Monday 25 January 2021

TPLF-tu Ma sharci bay ku taagantahay?

Inkasta oo TPLF iyo sharcigu aanay meelna ku kulmin haddana haddiiba aan tooda uraacno oo aan kasoo qaadno in ay sharciga ku dhaqmayaan bal aynu isla eegno waxa xeerku kaqabo qabashada Doorashada heer federal iyo Deegaanba iyo sidoo kale haddiiba ay dhacdo in ay iyaga iyo dawladda dhexe ismaan dhaafaan waxa uu sharcigu dhigayo.

Ugu horeyn dawladda dhexe iyo Dawlad Deegaana da waxa kala haga ee kala hoggaamiya waa Dastuurka Dhexe gaar ahaan qodobada 51 & 52. Kuwaas oo qolo walba uqeexay waxa ay Qaban karaan iyo Quwadoodaba(Powers and Functions) marka la is barbar dhigana Dawlad Deegaanadu howlahooda waa ay koobanyihiin oo waxyaabaha hoose ee iyaga ugaarka ah unbay umadax bannaanyihiin markase ay timaado arimaha masiiriga ah ee dalka oo idil saameynaya iyagu waxooda waa un codsi iyo soo jeedin ee fulin buuxda marnaba ma lahan mana awoodaan.

Haddaba;Doorashooyinka waxa ay kamid yihiin waxyaabaha masiiriga ah ee dalka oo idil taabanaya waxaana kushaqo leh oo kali ah Hay’adaha Dawladda dhexe gaar ahaan goleyaasha sharci dejinta iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka sida ku cad qodobka 102aad ee dastuurka Qaranka.

Marnaba Dawlad Deegaanadu umma bannaana inay iskood u abaabulaan una qabtaan Doorashoo yinka Heer Deegaan iyo kuwa Dawladda Dhexeba iyaguna masoo hor marin karaan mana dib dhigi karaan.Waxa kaliya ee ay awoodaan waa in la shaqeeyaan Guddiga Doorashooyinka qaranka oo ay usheegtaan haddba waxii ay tebanayaan amaba ku taamayaan isla guddigaas isaga ah ayaana ka jawaab celinaya waxii cabasho amaba talo soo jeedin ah ee dhanka Dawlad Deegaanada ka timaada iyaga oo la kaashanaya Hay’adaha Dawladda dhexe ee ay wada shaqeynta leeyihiin.

Sidaasi daraadeed haddii ay Tigreegu isku dayaan in ay qabtaan Doorasho aanay Dawladda Dhexe iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranku midna ogolaan sho uga haysanin waxa ay ka dhigantahay in ay ka hor yimaadeen Shuruucda dalka,Dawladdii dhexena ku caasiyeen taas oo ugu horeyn keeni karta in Golaha Federation-ka uu fadhi degdeg ah ka yeesho arinkaas,Xukuumadda Federaalka ahina ku amro in ay Faragelin toos ah kusamayso Dawlad Deegaanka Tigreega sida ku cad qodobka 62aad farqadiisa 9 aad oo awood usiinaysa Aqalkaasi inuu gaadhi karo go’aank noocaas oo kale ah.

Intaas kadibna Golaha Wasiirada ayaa iyagu dhankooda ka yeelanaya kulan degdeg ah oo ay ku qeexayaan tallaabooyinka la qaadayo iyo qorshayaa shooda  iyaga oo lawadaagaya Hay’adaha ay khuseyso sida;Sharci dejinta,Xeer ilaalinta Qaranka iyo Maxkamadda sare iyaga oo ku doodaya in Dastuurkii Qaranka meel looga dhacay ayna gudanayaan waajibaadka kaga aadan Difaaciisa.

Sidoo kale Ciidamadda Difaaca qaranka,Kuwa Federal Police-ka,Sirdoonka Qaranka iyo Askarta Dawlad Deegaankaas ayaa lagu amrayaa in ay u istaagaan ilaalinta Dastuurka,Islamar ahaantaana Tallaabo ka qaadaan cid kasta oo arinkaa lagusoo eedeeyay xitaa haddii ay noqdaan Xubno iyaga kamid ah.Dabcan waa ay dhici kartaa in Ciidamadu arinkaa kukala qeybsamaan waxaase taasi yareynaya labada arimood ee kala ah;-

1.Ciidamada Dawlad Deegaanada waxaa Saadkooda iyo Saanadoodaba bixisa Dawladda Dhexe waa ayna adagtahay in ay Dagaal kala horyimaadaan amaba ay Muddo dheer iska caabiyaan isla Dawladii ay xaqooda ka helayeen.

2.Inta badan askarta Ittoobbiyaanka ahi Wadinaya dda ayaa la weyn waa ayna ku adagtahay in ay si toos ah uga qeyb noqdaan howl ay ogyihiin in dalka bur-burinayso waxaana ay ubadan tahay haddii lagu amro in ay Xeryahooda ku ekaadaan ayna umuuqato in aan iyaga toos loo beegsanaynin in ay udhego nuglaadaan,tusaale waxaa inoogu filan waxii ku dhacay Cabdi Maxamuud Cumar iyo Saraakiishii Tigreega ahaa oo hadhkoo cad lagalasoo dhex baxay Dawlad Deegaanadoodii.

Iskusoo wada duuduuboo inkasta oo ay unadantah ay in ay aanay dhicin Tallaabo ciidan oo Kooxda TPLF laga qaado lagana yaabo in si kale lagu xaliyo ismariwaaga haatan ka dhextaagan iyaga iyo Dawladda Dhexe haddana;waxaa hubbaal ah haddii fooda la is daro barqo lakala dareeri doono kooxda Wayaanaha ee baalo xooftada iyo Bootada badan. Se waxaa laga baqayo ayaa ah buuqa iyo fowdada ay deegaankaasi geli karaan taas oo furdaamin teeda iyo dib udhiska Haykalka Dawladeed oo waqti qaadan karo sidii ka dhacday DDS.

No comments:

Lawadaag Axsaabtaada kale.