka ka eegayeen dhanka dahaarada waayo waa muhiim in qofku daahir yahay oo aanay bulshadu wax ka tebenayn markaa haddii ay jirto cid ay ahayd in xil loo dhiibo oo aan katagnay waxa ay ubadantahay un in ay wayso la'aan ahayd oo shuruudihii dahaarada uu buuxin waayay,walina fursad ay isku daahiriyaan ayay haystaan oo ay nagula shaqayn karaan,laakiin iyaga oo wali waysadu ka jabantahay in ay xil na weydiistaan xaq umala lahe.Waxaa kale oo aad ogtihiin inaan ahmiyad gaar ah siinay aqoonyahankii la ciilay ee xabsiyada lagu ciqaabayay kolkaa iyaga iyo kuwii dhibkaa ugeystayna dee isku meel masoo wada fadhiisan karaan oo waa in la kala ilaaliyaa.Waxaanse mar walba ku dadaadi doonaa ilaalinta wadajirka ummadda iyo wax wada qabsigooda.
قال تعالي: (وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعاً وَلا تَفَرَّقُوا.
والله اعلم.

=========================================

Waa hagaag!احبآء الكرام wali waxa aan badhtanka ka jiraa qeybtii weydiimaha iyo warcelinta ee Mu'tamar keena, Culimadeena siyaasaduna aad ayay ugu mahadsanyihiin sida daacadnimada ah ee ay inooga jaahil bixinayaan masaa'isha uu mugdigu nooga jiro.

Saa'ilka xigga ayaan soo qabanayaa sidan ayuuna udhigay weydiintiisa,"Sheekhoow,Caddaalad miyaa lagu tilmaami karaa qaabkii loosoo dhisay maamulada gobolada iyo degmooyinka?".Sheekh;Mustafe Cagjar ayaan ugudbinaynaa.
===========================================.
Sheekh;Mustafe Cagjar;Bismillaah;Een waxay ilatahay mas'aladaas walaalkeen Macalin Aadan Xaaji Faarax ayaa igu dhaamee bal aan xagiisa uriixo.Macalin Aadan haye.

Macalin Aadan Faarax,"Bismillaah,Kolka hore waxa aad moodaa in sheekhu mas'aladiisii xageyga usoo moosay.kkkkkkkk.Laakiin waxa aan isku dayayaa inaan ka idhaahdo waxii Alle(swt)iga garansiiyo.Een Mas'aladaasi xukunkeeda khilaaf weyn ayuu dhaliyay xittaa culimada siyaasada dhexdooda waa ay isku qabteen waxaana ijmaac ku noqonay in dib loogu laabto oo waxii aan daliil cad haysanin meesha laga saaro waana rajaynayaa in culimadda danbe howshaa loo xil saari doono si cadaalad oo bulshadu ku raali tahay qof walba xaqiisa usiini doonaan.Waad mahadsantihiin.
 والله اعلم.
===========================================.
جزاكم الله خيراً ،اخواني واخواتي.
Intaas ayaan kusoo afmeereynaa maanta wajigii hore ee qeybtii weydiimaha iyo warcelinta ee Mu'tamar keenan oo inoo sii socon doona,culimaduna waa ay inlasii joogi doonaan haddii eebbe raali kanoqdo markaa waxii su'aalo ee hadhsan amaba dib ka immaani doonana waa la inooga jawaabi ee ha is odhanina meesha waa lagu kala tagay.
هذا وبا الله التوفيف،والسلا م عليكم ورحمة الله وبر كاته.

FG;Waa un Matalaad ee Sidan ma dhicin!

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.